|    Register
 
Article Details
Guddoomiye ku xigeenkii 2aad ee GOS oo lagu aasay magaalada Muqdisho

MUQDISHO: Alle ha u Naxariistee waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Halyeyga Isboorti Xasan Axmed Cabdi [Xasan Elman] oo ahaa Guddoomiye ku xigeenkii labaad ee Guddiga Olambikada Soomaaliyeed.

Marxuum Xasan Elman ayaa lagu xasuustaa qeybtii lixaadka lahayd ee uu ka qaatay horumarinta ciyaaraha gaar ahaan Kubadda Cagta. Wuxuuna qeyb weyn ka qaatay Tayeyntii iyo horumarintii naadiga Elman tasoo ay ku raacday Naaneystiisa (Xasan Elman).

Dadaal iyo karti uu ka muujiyay Isboortiga dalka waxaa 19kii Febraayo 2009 loo doortay ku xigeenka 3aad ee GOS, Sidoo kale 3da bishan Janaayo 2013 waxaa loo doortay xilka Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Guddiga Olambikada Soomaaliyeed .

Isla maanta ayaana Aas Qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho, Iyadoo ay ka soo qeybgaleen madax ka tirsan Dowladda Federaalka , Madaxda sare ee GOS, Madaxda Xiriirada kala duwan iyo Bahda Isboortiga oo aan u kala harin.

BAHDA ISBOORTIGA OO TACSI TIIRAANYO LEH U DIRAAYA EHELADA MARXUUM XASAN ELMAN :
Guddoomiyaha Guddiga Olambikada Soomaaliyeed
C/llaahi Axmed Tarabi
Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Guddiga Olambikada Soomaaliyeed
Cabdi Xasan Axmed (Wataac)
Guddoomiye ku xigeenka 3-aad Guddiga Olambikada Soomaaliyeed
Ibraahim Abuukar Shaamoow
Xoghayaha GOS Duraan Axmed Faarax
Guddoomiyaha Xiriirka K/Koleyga Ibraahim Xuseen Cali (Roombo)
Guddoomiyaha XSKG Maxamed Xasan Xuurshe (Eenoow)
Guddoomiyaha XSKC Cali Saciid Guuleed
Guddoomiyaha XSKL Prof Maxamed Cali Caddoow
Guddoomiyaha Teakwondo Aweys Abanuur Abati (Orafeeyo)
Guddoomiyaha Feerka Xaaji Axmed Maxamed Coloow
Guddoomiye ku xigeenka XCF Khadiijo Aadan Daahir
GX.K.K Maxamed Xaaji Cali
GX.K.K Cali Xasan Cali
GX.K.K C/Casiis Goodax
Xogahayaaha XSKK Saciid Ducaale
Xogahayaaha XSKC C/qani Saciid Carab
Xogahayaaha XSCF Faarax Cali Macalin

Dhamaan Guddoomiyeyaasha iyo madaxda xiriirada kala duwan ee heer Qaran iyo Ururada isboortiga, dhamaan guddoomiyeyaasha Olombikada Gobolada dalka iyo kuwa degmooyinka gobolka Banaadir, dhamaan Garsooreyaasha,Ciyaartoyda,Tababareyaasha iyo taageerayaasha ciyaaraha, saxaafadda iyo dhamaan bahweynta ciyaaraha Soomaaliyeed waxayna Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Ehelada iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Allaha ha u naxariistee Xasan Axmed Cabdi [Xasan Elman] oo ku geeriyootay magaalada Muqdisho waxayna illaah uga baryayaan inuu naxariistii janno ka waraabiyo eheladii iyo qarabaadii uu ka geeriyoodayna samir Iimaan Eebbe ka siiyo.

Aamiin.. Aamiin.. Aamiin.

Isboorti.com Managing Editor
Said Ibrahim Hussein (BUUNA)
Cell Phone:+2526-1-5520008/+14434409441
Email:buuna@isboorti.com
Website:www.isboorti.com
Twitter: @BUUNA2
Facebook: Click here


Written By: Mohamud
Date Posted: 1/9/2013
Number of Views: 380

Return

Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use