|    Register
 
Article Details
Ibraahim Roombo" Guul Taariikhi ayaa laga soo Hooyay FIBA Zone V".

MUQDISHO - Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga Ibraahim Xuseen Cali [ Roombo] ayaa xusay in guul taariikhi laga soo hoyay ciyaarihii Zone V ee Koobka Isreebreebka qaramada qaaradda Afrika, kaas oo xulka wiilasha Kubadda Koleyga uu sheegay inay ka keeneen guul iyo sharaf u soo hoyatay guud ahaan bahda isboortiga gaar ahaanna Kubadda Koleyga dalka.


Guddoomiye Ibraahim Roombo ayaa isagu muujiyay in iskaashi balaaran ay ku timid guusha la gaaray wuxuuna xusay inuu u Mahadcelinayo inta kala qeybqaadatay Xiriirka taabagelinta ka qeybgalka ciyaaraha Zone V ee ka dhacay dalka Tanzania, sidoo kale wuxuu tibaaxay in XSKK ku tashan doono Xiddigihii guusha lama iloobaanka horseeday.

"In Ciyaaryahano awood sare muujisay garoonka aan la shir-tagno Semi-Finalna soo tiigsadaan waxay ku timid iskaashi ku dheehan wadaniyad, hiil iyo hooba, waxaan rajeynaynaa in mar walba aan muujino ka xiriir ahaan wadashaqeyn sareysa oo aan la yeelano dadka jecel horumarka Kubadda Koleyga Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan, waad la socotaan Xiriirka wax dhaqaale kama helo Xiriirka Caalamiga FIBA, ma jiraan meel uu XSKK si rasmi ugu tashan karo marka Xulka Qaranka uu ka qeybgalayo Tartamada Caalamiga. Laakiin waxaan hubaa haddii si wadajir la isku kaashado sida tan aan dhowaan ka qeybgalnay oo kale natiijo wanaagsan ayaa noo soo baxaysa, waana ku talinayaa in sharafta Kubadda Koleyga u baahan yahay in loo wajaho iskaashi ka yimaada dal iyo dibadba - Dhanka kale waxaa ii farxad ah inaan wax yar ka hor aan FIBA AFRICA ka helnay warqad Hambalyo ah iyagoo muujinaya sida wanaagsan ee uu ka qeybgalkeenu ahaa iyo xiisaha xulka Kubadda Koleyga Soomaaliya ay u yeeleen guud ahaan Tartankii ZONE V ee socday 21-26 Janaayo 2013"

"Sidoo kale waxaa guul Taariikhi ah Record-kii galay diiwaanka [FIBA HERITAGE RECORDS] ee uu dhigay ciyaaryahan Faysal Jaamac, ciyaartii 11aad ee Soomaaliya kaga Hortimid Rwanda oo uu xaqiijiyay hal kulan 59 dhibcood, iyadoo hore uu u haystay Rikoorkan ciyaaryahan reer South Korea ah laguna magacaabo Hur Jae oo isagu dhaliyay 54 dhibcood hal kulan" ayuu Guddoomiyaha XSKK ugu warbixiyay saxaafadda.


Si kastaba, Guddoomiyaha XSKK Ibraahim Xuseen Cali [ Roombo] ayaa ugu baaqay bahda Isboortiga ee jecel horumarka Kubadda Koleyga Soomaaliya inay muujiyeen isku-xirnaan, isla markaana gacanta ay ka geysteen ka qeybgalka ciyaarahii [Zone V] ay sidoo kale gacan lixaad leh ka geystaan kuwa kale ee ku soo fool leh. wuxuuna tibaaxay in xiriirkiisu dhabarka u xiranayo horumarinta Kubadda Koleyga marxalad kasta oo uu dalku marayo uuna diyaar u yahay mar walba wixii talo iyo tusaaleyn ah ee kor loogu sii qaadayo ciyaaraha Kubadda Koleyga Soomaaliyeed.

Said Ibrahim Hussein (BUUNA)
Cell Phone:+2526-1-5520008/+14434409441
Email:buuna@isboorti.com
Twitter: @BUUNA2
Facebook: Click here

Written By: Mohamud
Date Posted: 2/1/2013
Number of Views: 305

Return

Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use