|    Register
 
Article Details
Heegan oo Hogaanka u qabatay Horyaalkii 13aad ee Kubadda Gacanta

MUQDISHO: Ciyaar aad loo wada sugaayay oo ka tirsan Horyaalkii 13aad Kubadda Gacanta isla markaana ahayd ciyaartii ugu danbeysay ee wareegga hore ayay ku dhex martay garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugijo) magaalada Muqdisho kooxaha Heegan iyo Horseed. Waxaa guusha si xarago leh 16-32 kula hoyday Kooxda Heegan oo hogaankana u qabtay Horyaalkan.


Ciyaartan oo ku bilaabatay  farsamo iyo kubad isku dhiib wanaagsan ay soo bandhigeen labada kooxood ayaa waxay  ahayd mid ku dheehan Asluub, weerar iyo weerar celis  u muuqday in qeybihii hore  ciyaarta isku dheelitiran tahay ayaa  qeybihii ugu dambeeyay  Heegan la soo baxday farsamo ka yaabisay Horseed - Ciyaaryahanada Cali Baraawiini iyo C/fitaax Buukaale ayaa waxay noqdeen  xiddigihii  kooxdooda u horseeday guusha. Iyagoo  goolal qurux badan ku asqeysiiyay Horseed.

Kooxda Heegan  oo difaacanaysa Horyaalka ayaa marna guuldaro la kulmin dhamaan kulamadii ay ciyaareen wareegga hore, waxayna xeeldheerayaasha isboorti qaarkood saadaalinayaan in horyaalkan ay gacanta ku dhigi karto si fudud maadaama ay ku kalansan yahiin ciyaartoy da`yar xirfaddooduna sareyso.


Daawashada ciyaartan xiisaha lahayd  ee Horyaalka 13aad waxaa ka soo qeybgalay mas`uuliyiin ka tirsan GOS, Madaxda Xiriirada  iyo Qurba joog Isboorti oo dalal kala duwan ka yimid. Waxayna ku soo idlaatay  si ay ku wada qanceen intii daawatay.

 KALA HOREYN KOOXAHA XAGGA DHIBAHA:- 

#

MAGACA  KOOXDA

DHIBCAHA

1

HEEGAN

15

2

DEKEDDA

12

3

HORSEED

9

4

FERO

4

5

NATIONLINK

4

6

D/HOOSE

0



 
Said Ibrahim Hussein (BUUNA)
Cell Phone:+2526-1-5520008/+14434409441
Email:
buuna@isboorti.com


Written By: Mohamud
Date Posted: 12/29/2012
Number of Views: 374

Return

Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use