|    Register
 
Article Details
Guddoomiye ku-xigeenkii 2aad ee GOS oo magaalada Mogadishu ku geeriyooday.

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi raajicuun: ilaahay naxariistii jano ha siiyee waxaa xanuun xalay ku soo booday dartiis daqiiqado ka hor magaalada Mogadishu ugu geeriyooday guddoomiye ku-xigeenkii guddiga olimbikada Soomaaliyeed mudane Xasan Cabdi Axmed (Xasan Elman)

Marxuumka ayaa waxaa la sheegayaa in uusan horey u qabin wax xanuun ah ilaa shalayna ku dhex jiray hawlihiisii shaqo balse uu xanuun xalay ku soo booday dartiis u geeriyooday xili dhaw waxaana ay geeridani naxdin ku noqotay dhamaan asxaabtii marxuumka iyo bahwaynta sport ga Soomaaliyeed oo ayagu wali ku dhex jiray u hambalyeynta maamulka cusub ee GOS oo uu guddoomiye ku-xigeen ka ahaa.

Guddoomiyaha GOS mudane C/laahi Axmed Tarabi, guddoomiye ku xigeenada GOS Cabdi Axmed Xasan (Wataac), Ibraahim Abuukar Shaamo iyo xoghayaha GOS Duraan Axmed Faarax ayagoo ku hadlaaya magaca GOS iyo dhamaan bahwaynta sport ga Soomaaliyeed kana tiiraanyeysan geeridan naxdinta leh waxa ay tacsi u dirayaan dhamaan qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka tagay marxuumku waxa ayna ilaahay uga baryayaan in uu janatul fardawsa geeyo.

Marxuum Xasan Elman ayaa waxa uu kaalin lama ilaawaan ah ka soo qaatay dadaalkii lagu soo nooleynayey sport ga dalkeena burburkii dalka ka dib gaar ahaan kooxdii iyo hay'addii Elman oo uu magaca kula baxay waxaana uu sidoo kale xubin firfircoon ka ahaa maamulka sare ee guddiga olimbikada Soomaaliyeed asagoo horeyna ugu dhaawacmay qaraxii ay ku geeriyoodeen guddoomiyihii GOS Aaden Xaaji Yabarow (Wiish) iyo guddoomiyihii XSKC Siciid Mugaanbe oo bilowgii sanadkii hore ka dhacay golaha murtida iyo madadaalada kaasoo uu ka soo kabsaday.

Doorashadii Khamiistii hore ka dhacday magaalada Mogadishu ee GOS ayaa waxaa ilaahay ha u naxariistee loogu doortay in uu guddoomiye ku-xigeenka labaad ka noqdo maamulkaasi afarta sano ee soo socota.
 

Marxuumka ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda lagu aaso magaalada Mogadishu haddii alaha awoodda lihi ogolaado.

----------------------------------------------------------------------------------------------------------

Dhamaan bahwaynta sport ga dalkan UK gaar ahaan magaalada London ayagoo ka tiiraanyeysan geeridan naxdinta leh waxa ay tacsi u dirayaan qoyskii, eheladii, asxaabtii iyo GOS geeridan naxdinta leh ee ku timid marxuum Xasan Cabdi Axmed (Xasan Elman) waxayna ilaahay uga baryayaan in uu janadii fardawsa ahayd ka waraabiyo ayagana samir iyo iimaan ka siiyo. waxaa tacsidan si khaas ah u diraya dadka magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

Axmed-Nuur Maxamed xaashi (Sayga)
Avv Xuseen Diiriye Afrax
C/Qaadir Ciise Bootaan (Isoomareey)
Amb Maxamed Axmed Caalin
Muriidi Abanuur Abati
Bile Cali Xamaali
Abuukar Cali Jimcaale
C/Qaadir Isoomareey
Siciid Xuseen Cayrow
C/Laahi Buurane
Maxamed Shidane Buraale
Dr Cusmaan Shiis iyo xaaskiisa Xaawo Taako
C/Rixiin Cali Diiriye
Maxamed Ciise Digeeye
Warsame Cumar Cabdulle
Ahmed Abaliisha
Maxamuud Cadami
Xasan Aaden Rooble 
Liibaan Maxamed Xaashi (Lii Polo)
Maxamuud Ismaaciil (Tifatiraha shabakaddan cayaaraha)
Sakariya Baliile
Axmed Xirsi Cabdulle (Axmed Bile)
Maxamed faaqid
C/Qaadir Salaad Xasan (Beenahawaas)
Maxamed Axmed Daysane
Maxamed Khaliif
C/Naasir Ismaaciil (Sola)
C/Fataax Sanwayne
Daahir Ciise Bulxan
Maxamuud Khaliif
Cabdow Tarabi
C/Laahi Xaaji Ereg
Saciid Kaytoon
Shamsuddiin
C/Qaadir Maxamed faarax (Biriq)
C/Kariin C Shiidle (Black)
Mustaf Fareey
C/Gani Jeenyo
iyo dhamaan bahwaynta sport ga UK oo aanan halkan ku soo koobi karin.

-------------------------------------------------------------------------------------------------------

Dhamaab bahda isboortiga magaalada katrineholm sweden waxeey tacsi wada jira u dirayaan dhamaan bahda isboortiga somaaliyeed gaar ahaan gudiga GOS iyo ehaladii uu ka tagey geridii naxdin laheyd ee ku timi alla ha u naxariistee gudoomiye ku xigeenkii GOS marxuun xasan cabdi axmad oo ku magac dheera xasan elman bahdan oo ilaah uga baryaya marxuunka inuu janadii ka waraabiyo eheladii uu ka tageyna samir iyo imaan alla ka siiyo bahda isboortiga katrineholm oo kala ah 1. cabdulaahi dhaqaale 2. farac cali macalin 3. jenaraal jagsan 4. yasiin maaxi 5. cali siciid 6. macow xuseen xasan 7. barliin cadaawe 8. axmed keey 9.nuur baarbe 10. mareye 11. libaan malaay 12. axmed jarmal 13. ismaciil bolimoog
---------------------------------------------------------------------------------------------------------

Tacsidaada ku soo hagaaji cayaaraha@yahoo.co.uk




Written By: Mohamud
Date Posted: 1/9/2013
Number of Views: 488

Return

Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use