|    Register
 
Article Details
Gabdhaha Kubadda Gacanta Heegan oo ku durduriyay Dekedda.

MUQDISHO: Waxaa ciyaar ka tirsan Horyaalka 4aad ee Kubadda Gacanta garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee Magaalada Muqdisho isaga horyimid gabdhaha Horeed iyo Dekedda , waxaana guud ahaan muuqatay inay ku gacan sareeyeen Horseed oo goolal badan huwiyay gabdhihii Dekedda oo ay ku kala direen 14-4.


Ciyaartan ayaa durba ku bilaabatay dardar xooggan ay la soo galeen Horseed oo goolal badan qeybtii hore kaga naxsaday Dekedda, markii la isku soo laabtay ayay Horseed oo awood  soo bandhigaysa waxay garoonka  kala baxeen xiddigahooda waaya-aragga ahaa waxayna garoonka la yimaadeen da`yartooda oo iyaguna markooda wacdaro la soo baxay ciyaartana ku soo afjaray 14-4 oo ay guusha kula hoydeen gabdhaha Horseed.

"Waxay ahayd ciyaar xiiso leh, Xiddigaha aan ku dhaaranay waan fariisinay  qeybtii danbe, waayo gabdhaha Dekedda waxay u badan yahiin gabdho da`yar oo dhawaan ku soo biiray ciyaartan kubadda Gacanta, kuweena da`da yarna waad aragteen si qurux badan ayay ula ciyaareen waana ka guuleysanay- anaga Koobkan wuxuu tartan weyn inagala dhaxeeyaa  Kooxda Heegan waxaana rajeynaynaa inaan koobkan  kaga qaadno si xarago leh" sidaasna waxaa warbaahintan  gabagabadii ciyaarta ugu waramay  Tababaraha Horseed Ibraahim Abaareey.

Waxaa ciyaartan garsoorayay Axmed Maxamed Mukhtar iyo Maxamed Cabdi  Maxamed [Maxamed Dheere], Dhibcaha waxaa qorayay C/laahi Xasan Cali {Kuusoow}.  iyadoo Saacadda uu hayay Maxamed Xasan Fiidoow.

Si kastaba, Ciyaarta gabdhaha Kubadda Gacanta waxaa u soo daawasho taga Taageerayaal aad u badan, waana ciyaarta keliya  oo ay  taageerayaasha goor hore  soo galaan garoonka. marka seeriga bilowga ciyaarta uu dhaco waxaa muuqanaysa in garoonka ay dirqi tahay in laga helo meel laga fadhiisto.

KALA HOREYNTA DHIBCAHA

#

KOOXDA

DHIBCAHA

1

HEEGAN

12

2

HORSEED

12

3

DEKEDDA

3

4

NATIONLINK

0




Said Ibrahim Hussein (BUUNA)
Cell Phone:+2526-1-5520008/+14434409441
Email:buuna@isboorti.com
Twitter: @BUUNA2
Facebook: Click here


Written By: Mohamud
Date Posted: 1/29/2013
Number of Views: 425

Return

Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use