|    Register
 
Article Details
Ma haboontahay in laqabto Cayaaraha Gobolada? sideese loo dhisi karaa Xidhiidho tayo leh?

Runtii waxaan qalinka u qaatay in aan waxoogaa ka iftiimiyo halka aaynu cayaaraha ka maraayno inagoo ku abtirsanaayna mudo 21 sanadood ah oo Somaliland aay xor ahaayd waxaan si kor iyo hoos u ogahay dhibaatooyinka ragaadiyay ee waliba aanad arkaaynin in aan ahmiyad la siinaaynin .

Ilaa intaan dalka ku soo noqonay sanadkii 1991 waxaad moodaa in maamuladii kala dambeeyay aan runtii awood badan la saarin dhanka cayaaraha oo ah halboowlaha dhalinyarada waxaan ogahay in dhamaan Dadka Somaliland aay noqdeen siyaasiyiin yar iyo weeynba halkii aay ahaayd in la jiheeyo bulshada gaar ahaan dhalinyarada oo ah halboowlaha wadanka waxyaabaha lagu jiheeyo dhalinyarada waxaa ugu muhiimsan sportiska ama cayaaraha oo runtii aan Somaliland sidii la doonaayay uga hirgalin sabab kasta ha yeelatee waxaan soo qaadanayaa sababaha loo hirgalin waayay sportiga dalka .

-Wadanku waxa uu leeyahay golayaal sida golaha Guurtida ,Barlamaanka ,golaha xukuumada iwl, mid waliba waxa uu ku qotamaa shuruuc iyo qawaaniin lagu kala dambeeyo waxaana gola walba ka jira habka sharci ee lagu hagayo dhexdooda hadaba akhristoow ma ila waafaqsantahay in Somaliland halboowlaha ka goani dhanka sportiska ama cayaaruhu waa Shuruucda caalamka ee u dagsan cayaaraha oo aan ka dhaqan galin ama sidii la doonayay aan uga hirgalin .

1.Dhanka Xidhiidhada oo aan loo sameeynba hab wada gaarsiisan wadanka dhamaantii

2.Xidhiidh waliba ma leeyahay madaxbanaani buuxda

3.Sportiga oo sidiisaba ka madax banana siyaasada macnaheedu waa in maamulka xidhiidhadu aaysan siyaasad ku shuqul yeelan lanana soo fara galin.

4.Xidhiidh walba waa in uu leeyahay sharcigiisa u gaarka ah iyo kan wada shaqeeynaayd ee uu la yeelanaayo wasaarada cayaaraha qaranka iyo hayadaha kale qaranka.

-Hadaba hadii uu sharciga cayaaruhu aanu si wanaagsan noogu hirgalin waxa kaliya ee aan aragnaa ama maqalnaa Tartanka Cayaaraha Gobolada marka sharuucda cayaaraha la eegayo waxa uu ka galayaa heerka labaad B .

Hadaba muhiimada koowaad ee loo baahnaa waxaay ahaayd in xoog la saaro dhismaha ama tayeenta xidhiidhada hadda jira sida xidhiidhka kubadda cagta ,kolayga.iyo oradada khaasatan sidii loo balaadhin lahaa si loo wada gaarsiiyo goboladda dalka oo dhan, waxyaabaha had iyo goor khilaafka keenaa waxaa u aabo ah sharciga oo la baal maro aan tusaale idin siiyo had iyo goor waxaa ka dhaca isqabqabsi xoog leh gaar ahaan marka cayaaraha goboladu soo guda galaan ama la shaaciyo sida ka dhacday Gobolka Togdheer(Burco) ama Awdal (Borama)waxaad arkaaysaa khilaafka oo loo aanneeynayo Iskuduwaha wasaaradda Cayaaraha halka aay muhiimada koowaad ahaayd in uu jiro Gobol walba Xidhiidhka K.Cagta ee heer Gobol oo hoos tagaya kan Xidhiidhka K.C.Somaliland ee heer qaran hadii nidaamkaas la heli lahaa marna muran muu dhaceen .

waxaan jeclaan lahaa in aan soo bandhigno qaabka caalamiga ah ee ku haboon in aaynu u dhisno Xidhiidhada isla markaana aan dawlada ku dhiiri galinaaynaa in aay kor u qaadaan tayeeynta iyo dhiirigalinta cayaaraha si loo jiheeyo dhalinyaradda dalka ee cayaaraha jecel inta daawashada jecel,taageerayaasha iyo barbaarta soo koraaysaba. Waxaa naga talo ah.

Tusaale qaab dhismeedka Xidhiidhka Kubadda cagta

Xidhiidhka Kubada cagta ee Somaliland (Somaliland Fotballl Association)

-Xidhiidhka Kubada cagta ee Somaliland (SLFA) waa xidhiidh isku xidha xidhiidhada kubada cagta ee gobolada, isla markaana ah xidhiidh ka madax bannaan siyaasad. Kuna saleysan cadaalad, sinnaan iyo isdhexgalka carrurta iyo dhalinyarada dalka. Hadafka xidhiidhku waa ciyaaro, fursado la siiyo carruurta iyo dhalinyarada iyo dadka waaweyn .

-Waa muhiim in SLFF yeelato hadaf dheer oo ey higsato kaas oo ah in ilme kastaa uu helo meel uu kubad ku ciyaaro, qalab, horumarka kubada cagta iyo in dalku yeesho koox metesha qaranka. SLFA waa iney yeelato sharciyo ku saabsan dhamaan khadka kubada cagta sharciga Ciyaatoy – Koox – Naadiyada– Laamaha kubada cagta ee gobolada – Xidhiidhka kubada cagta –waafaqsana shuruucda caalamiga ah FIFA.

-SLFF waa iney yeelato qorshe dheer (Action Plan) shan sannadood ah oo muujinya waxa ey SLFF rabto iney u qabsoomaan waqtigaas, qorshehaasi oo khuseeya dalka oo dhan isla markaana wata kharashka loo baahanyahey.

-Tan macnaheedu waa in xukuumaddu ahmiyad weeyn u haayso khaasatan dhanka kharashka looguna daraa miisaaniyadda sanadlaha ah inta Fifa aay ka mid noqonayaan waxaana iga ogeeysiin ah ilaa hadda in aaynaan wax dalab ah loo sameeyn ama ka mid noqoshada Fifa ogaalkay,ogaadana hadba sidaad wax u dhisato ayaad waxna ku raadsan kartaan.

-Dhisida iyo teegerida laamaha xidhiidhada gobolada (LXG)

Waa waajib in SLFF ey dhisto xidhiidho tayo fiican leh oo ka jira dhamaan gobolada dalka, kuwaas oo ey doortaan naadiyada ka jira dhamaan degmooyinka gobolka.

Macnaheeda oo ah xidhiidhka kubadda cagta ee heer Gobol waxaa dooranaya Naadiyadda hadba ka jira Gobolka,heer degmana waxaa dooranaya hadba naadiyada ka jira degmada hadaanay jirina waxaa wakiilkooda magacaabaya gudida heer Gobol.

Gudiyada

SLFF waa iney yeelato gudiyo kala gedisan oo kala ah

a) Gudida fulinta: oo ey doortaan gudiyada laamaha gobolada

b) Gudida sharciyada

c) Gudida garsoorayaasha

d) Gudida dhaqaalaha

e) Gudida arrimaha caalaamiga (international committee)

f) Gudida anshaxa

g) Gudida tababarada.

Waxaa weeye waxaa gudida fulinta dooranaya gudiyada laamaha Gobolada si gobol waliba uu cadaalada u helo si aaynay wax kasta aanay u noqon caasimada si sportigu u hanaqaado

Wadashaqeyn

SLFF waa xidhiidh u dhexeeya dhamaan xidhiidhada kubada cagta ee gobolada hase yeeshee waa lagama maarmaan inuu la shaqeeyo cid kasta oo uu u arko iney wadashaqeyn karaan sida Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo dhaqanka, Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Maaliyadda iyo Laamaha kale ee dawlada. Waxa iyana muhiim ah in lala shaqeeyo shirkada gaarka loo leeyahey (private sector), ururada madaxbannaan iyo xidhiidhada kale ee dalalka Afrika iyo FIFA.

-Garsoorayaasha

Waa muhiim in SLFf yeelato garsoorayaal leh khibrad iyo aqoon lagu kalsoon yahey oo dabooli karta baahida loo qabo garsoor fiican oo ku saleysan cadaalad, dulqaad iyo go’aan qaadasho adag. Garsoorayaashu waa iney leeyihiin jaranjaradan: macnaha waa in aay kala heer yihiin marwalbana tababaro la siiyo joogta ah.

-Garsoorayaasha naadiyada (Club referees):

Waa in la tababaro lana cusbeyniisiyo aqoonta garsoorayaash naadiyada kuwaas oo shaqadoodu tahey garsoorka naadiyada ee heer naadi.
Macnaha Naadiga naftiisa ayaa laga rabaa in qorshaha aay ku darsadaan sidii garsooreyaal heer naadi ah aay u tababari lahaayeen
-Garsoore carbin (Recruitment referees):

Marka uu qofku buuxiyo 15 sanno waa in xidhiidhka gobolku siiyo tababar garsoornimo si qofkaas loogu carbiyo garsoore mustaqbalka. Waa in la dhiirrigeliyo oo uu qabto garsoorka ciyaaraha xaafadaha, saaxiibtinimo iyo marka dambe ciyaaraha degmooyinka.

-Garsooreyaasha laamaha xidhiidhka gobolada (Association referees):
Waa in la siiyo tababar garsoorayaasha heer gobol, kuwaas oo yeelanaya caddeyn (authorisation) uu siiyo gudida garsooreyaasha ee xidhiidhka. Garsooreyaashani waxey xukumayaan ilaa heer gobol isla markaana iyaga ayaa masuul ka ah kobcinta aqoonta garsooreyaasha labada qole ee xagga sare ku xusan.

Hogaamiye garsoore (Head referee):Gudoomiyaha Gorsoorayaasha
Xidhiidhku waa inuu lahaado hogaamiye garsooreyaasha oo dhan oo ey doortaan dhamaan garsooreyaasha kala gedisan. Shaqadiisu waa inuu diyaaro tabarada iyo kor u qaadida aqoonta garsooreyaasha isla markaana ilaaliyo xuquuqda garsooreyaasha. Isaga ayaa masuul ka ah dhammaan hawlaha ku aadan garsoorka.
-Higsi: Mustaqbalka waa in la soo saaro garsooreyaal meteli kara African Cup of Nations iyo FIFA.

Laamaha gobolada

Waa inuu jiro xidhiidh kubada cagta ee gobol kastaa, kaas oo leh sharciyo iyo hadaf waafaqan kuwa SLFA.

-Gudida kubada cagta ee gobolka

Gudida waxa dooranaya hogaamiyeyaasha naadiga kooxaha ee gobolka ka jira oo dhan (magaalo, degmo, tuulo). Gudidaasi waa iney sameyso sharciyo oo ku maamusho naadiyada, kooxha, garsoorayaasha iyo ciyaartoyda.sida aan kor ku soo xusnay

Naadiyada (clubs)

Gudida LXG(laamaha xidhiidhka Gobolada) waa iney siiso tababar hogamiyeyaasha naadiyada si loo dhiso naadi fiican oo buuxiya dhamaan shuruurada looga baahanyahey naadi sida inuu leeyahey magac, astaan u gaar ah, garoon, dhar, kooxo kala derejo ah (A, B, C iwm).

Waa in xidhiidhku dhiirigeliyo naadiyo badan oo ka jira dalka kuwo dawladeed iyo kuwo gaar loo leeyaheyba. Waa in xidhiidhku sameeyo sharciyo iyo shuruudo gaar o ku aadan naadiga. Naadi kastaa waa inuu sidiisa u dhisanyey oo uu leeyahey gudi maamusha, tabobarayaal kooxo kala duwan oo leh da’o kala duwan (inamo iyo hablaba hadii loo baahdo ) sida carruurta yaryar, dhalinyarada yaryar iyo dhalinyaro/rag.

Kooxaha

Naadiyadu waa iney lahaadaan kooxo kala heer duwan, kuwaas oo loo qabto tartano joogto ah. Kooxuhu waa iney yihiin kuwa leh dhaqaale ey ku wadi karaan hawshooda isla markaan sannad kasta keenaan warbixin ku saabsan dhaqaalahooda. Tababarada kooxuhu waa iney qaataan koorasyo ey u sameyso SLFF isla markaana siiso warqad ogolaansho ah.

F.G.Sida aan ogahay naadiyada hadda dalka ka jira qaarkood waay dhisanyihiin gaar ahaan caasimada sida Dawlada Hoose,Gaashaan,Goodir,waxaanan ogahay in aay ku soo biireen dhawaan Duulista iyo Hawada ,Kooxda Ganacsiga ,iyo Asluubta ka dib markii dadaal badan aay u galeen xidhiidhkii iyo wasiirka duulista iyo hawada iyo ganacsiga Cabdirizaak,taliyaha ciidanka Asluubta oo isagu ku daray kooxda kolayga waa inta aan is leeyahay dhaqaale ayeey qaataan.

Kubada carruurta

Waa muhiim in carruurta yaryar lagu dhiirigeliyo iney kubada ciyaaraan, kuna ciyaaraan xaafadooda, hase yeeshee waa in loo habeeyo laguna saleeyo ciyaartooda waxyaabahan asaasiga ah;

a) Ku raaxeysi: ha laga dhaadhiciyo iney u ciyaaraan si ku asluubaaysan ah ee yaaney noqon mid ku saleysan yaa badinaya ama yaa xariif ah.

b) Fair play; ciyaartu ha ku saleysnaato ixtiraam, ha noqoto carruurta dhexdooda, kuwa ixtiraamaa, tababarayaasha iyo garsoorayaasha.

c) Sinnaan (equiality); waa in carruurta loo tababaro in ilme kastaa meesha uu doono ha ka yimaado, reer ladan, reer maqaca leh, dadka laga tirada badan yahey ey xaq u leeyihiin iney ciyaarta ka qeybqaataan. Arrintan haddii carruurta lagu ababiyo waxey sahleysaa iney ku dhaqmaan sidan marka ey weynaadaan.

N.B Tan waxaan filayaa in aaynu ka bilaabno skuulaadka waliba aay dawladu iyo wasaaradda waxbarashadu aay ku soo rogtaa xiisadihii caruurtu aay ku cayaari lahaayd si aay u yeeshaan kooxo mathala skuulka

Tartannada (tournements/cups)

Tartanka ramadaanta: Waa koob la qabto ramadaan walba oo ka dhaca Xaafadaha/degmooyinka/magaalooyinka; Waa inuu yahey tarran waafaqsan sharciyada xidhiidhka. Qofka ka qeybqaadanyaa waa inuu buuxiyo shuruudaha u yaalla xidhiidhka.

A) Tartnka kooxaha; Waa inuu jiro wareeg u dhexeeya kooxha darjooyinka A, B iyo C oo socda sannaska oo dhan. Tusaale ahaan kooxaha ka ciyaara heerka koowaad waa ieny iswada arkaan markaa ka ugu dhibcaha badan ayaa ku guuleysanaya koobka isla markaana labada kooxood ee ugu hooseeya waxey u degyaan darajada heerka B. Halka labada kooxood ee ugu dhibcaha badan heerka B ey u gudbayaan heerka A iwm.

B) Tartanta degmooyinka: Waa sannad walba hal mar la qabto koobka degmooyinka ee heer gobol si loo xulo xulka metelayaa gobolka.

C) Tartanka gobolada: Tartankan oo dhacaya sannadkii hal mar waa inuu wareego oo sannadba lagu qabto gobol isla markaana uu yeesho waqti cayiman oo aanuu hore iyo dibtoona ugu dhicin.

Dulcda maqaalkaayga

Hadaba hadaan u soo noqdo dulucda qoraalkaaygan oo ku salaaysan cayaaraha Goboladda ee hadda la filayay ayaan waxaan u arkaa anigu i maadaama aanaay haboontahay inaan hadda la qaban maadaama aaynaan lahaaynba jaranjaradii cayaaraha dalka iyo is waafajinta shuruucda caalamiga ah ,waxaan ogahay in Goboladu aayna qabsan intooda badan cayaarihii Degmooyinka si uu cayaartooy walba ugu qanco xulka gobolkiisa iyo sida loo xulay isla markaana ah xuquuq uu cayaartooy walba leeyahay.

Waxaan ogaa dhibaatooyinkii Doorashadu laga dhaxlay gaar ahaan qabyaaladii oo taagtaagan ,iyo wixii ka dhashay waxaan isleeyahay cayaarahani waxaay u ekaanaaysaa qabaailkii doorashada ku hardamay oo hadana aad kubad ku tartansiisaan waxaan soo jeedinayaa oo waaya aragnimadaaydu I faraaysaa in hadii laga maarmi waayo muddo dib lo dhigo laguna qabto garoonkaad doontaan.

Sida aan hadda la shaaciyay in dib loo dhigay ilaa bisha June 2 deeda si qurbajoogu u yimaadaan sida aan ka akhriyay websidyada qaar waxaan u maleeynayaa in ilaa bisha June dhamaadkeeda aay bilaabmaan fasaxyada xagaagu khaasatan wadamada skandenevianka ,Uk dhamaadka Julay .

Qarankan waxaa cayaarahan uga baxaaysa kharash aad u badan mudadaas kooban waxaan hubaa in aay noo dhisi karaayso dhawr garoon oo goboladda iyo degmooyinka laga hirgaliyo hana la ogaado in waxyaabaha aan kor ku soo sheegay aay tahay muhiim hadii la doonayo in aay dhab inaga tahay horumarinta dhalinta iyo cayaaraha si aaynu ula jaan qaadno caalamka ,waxaad haaysataan fursad qaali ah oo lagu dhisi karo shruucda cayaaraha si loo dhiso xidhiidho tayo badan qarankana wax ku soo kordhin kara gaar ahaan kubadda cagta ,Kolayga iyo Oradadaba.

Alaa Mahad Leh

Xassan waraabacadde
Hassanabdalla5@hotmail.com

Written By: Mohamud
Date Posted: 1/14/2013
Number of Views: 388

Return

Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use