Garsoore Xasan Aaden Xaaji Yabarow (Wiish) iyo kalkaaliyaal ka socda dalka Soomaaliya ayaa ku sugan magaalada Bujumbura ee dalka Brundi halkaasoo ay ku dhexdhexaadin doonaan cayaar ka tirsan tartanka isreereebka koobka Confederations Cup ee qaaradda Afrika oo berrito ku dhexmari doonta kooxaha Lydia LB Academic (Brundi) iyo kooxda Police ee dalka Rwanda.