|    Register
 
Article Details
Munaasabad lagu maamuusayay sagootinta Mudane Qalinle oo ka dhacday London + Sawirro

Waxaa magaalada London ee wadanka Ingiriiska xalay ka dhacday munaasbad aad u balaaran oo lagu soo dhaweynayay laguna sagootinaayay Mudane Ibraahim Qalinle oo ka dhacday Magaalada London.

Munaasabadan oo ku bilaabatay koob eey ku tartmaayeen laba kooxood oo midu ka socotay xaafada Southall London iyo kooxda kale oo ka socotay Streatham halkaasoo eey guushii ku raacday kooxda Southall London. Kadib waxaa leysugu yimid casho sharaf eey qaban qaabiyeen Naadiga Moqadishu.fc ee ka dhisan Streatham halkaasoo ay kasoo qeybgaleen dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee dagan London iyo bahda isboortiga.

Martisharafkii kasoo qeybgalay xaflada waxaa ka mid ahaa:
Axmad Nuur Seyga ruushka, Gudoomiyaha qurbajoogta UK
C/raxiin Cali Diiriye, Gudoomiyaha SSAUK seria A
Maxamed Shidane, rug cadaa naadigii Horseed
Maxamad Khaliif, hogaanka sare ee Jaaliyada qurbajoogta UK
C/qaadir Isoomareey , rugcadaa bahda isboortiga
Maxamad Xuseen Loolow, Gudoomiyaha dhalinyarada isboortiga Streatham
C/rashiid Isloow, (Somali week Uk)
Saciido dheer, Legend kubbad koleyga
Cismaan Xuseen Afrax lisoow odeyga xaafada

Waxaa sidoo kale kasoo qeybgalay dhamaan hogaanka sare ee naadiga Moqadishu.fc sida Gudoomiye Maxamad Cabdi, macalin mogadishu.fc. Caydaruus muxudiin raage, Jabriil ali, Xiis, Gurey maxamuud, Khaalid cumar salax , Maxamad Xasan iyo mowliid Ismaaciil.

Xafladii waxeey ku bilaabatay qudbado isugu jiray dhiirigelin iyo waxtarka uu leeyahay kulamada noocaan oo kale ah, sidoo kale waxaa amaan aan hagar laheyn loo soo jeediyay Mudane Ibraahim Qalinle oo lagu tilmaamay in uu yahay halyeeey ummada Soomaaliyeed wax badan u soo qabtay laguna guubaabiyay in uu meeshiisa kasii wado meel kasto uu tago.

Kadib waxaa la guda galay bixinta biladaha iyo koobabka oo iyadana ku dhamaatay si habsami ah.

Ugu danbeyn waxaa lagu soo gabagabeeyay xafladii cashadii loo diyaariyay martisharafka kadibna lagu xiray jawi aad u dagan oo dadweynihii kasoo qeybgalay aad ula dhaceen.
Waxaa hadalkii gabagabadiisii iyo gunaanadkiisii qaatay Mudane Qalinle oo u mahadceliyay walaalaha u abaabulay xafladan quruxda badan isla markaana ku dhiirigeliyay walaalaha goobta isugu yimid in leys cafiyo oo Soomaalinimada laga shaqeeyo.

Waxaa xusid mudan in la carabaabo Bahda mediaha Somali Chanel oo si habsami leh u duubtay munaasabada.







Written By: Mohamud
Date Posted: 12/31/2012
Number of Views: 498

Return

Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use