|    Register
 
Article Details
Macalin Baarajab "xulkayagu cidna ka cabsan maayo, diyaar ayaanan u nahay Rwanda".

Guulihii isdaba jooga ahaa ee ay xulka kubadda kolayga Soomaaliyeed ka gaareen tartanka xulalka qaramada ku wada jira Zone ka shanaad ayaa waxaa bahwaynta sport ga ku batay hadalhaynta guulahan iyo isbadalka degdega ah ee ku yimid xulka kubadda Kolayga Soomaaliyeed.

Hadaba si aan wax uga ogaano isla markaana akhristayaasheena ugu iftiimiyo su’aalaha ay iswaydiinayaan ayaa waxaa ii suuragashay in aan la xariiro macalinka xulka kubadda Kolayga Soomaaliyeed Cumar C/Qaadir Baarajab asagoo ku sugan magaalada Dar El Salam ee dalka Tanzaaniya waxaanan ugu horeyntii waydiiyey sida uu u arko guulahan waxa uuna uga jawaabay,

“Guulahan waa guulo iigala wayn iigalana culus markii aan cayaartoyda ahaa waayo xiligaas waxaan haysanay dawlad iyo shacab aad noo taageera guulaha aan gaari jirnayna waxa ay ahaayeen kuwa nalaka filayey laakiin guulahan ay maanta dhalinyaradani keeneen waa kuwa aan la filaynin isla markaana ay xili guulo noocaan oo kale ah oon gaarno ka soo wareegtay muddo dheer, aad ayaanan ugu farxsanahay aniga iyo saaxiibadayda gacanta wayn igu siiyey”.

Maxaa suurageliyey ayaad isleedahay adigu macalin ahaan in dhaqso wax isku badalaan isla markaana hal tartan aan laba wadan oo ka tirsan geeska Afrika ka adkaano ayaan waydiiyey macalinka xulka qaranka Baarajab waxa uuna yiri,

“Isbadal kuma yimaado si fudud waxaana run ahaantii iska leh amaanteeda dhamaan dadkii ka soo shaqeeyey oo ay ka mid yihiin maamuladii hore oo sidaad ogtahay tartankan laguma bilaabin in cayaartoy la keeno oo waxaa jiray kuwa la qorsheeyey oo baaqday waxaa jiray kuwa gabdho la geeyey sidaasi darteed dhamaan dadkii muddooyinkii ugu dambeeyey ku hawlanaa kubadda kolayga waa xaq in la xuso, dhinaca xiligan waxaa amaanteeda iska leh XSK Kolayga gaar ahaan xoghayaha oo aad uga shaqeeyey, sidoo kale guddoomiyaha xiriirka iyo ku-xigeenadiisa oo u muujiyey xoghayaha wada shaqayn iyo dhiirigelin joogta ah”.

BidiX: Maxamed Xaaji, Saciid Ducaale, Axmed Muuse iyo Barajab.

Hadda waxaad u soo gudubteen cayaaraha Semi-final ka ah waxaadna ku soo aadeen xulka haysta horyaalka tartankan ee Rwanda maxaad ka filaysaan cayaartaasi maalinta burrito ah idin dhex mari doonta Rwanda ayaa ka mid ahaa suaalihii aan hordhigay kubad qaybiyihii kooxdii Jeenyo (LLPP) waxa uuna ka yiri,

“Xulka Rwanda waa xul adag isla markaana sidaad u sheegtay haysta horyaalka koobkan laakiin xulkeenu cabsi kama qabo xul kasta oo ka horyimaada cayaartanina waa nooga duwan tahay kuwii hore waayo waxay noo diraysaa cayaarta final ka ah oo aanan muddo badan ka mid noqon kooxaha u soo baxa shacabka Soomaaliyeedna farxad ayey gelin lahayd in ay arkaan xulkooda oo cayaar final ah taagan”.

Macalin Barajab iyo Xiddigii NBA da Hakeem Olajuwon

Tan iyo maalintii aad ka badiseen xulka Kenya waxaa la idin soo gaarsiinayey hambalyo iyo tahniyado aad u fara badan oo dhinaca dawladda iyo shacabkaba ah dhiirigelin intee le’eg ayey idin gelinaysaa maxaase looga baahan yahay bahwaynta oo ka duwan hambalyada ayaan waydiiyey macalin Baarajab waxa uuna ka yiri

“Waa su’aal muhiim ah, xaqiiqiyan aad ayey noo dhiirigelinaysaa in naloo soo hambalyeeyo cayaartoydiina waxa ay galisay kalsooni aad u badan waad garan kartaa dhalinyaradan qaarkood Soomaali badan ma arag noloshooda iska daa kuwa u hambalyeynaya, wasiir soo wacaya, telifishan iyo jaraaidyo ayaga ka hadlaya markaa dareenkoodu aad ayuu u kacay Soomaalinimo iyo wadaniyad laga yaabo markii hore in aysan ku jirin ayaa hadda gashay waxaanan runtii uga mahadcelinayaa dhamaan dadkii noo soo hambalyeeyey iyo waliba warfidiyeenada kala gedisan ee Soomaliyeed. Waxaase runtii mudan in la xuso in taageeradu aysan ku koobnaan oo kaliya hambalyo balse laga qaybqaato sidii la isugu hayn lahaa isla markaana loo kordhin lahaa cayaartoyda tayada leh, ganacsataduna ay kaalintooda ka qaataan, sidoo kale madaxda iyo bahwayntii hore ee sport ga kaalimahoodu waa lagama maarmaan waxaanan mar kale idinkaga mahadcelinayaa dhiirigelintaasi”.
Ugu dambayntii ayaan waxaan waydiiyey Cumar C/Qaadir Baarajab maxaad kula dardaarmaysaa cayaartoydaada iyo waliba shacbiwaynaha Soomaaliyeed ee ka dhursugaya cayaarta berry ee xulkaaga iyo kan Rwanda waxa uuna uga jawaabay su’aashaasi,

“Cayaartoyda waxaan mar walba u sheegaa in ay soo bandhigaan cayaar wanaagsan oo asluub ku dheehan tahay, sidoo kale aysan isi saarin culays badan sida Soomaali wayn oo guul kale idinka sugaysa isla markaana aysa ka fakirin Rwanda waa horyaal aaminaana in ay ka adkaan karaan, shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay aamina in dhalinyarada Soomaaliyeed ay haybad u leeyihiin xirfadda kubadda kolayga iyo cayaaraha oo dhan balse u baahan yihiin in si wada jir ah looga shaqeeyo lana taageero dadka ka shaqaynaya markaasna guulo badan oo aad ku faraxdaan waad heli doontaan”.

Cumar Barajab, Siciid Faarax Ducaale iyo Axmed Muuse.

Xulka dalka Soomaaliya ayaa cayaar ka mid ah kuwa afarta kooxood oo isku soo haray tartankan waxa ay uga horimaan doonaan xulka Rwanda waxaana wararka ka imaanaya magaalada Dar el Salam ee dalka Tanzaaniya sheegayaan in xulka Soomaaliya hadda ka mid yahay dalalka aad looga cabsanyo in lama filaan ka sameeyaan cayaarahan.

Written By: Mohamud
Date Posted: 1/24/2013
Number of Views: 714

Return

Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use