Gabagabada dhigista cowska artifishalka ee garoonka stadium Banadir ayaa waxaa ay astaan u tahay in uu soo dhamaaday wajigii hore ee dhismaha garoonka, sida uu sheegay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Sacdiid Carab oo maanta war saxaafadeed arrintaa ku aadan kasoo saaray xafiiskiisa Muqdisho.