|    Register
 
Article Details
Milan oo u baaqeysa Balotelli, iyo qubanayaal kale. (Sawiro)

Weerar-yahanka diiraddu saaran tahay Mario Balotelli ayaa la saadaalinayaa inuu dib ugu laabto minankii uu ka yimid iyo Talyaaniga, waxaana soo kor-dhaya hadal heyn-ta saxaafadda sportiga ee sheegeysa inuu ku wajahan yahay Serie A, sida lagu shaaciyey bogga Goal uu ku leeyahay Internetka Milan iyo tababaraheeda Massimiliano Allegri ayaa isku diyaarinaya inay deyn kula wareegaan Balotelli marka la fasaxo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha soo socota ee Janaayo.

Culeys-ka ka heys-ta xagga dhaqaalaha awgiis kooxda Milan ma awoodo qiimaha ay Manchester City ku rabto Balotelli, taas bedelkeedana waxay Milan isku diyaarineysaa inay u ogolaato mushaar dhan sanadkiiba 5 milyan oo Euro una dhiganta 4 milyan oo lacagta laga isticmaalo dalka ingiriiska ah 22 jirka dhowaan aabaha noqdey.

Tababare Mancini ayaa lagu wadaa inuu todobaadkan la kulmo maamulaha kooxda Man City ninka lagu magacaabo Txiki Begiristian si ay uga wada hadlaan qor-shaha kooxdooda ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, waxaana la rumeysan yahay in xaalka Balotelli uu yahay qodobka ugu xasaasisan ee ay labada nin ka wada hadli doonaan.

Roberto Mancini oo mar kasta difaaci jirey weerar-yahankiisa kala yimid kooxda Inter ayaa markaan si aad ah u dhaliilay, wuxuuna muujiyey sida uu uga niyad jabsan yahay Balotelli, taas ayaana laga yaabaa inay Milan ku dhiiro geliso doonsita ciyaar-yahankan, si ay u daboolaan dhibaatada ka heysata xagga weerarka una helaan ciyaar-yahan ka dhinac dheela weerar-yahankooda soo kacaya Stephan El shaarawy.

Qandaraaska uu Balotelli kula joogo Man City ayaa dhammaanaya 2014-ka sida muuqata Man City ma dooneyso iney heshiiska u dheereyso Balotelli, waxaana miiska u saaran oo ay si aad ah u daneynayaan weerar-yahanka u ciyaara Atletico Madrid Radamel Falcoa iyo kubad sameeyaha kooxda Malaga Isco.

Balotelli ayaa sanadkii 2010-ka Man City kaga soo biirey xagga Inter waxaana lagula soo wareegay adduun gaaraya £24 milyan, mar ayaana la arkey isagoo isku sawirey funaanadda kooxda Milan, xilli ciyaareedkan ayuu dhaliyay hal gool oo keliya.

De Jong oo maqnaanaya inta ka hartay xilli ciyaareedkan.

Kubad dumiyaha kooxda Milan Nigel de jong ayaa seegaya inta ka dhiman xilli ciyaareedkan kadib markii uu dhaawac ka soo gaarey ciyaartii ay kooxdiisu kaga adkaatey Torino Axadii la soo dhaafey, kooxda Milan ayaa sheegtay inuu dhaawac ka soo gaarey qoobka bidix.

Ciyaar-yahankan ayaa kooxda Milan yimid kuleylihii la soo dhaafey, wuxuuna heshiisku ku kacay wax ka yar £4 milyan, ilaa iyo 15 ciyaarood ayuu u saftey kooxda Milan wuxuuna u saxiixey gool qura, dhaawiciisa ayaa dib u dhac ku ah Milan oo kaalinta 7-aad fadhisa 14 dhibcood-na ka hooseysa kooxda hogaamineysa horyaalka Talyaaniga ee Juventus.

Berlusconi oo faaney.

Milkiilaha kooxda Milan Silvio Berlusconi ayaa ku faanay inuu yahay madaxweynaha ugu guusha badan taariikh-da kubadda cagta, odeygan ayaa sidaas u sheegay jariidada ka faaloota sportiga La Gazzetta dello Sport.

76 jirkaana iska leh kooxda Milan ayaa ka hadley wax ku soo kor-dhinta kooxda, wuxuuna sheegay inkasta oo ay la tacaalayaan dhaawaca soo gaarey Nigel de jong inay eegayaan xaaladaha, laakiin waxaa si ka duwan aaminsan gabadhiisa Barbara oo iyaduna ka shaqeysa kooxda, waxayna rumeysan tahay in ciyaartoy la soo iib-sho aan guul lagu gaari karin ee loo baahan yahay in laga shaqeeyo da' yarta kooxda u joogta.

Barbara ayaa tusaalle u soo qaadatey kooxaha kala ah Bayern Munich iyo kooxda PSG ee reer France waxayna rumeysan tahay inaan horyaal la iibsan karin.

Berlusconi ayaa iibsadey Milan 1986-kii ilaa iyo jeerkaas-na waxay kooxdu ku guuleysatay 5 horyaalka Yurub ah iyo 8 horyaalka Talyaaniga ah.


C/naasir Dalmar Maxamed.
shamsuddiin64@yahoo.co.uk



Written By: Mohamud
Date Posted: 12/11/2012
Number of Views: 360

Return

Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use