|    Register
 
Article Details
GECPD oo dadaalkeedii sport uu miro dhaley (Daawo sawirada).

Waxaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug lagu soo af meeray ciyaaro ka koobnaa kubadda cagta iyo orod, kuwaas oo ay qaban-qaabisey xarrunta waxbarashada nabadda iyo horumarinta ee Gaalkacyo oo loo soo gaabiyo GECPD, xaruntan oo laa aas-aasey 1999-kii ayaa hadadkeedu yahay inay bul-shada kala dagaalanto dhibaatooyinka loo geys-to caruurta iyo haweenka, isla markaas-na ay bul-shada ku wacyi geliso qiimaha nabadda iyo la dagaalanka cudurka halista ah ee HIV/AIDS-ka.

Baaritaan dheer oo ay muddo sameysay hay'adda GECPD waxaa u muuqatey in sportigu uu yahay waxa ugu haboon ee dhalinyarada looga ilaalain karo dhaqamada xun-xun ee ay ka midka yihiin dagaalada iyo balwadaha, taasina waxay keentay in xaruntu sameyso goob sport oo ay dhalinyaradu ku soo hirtaan looguna sameeyo tartamo kala duwan oo isugu jira noocyada uu sportigu ka kooban yahay, hindisahaas ayaa lagu najaxey waxaana magaalada Gaalkacyo laga yag-leelay Hoyga dhalinyarada Gaalkacyo ( Gaalkacyo youth centre ).

Hoyga dhalinyarada Gaalkacyo ayaa ka kooban garoomo kala duwan oo isugu jira kubadda cagta, koleyga, ciyaaraha fudud, teeniska, maktabad ( Library ) barxadda shirarka iyo maqaayad laga cunteeyo, haatana waxaa qor-shuhu yahay in lagu kor-dhiyo qeyb-ta jiifka taas oo ka dambeysay markii ay go'aansatey maamulaha xarunta GECPD Marwo Xaawo Aaden Camey inay xarunta sii ballaariso iyada oo ku bixineysa lacag loo siiyey abaal marin ahaan.

Qeyb-ta sportiga ee xarunta GECPD ayaa waxaa madax u ah ciyaar-yahankii hore ee kooxda Jeenyo iyo Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Xaaji UUreey kaasoo ka soo guryo noqdey dalka Canada oo uu ku noolaa bur-burkii kadib, isaga oo ay u muuqatey inay haboon tahay inuu xirfadiisa uga faa'iideeyo jiilalka soo koraya, sida loo yiraahdo Dadaalaa wuu gaaraa waxaa miro dhaley dadaalkii Maxamed Xaaji iyo xarunta GECPD, waxaana 10-kii bishan lasoo gebagabeeyay tartan kubadda cagta ah oo ay ka qeyb ahaayeen 16 kooxood oo heerka 2-aad ah.

Tartankan oo bilowdey 26/11/2012 wuxuu ku socdey qaab BUG BAX ( Knock out ) ah, wuxuuna ku socdey jawi xiiso iyo xamaasad badan oo ay jecleys-teen dhalinyaradii ka qeyb galeysay iyo intii daawaneysay-ba, Gari labo nin kama wada qoslisee waxaa ciyaartii ugu dambeysay ama Final isugu soo harey kooxaha Dowladda hoose iyo Saxan-saxo kuwaasoo ciyaar adag isaga hor yimid, inkasta oo ay koox kasta ku dadaaleysay inay guushu raacdo haddana ciyaartii waxay ku dhammaatay gool la'aan. sidaas daraadeed waxaa loo dhigey gool ku laad ama rigoore waxaana koobkii xalaaleys-tay kooxda Dowladda hoose kadib markii ay kooxda kale ee Saxan-saxo ay iska khasaariyeen hal gool ku laad.

Isla maalintaas waxay xaruntu qabatey tartan orod ah oo masaafadiisu aheyd 4.5 km, waxaana ka soo qeyb galey dad badan oo daneynayey orodkaas, waxaana dadkaas tiradoodu gaareysay 190 dhalin-yaro ah, Rujaal Maxamed Axmed ayaa kaalinta 1-aad galey, waxaa labaad xaqiiqsadey Maxamed Caleen Nuur iyadoo uu saddexaad galey Cali C/rashiid cad-ceed.

Tartamadaas kala duwan ee ka dhacay Gaalkacyo waxaa soo khatimey oo hadalo guubaabo iyo dhiiro-gelin ah ka jeediyey isla markaas-na abaal marintii loogu talo galey guuleys-tayaasha bixiyey Guddoomiyaha gobolka Mudug dhanka Puntland Maxamed Yuusuf Tigeey iyo Maamo Xaawo Aaden Maxamed oo ah maamulaha xarunta GECPD, waxaa kaloo ka soo qeyb galey madaxda hay'addaha UNka ee UNHCR iyo IOM.

Tartankaan oo guul ku dhammaadey waa mirihii ka soo baxey dadaalka hagar la'aaneed ee ay iska kaashadeen xarunta GECPD iyo ciyaar-yahankii hore ee Jeenyo iyo Qaranka Maxamed Xaaji Uureey, waxaana la oran karaa dadaalkaasi waa mid najaxey isla markaas-na ku dayasho mudan.


C/naasir Dalmar Maxamed.
shamsuddiin64@yahoo.co.uk

Written By: Mohamud
Date Posted: 12/24/2012
Number of Views: 443

Return

Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use