|    Register
 
Article Details
Mo Farah oo la filayo in la guddoonsiiyo biladda CBE.

Mid ka mid ah biladaha ay bixiso boqoradda dalka Ingiriiska bilowga sanad kasta ayaa la filayaa in dadka guddoomaya sanadka soo socda uu ka mid noqdo orodyahanka asal ahaan ka soo jeeda dalkeena Soomaaliya ee Mohamed Farah taasoo uu ku mutaystay guulihii dahabka ahaa ee uu ka soo hooyey tartankii Olimbiakada adduunka ee sanadkan ka dhacay magaaladan London.

Liiska shaqsiyaadka u sharaxan in biladaha kala gedisan la guddoonsiiyo ayaa waxaa sanadkan ka mid noqon doona qaar ka mid ah cayaartoydii biladaha dahabka ah ka soo hooyey tartankii sanadkan kuwaasoo uu ugu horeeyo Mo Farah taasoo muujinaysa sida loo qiimeeyo cayaartoyda dalkan Ingiriiska maadaama ay dad badani u haystaan in biladaha ay bixiso boqoradda dalkani la siiyo oo kaliya siyaasiyiinta iyo shaqsiyaadka kale ee ka shaqeeya hawlaha samafalka.

Biladda CBE ayaa la filayaa in la guddoonsiiyo orodyahanka sida aadka ah u can baxay ee Mo Farah taasoo lagu qiimeeyey guulihii muhiimka ahaa ee uu gaaray shaqsi ahaan iyo sumcaddii wanaagsanayd ee uu u soo jiiday boqortooyada Ingiriiska.

Biladaha kala gedisan ee ay bixiso boqoraddu bilowga sanad kasta ayaa waxaa lagu qiimeeyaa dadka hadba hawsha ay bulshada u qabteen muhiimaddeeda ayadoo ay soo gudbiyaan hay’ado u xilsaaran oo ka mid tahay dawladda dalkan ka dibna ay ansixiyaan guddi u xilsaaran ka hor inta aysan ogolaan boqoradda oo ayadu gurigeeda ku guddoonsiisa biladdan shaqsiyaadka loo garto snad waliba.

Waa markii ugu horeysay oo shaqsi ka soo jeeda Soomaali uu ku guulaysto biladdan oo ka mid ah kuwa ugu qaalisan dalkan isla markaana uu ku mutaystay orod waxaana ay tani sumcad u soo jiidaysaa shacabka faraha badan ee ka soo jeeda Soomaliya iyo Afrikaba eek u dhaqan dalkan boqortooyada ingiriiska.

Written By: Mohamud
Date Posted: 12/29/2012
Number of Views: 323

Return

Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use