|    Register
 
Article Details
GOS oo taageeradiisa ku biiriyey XSKK iyo xulka qaranka kubadda kolayga.

Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed ayaa maanta waxa uu xulka kubadda kolayga Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey guulaha isdaba jooga ah ee uu ka gaaray cayaarihii uu uga adkaaday dalalka Kenya iyo Burundi.

Guddoomiyaha GOS mudane C/Laahi Axmed Tarabi oo ka hadlayey guulahan asagoo jooga magaalada Mogadishu ayaa ku tilmaamay kuwa lagu farxo mudana in lagu amaano XSK Kolayga madaxdiisa, macalimiinta xulka qaranka iyo cayaartoydaba.

“Waxaan muddo badan soo ahaa macalin ayadoo lagu naaloonayo nabadgelyo iyo taageero dawladeed waxaanse qirayaa in guulahan la gaaray aysan ku imaan fudayda balse dadaal iyo karti dheeraad ah oo ay muujiyen xiriirku ay ku suuragalen waana ugu hambalyeynayaa anigoo ku hadlaaya magaca xubnaha GOS iyo guddigiisa fulinta intaba” ayuu yiri guddoomiyaha GOS C/laahi Axmed Tarabi oo asaga laf ahaantiisu ka mid ahaan jiray macalimiintii xulka qaranka kubadda kolayga.

Xoghayaha GOS Duraan Axmed Faarax oo aan la xariiray asaga oo ku sii jeeda magaalada Dar el Salam ee dalka Tanzaaniya si uu ugu biiriyo xulka qaranka taageeradiisa ayaa sheegay in ay sharaf u tahay GOS iyo asagaba in uu kala qaybgalo xiriirka iyo walaalaha kale ee taageeraya xulka cayaarta berrito ay uga hortagi doonaan xulka Rwanda si ay ugu muujiyaan taageerada buuxda ee GOS u hayso xulka qaranka iyo XSK Kolayga intaba taasoo ka turjumaysa wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa GOS iyo xiriirada xubnaha ka ah.

“ Waan ku faraxsanahay in aan qayb ka noqono dadaalka loogu jiro sare u qaadida kubadda kolayga dalka gaar ahaan xulkan da’yar ta ah ee wacdaraha ka dhigaya Tanzaaniya, guddiga olimbikada Soomaaliyeedna goob joog ka ahaado anigoo matalaya waxaanan hubaa in guulahan iyo kuwa kale oo soo socdaba ay ka tarjumayaan dadaalkii GOS iyo xubnaheedu ugu jireen sidii loo horumarin lahaa sport ga dalka” ayuu yiri xoghaye Duraan Axmed Faarax oo ku sii jeeday Dar el Salam.

Xulka qaranka kubadda kolayga ayaa burrito cayaar aad u adag kana mid ah cayaaraha Semi-final ka ah uga hortagi doona xulka Rwanda ayagoo haddii ay ku badiyaan cayaartaasina u soo gudbi doona cayaarta kama dambaysta ah markii ugu horeysay muddo ka badan 25 sanadood.

Xigasho: www.nocsom.com

Written By: Mohamud
Date Posted: 1/24/2013
Number of Views: 443

Return

Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use