|    Register
 
Article Details
Xulka Nigeria oo markii saddexaad hantiyey koobka qaaradda Afrika.

Xulka kubadda cagta ee dalka Nigeria ayaa caawa cayaartii kama dambaysta ahayd ee tartanka koobka Afrika 1-0 uga adkaaday xulka dalka Burkina Faso sidaasina markii saddexaad ku hantay koobka qaaradda.

Sunday MBA ayaa u saxiixay goolka kaliya ee ay xulka Nigeria guushan taariikhiga ah ku hanteen inkastoo ay qaybtii labaad ee cayaarta xulka Nigeria heleen fursado ay cayaartan ku aasi kareen balse aysan ka faaiidaysan halka dalka Burkino Faaso uusan asagu helin fursadhaas oo kale caawa ayadoo halkii fursad uu helay weeraryahanka Wilfried Sanou uu ka badbaadiyey goolhayaha Nigeria.

Labaatan sano ka hor ayey ahayd markii ugu dambaysay ee ay xulka Nigeria hantaan koobka ayadoo uu kolkaas uu kabtanka xulka ahaan macalinka xulka Nigeria ee sanadkan Stephen Keshi taasoo ka dhigaysa macalinka mid gala taariikhda qaaradda ka dib markii uu noqday ninka labaad ee hanta koobka qaaradda asaga oo ah cayaartoy iyo macalin.

Mustaqbalka xulka Burkina Faso ayaa ah mid aad u wanaagsan waxayna kor u soo qaadeen sumcadda kubadda cagta ee dalkooda waxayna sanado aan badnayn ka hor hiigsanayeen sidii ay uga soo bixi lahaayeen is reereebka kuna soo gaari lahaayeen cayaaraha in ay caawa final ka koobka Afrika joogaana waxay u tahay horumar wayn.
 
Cayaartoyda Nigeria oo u badan da’yar ayaa la filayaa in ay xiliyada soo socda wacdaro ka dhigaan garoomada maadaama ay hadda heleen niyad dhiskii ugu sareeyey ee heli kareen gaar ahaan xili aan laga filayn in ay guushan keenaan, waxaana durbaba ka bilowday dalka Nigeria dabaaldegyada ku aadan guushan.


Written By: Mohamud
Date Posted: 2/10/2013
Number of Views: 325

Return

Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use