|    Register
 
Article Details
Wiish cup oo lagu qabtey magaalada Kolding ee wadanka Danmark.

Maalinimadii sabtiga 15. 12. 2012 lagu qabtey magaalada Kolding wadanka danmark koob lagu taageeraayey Wiish academy, koobkaan waxaa soo qaban qaabiyey Skovparkens Fritids & Idrætsforening (S.F.I) oo xubin buuxda ka ah Somalisk Dansk kultur og sports (SODKUS), ujeedada koobkaan oo ahaa qaabkii lagu taageri lahaa Wiish Academy oo u taagan sidii dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool wadanka guduhiisa sidii loogu awuuri lahaa xirfada kala duwan, hadey noqon laheed dhanka shaqada, waxbarashada iyo sportska.

Kooxihii ka soo qeyb galey oo gaareyey 8 kooxood oo ka kala yimid wadanmka Danmark, kolding, Troldre Kl, FC Beruat, Old Boys, Fiuk Odense, Unge for unge Århus, Aarhus Fc iyo Olympic Amager KIF.

Maamuulka qaabilsana koobkaan dhanka farsamada oo kala ahaa Guddomiye ku xigeenka Ururka SODKUS Abdiwahab Hassan, xooghaya guud SODKUS Abdiwali Adan (Jey), Odeyga sportska Kolding Macaani, Xasan dheere ex Basketball player nadigii Horseed waayihii barisamaadki, Ingineer Abdulkadir Esbjerg, dhanka referiga ama garsooraha qaabilsanaa Xasan Adan Xaaji Yabarow Wiish garsoore FIFA.

Cayaarihii oo si habsami u bilaawdey ayaa kooxhii loo kala qeybshey A iyo B, waxaana cayaartii u soo gudbey semifinalka kooxha Fiuk Vs Olympic A, iyo Old Boys Vs Kolding, waxaana cayaarta finala u soo gudbey kooxaha Olympic Amager 4 : 1 ugu soo adkaatey kooxdii Fiuk, dhanka kale Kooxdii Kolding oo 2 : 1 ugu soo adkaatey kooxdii Old Boys, sidaas final waxaa iskugu yimid kooxaha Olympic Amager Vs Kolding, intaas la dheelin aya waxa la dheeley kaalinta 3aad oo ay wada dheeleen kooxaha Old Boys iyo Fiuk, waxaan kaalinta 3aad sidaas ku noqdey kooxdii Old boys oo ku badiyeen 2 : 1, waxaana la soo gaarey waqtigii la cayaarayey cayaartii finalka oo ay wada cayaarayeen kooxihii kala aha Olympic Amager iyo Kolding, cayaartaan oo eed u adkeed ayaa waqtigii lagu tala galey ku dhamaatey 1:1, waxaana oo dhigey tuurashada xorta ama rigoorayaal mid 3 rigoore, waxaana cayaarta ku ku guuleystey 3:2 kooxdii ku cayaareysey magaca Olympic Amager oo halkaas ku noqdey Wiish Cup Champion.

Waxaan intaas ka dib bilaawatey bixintii biladaha, waxaana lagu bilaawey, best goolhaye oo la siyey Abdulkadir Yasin oo u cayaarayey kooxda Olympic Amager, Best Player cayaaryahan Ridwaa oo u cayaarayey Kolding, iyo Kaalimaha:

1aad Olympic Amager KIF
2aad Kolding
3aad Old boys,

Maamulka tartanka soo qaban qaabiyey muxuu mahad qaas ah u soo jeediyey martidii, kooxihii iyo dadkii ka soo qeyb galey tartankaan.

Abdiwahab Hassan
Albaanos@yahoo.com.

Written By: Mohamud
Date Posted: 12/26/2012
Number of Views: 549

Return

Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use