|    Register
 
Article Details
Kooxda Kubadda Gacanta Heegan oo si Xarago leh uga Badiyay Nationlink.

MUQDISHO: Garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee Magaalada Muqdisho waxaa si habsami leh uga socda Horyaalkii 13aad ee Kubadda Gacanta, waxaana ciyaar kulul isaga horyimid Kooxaha Heegan iyo Nationlink . iyadoo si xarago leh guusha ay ku raacday Heegan oo 28-22 ku dubtay Nationlink.


Ugu horeyn ciyaartan ayay wiilasha kooxda Nationlink ku bilaabeen dardar aad u sareeya , iyagoo shabaqa kooxda Heegan ku hubsaday goolal badan qeybtii horena la wareegay Hogaanka ciyaarta. Laakiin markii la isku soo laabtay qeybtii danbe waxaa kooxda Heegan ay garoonka soo gelisay Xiddigahooda waaya aragga u ah oo isbedel sameeyay- iyagoo surageliyay inay markooda la wareegaan awoodda garoonka isla markaana guusha ay kula hoydeen dhibcaha 28-22.

Waxaa ciyaartan ka xusi karnaa xiddigihii ugu cadcadaa, dhanka Nationlink Maxamed C/qaadir C/Shakuur (Mow),Cismaan Maxamed [Zavana], Dhanka Heegan waxaa ciyaar farsamo ku dheehan la yimid xiddigaha da`da yar C/fitaax Maxamed Macoow {Bukaale} iyo Cali Maxamed Aadan {Cali Baraawiini} oo labadaba u muuqda hanaan ciyaareedkooda inay ku kordhayso farsamo dheeraad ah.

Waxaa ciyaartan xamaasadda lahayd garsoorayay C/laahi Xasan Cali {Kuusoow} iyo Maxamed Cabdi Maxamed [Maxamed Dheere], Dhibcaha waxaa qorayay Maxamed Xasan Fiidoow. iyadoo Sacaadda uu hayay C/raxman Suufi Karaama.

Daawashada ciyaartan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxda wasaaradda Adeegga Bulshada iyo Madaxda Xiriirada GOS – waxaana ka mid ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Adeega Bulshada Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), Guddoomiyaha XSKG Maxamed Xasan Xuurshe [Eenoow], Guddoomiyaha XSKK Ibraahim Xuseen Cali (Roombo), Kusimaha Xoghayaha XSKG Xasan Maxamed Axmed (Xasanoow), Kusimaha Xoghayaha XSKK Cabdi Cabdulle Basaale, Guddoomiyaha Guddiga Tartamada XSKC Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiino) iyo Taageerayaasha Kubadda Gacanta oo aad u buux dhaafiyay garoonka 1da Luulyo.


Said Ibrahim Hussein (BUUNA)
Cell Phone:+2526-1-5520008/+14434409441
Email:buuna@isboorti.com

Written By: Mohamud
Date Posted: 1/26/2013
Number of Views: 340

Return

Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use