|    Register
 
Article Details
Messi oo Muller daadka raacsiiyey.

Lionel Messi ayaa jabiyey rikoodh-ka gool dhalinta, kaas oo aan la haweysan 40-kii sanno ee la soo dhaafey uuna dhigey Gerd Muller oo lagu xusuusto dalkii Jarmalka galbeed iyo kooxda Bayern Munich, wuxuuna Messi gaarey 86 gool sanadkan isagoo gool ka sarreeya xariiqii la tallaabi waayey 40-kii sanno ee la soo dhaafey, wuxuuna Messi heerka goolashiisa kor ugu qaadey 2 gool oo uu kulankii Axada ka dhaliyey kooxda Real Betis.

Muller ayaa sanadkii 1974-tii dhaliyey 85 gool, dalkii Jarmalka Galbeed ayuu u dhaliyey 13 gool, kooxda Bayern Munich ayuu u dhaliyey 72 gool, sidoo kalena Messi ayaa sanadkan sii galbanaya u xaqiijiyey kooxdiisa Barcelona 56 gool oo horyaalka Spain ah, 13 gool oo horyaalka Yurub ah, 3 gool oo koobka boqorka ah iyo 2 gool oo uu ka dhaliyey Spanish Super Cup, dalkiisa Argentina wuxuu u dhaliyey 12 gool, waxaana macquul ah inuu goolal kale dhaliyo maadaama intaan sanadku dhammaan uu ciyaari karo saddex kulan.

Goolasha Messi ayaa dhanka kale farxad geliyay kooxdiisa oo Horyaalka Spain ceynaanka ugu heysa 6 dhibcood oo nadiif ah, iyadoo guusha ay Barca kala soo guryo noqotey garoonka Benito Villamarín ay noqoneyso guushii 8-aad ee ay badiso iyada oo marti ah.

Lionel Messi ayaa qeyb ka mid ah taariikh-da kubadda cagta dib u qorey, isagoo dhanka kalena daadka raacsiiyey rikoodh-kii gool dhalinta Horyaalka Spain ee uu dhigey Cesar Rodriguez oo Barca u dhaliyey 190 gool, kulanka uu Messi kaga hor tegay Real Betis wuxuu u noqdey mid xusuus weyn ku reebay qalbigiisa.

C/naasir Dalmar Maxamed.
shamsuddiin64@yahoo.co.uk

Written By: Mohamud
Date Posted: 12/10/2012
Number of Views: 314

Return

Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use