|    Register
 
Article Details
Rug cadaa isboorti oo soo booqday Magalada Katareniholm ee wadanka Sweden.

waxaa dhawaan soo garey magaladda katareniholm Rugcadayaal isboorti oo isugu jira howl waden kamid ah hawl wadeenadii hore ee wasaradda isboortiga iyo macalin ka mid ah macalimiinta hore kubadda Cagta, rugcayadaas waxaa ay ka mid ahaa maamulihii Garoonka Weyn istadio muqadish,ahaana xoghayihii hore ee xiriirka somaliyeed cayaraha fudud Abdi Abdullahi (cabdi Faras , waxaa kale oo ka mid ah martida timid magaladda macalin maxamed cali xaaji oo ay bulshadda isboortiga ay u taqaano MAXAMED MUSLIMIIN.

Masuuliyiinta soo garey magaladda waxaa ay u kuurgaleen dhaq-dhaqaaqa isboorti ee ka jira magaladda katarineholm wax ayna warbixin ka dhageysteen odayasha isboorti ee magaladda iyo macalin macoow oo ah macalin aad u da,yar isla markaana tababara caruur da,doodu u dhaxeyso 6 sanno jiro ilaa 15 jir, halkaas oo macalin muslimiin tababar ku siiyey caruurtaas 4 malmood, macalin muslimiin oo ah macalin qibrad u leh soo saridda caruurta da,dadooda u dhaxeyso 9 ilaa 18 jir ah.

Halkaasna uu kusoo bandhigey tababaro heer caalami ah uuna macalinka kasoo kororsadey wadanka Baraziil, caruurta tababarka qadaneysay oo aad ugu qancey tababarka macalinkana ka dalbadey in uu waqti kale u yimaado si ay u qataan tababrkiisa ayna aad u jecleysteen, macalin muslimiin wuxuu aad ugu gubaabiyey kulana dardarmey macalin macoow gacan yarahiisa Xuseen Nur Buubshe in uu sii labalaabo gacan ku heynta caruurta madama dhib badan lagala kulmo caruurta ku nool qurbaha ama ku dhalateyba,macalin muslimiin oo 12 sanno ugu danbeysay ku hawlanaa soo saaridda iyo gacan ku heynta caruurta da,dooda u dhaxeyso 9 ilaa 18 jir. macalin muslimiin oo ah macalimiinta fara ku tiriska ah ee ugu caansan waqooyiga ameerika halkaasna uu safar dheer uga soo galey si uu u arko caruurta uu macalinka u yahay macoow.

Mas'uuliyiinta waxaa kale oo qeyb galey koob kubadda cagta loo dhigey jaaliyaddaha ku nool gobolka sörmland ee sweden. koobkaas oo ay ujeedadiisa aheyd is dhexgalka bulshadda ku nool gobolkaas waxaana soo qabanqaabiyey koobkas JAALIYADDA SOMALIDA oo ay hor kacayaan Gudoomiyaha jaliyadda MD: Maareeye iyo Siyaasiga Ismaciil Booli Moog gabagabadii waxaa abaal marinadii halkaas laga bixinayey bixiyey odayasha magaladda ee uu hor kacayey odeyga bahdda isboortiga ee magaladda katareniholm cabdullahi xasan DHAQAALLE iyo duqiiq hore ee gobolka Banadir Muddane Cabdullaahi Muuse, Farax cali macalin, jenaral Jagsan, nuur baarbe iyo aqoon yahayno waxgarad badan oo ku nool magaladda katareniholm. martidii lagu casumey halaas oo kala ah Cabdi Faras iyo Muslimiin.

Isku soo wada duub waxaa ay gabagabadii martidda soo gartey magaladda ay casho sharaf la qateen Jaaliyadda Katareniholm oo isku duuban casho sharaftaas waxaa hadalo kala duwan oo isugu jira guubaabo iyo dardaran ka soo jeediyey odayashii jaliyadda qeybaheeda kala gedisan iyo marti sharftii.

Ugu danbeyntii waxaa hadal dardaran ah soo jeediyey mamulihii garoonka isadio muqdisho muddane cabdi faras oo kula dardaarmey in ay iska ilooban tafaraaruqa ayna la yimadaan isku tanasulaad lagana shaqeeyo midnimadda iyo horumarinta isboortiga iyada oo ay xafladda ay ku soo gabagabowdey is afgarad iyo farxad.



Written By: Mohamud
Date Posted: 12/28/2012
Number of Views: 496

Return

Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use