|    Register
 
Article Details
Manchester City oo markii ugu horeysay muddo laba sanadood ah gurigooda looga adkaaday.

Weeraryahanada Manchester Untited Wayne Rooney iyo Van Persie ayaa galabta soo afjaray laba sanadood oo aan kooxda Manchester City looga adkaan garoonka Etihad ka dib markii saddex gool oo ay kooxdooda guushii ku raacday ka dhaliyeen kooxda Man City halka ay Man City ayaduna ka heshay laba gool.

Laba gool oo uu gooldhaliyaha Man U ee Wayne Rooney u dhaliyey kooxdiisa qaybtii hore ee cayaarta ayaa u muuqday kuwa aysan ka soo kabsan doonin Man City isla markaana ay si xarago leg Man U ku hanan doonto saddexda dhibcood maadaama aysan Man City soo bandhigin awood ay wax kula qaybsan karto Man United qaybtii hore.

Cayaartan oo ahayd cayaar farsamo ahaan aad u heer saraysay ayey kooxda Man City wax badan ka badashay qaab cayaareedkoodii gaar ahaan markii uu soo galay weeraryahanka dadaalka badan ee Carlos Teves waxaana u suuragashay in ay helaan laba gool oo ay u kala dhaliyeen Yaya Toure iyo Zabaleta waxayna cayaartu intaasi ka dib u muuqatay mid ku dhamaan doonta barbardhac 2-2 ah.

Daqiiqadihii dheeriga ahaa ee lagu daray cayaartan xiisaha badnayd ee loo yaqaan Derby ga ayaa waxaa fursad laadka xorta ah helay kooxda Man United kaasoo uu weeraryahan Van Persie gudaha u dhigay dhinaca midig ee shabaqa kooxda Man City ka dib markii ay kubaddu ku sii dhacday lugta cayaaryahan Sami Nasri sidaasina ay saddexdii dhibcood ee cayaarta ku qaateen kooxda hogaanka u haysa horyaalka ee Man United kuna soo afjareen rikoorkii kooxda Man City oo aan gurigooda looga adkaan muddo 2 sanadood ah ayadoo ay ahayd markii ugu dambaysay ee looga adkaado gurigooda bishan oo kale sanadkii 2010 ka kolkaasoo ay 1-2 uga adkaatay kooxda Everton.

Manchester United ayaa ka horeysa kooxda ku soo xigta oo ah Man City lix dhibcood oo nadiif ah halka ay kooxda Chelsea na ka horeyso 10 dhibcood waxaana sawirka ugu wanaagsan ee horyaalkani uu soo bixi doona marka laga gudbo cayaaraha la cayaarayo bishn December.

Cayaarta galabta ayaa ku soo gabagabawday si aan qurux badnayn ka dib markii aalad la soo tuuray ay wajiga ka haleeshay daafaca kooxda Man United isla markaana uu taageere ka mid ah kuwa Man City soo galay garoonka una soo cararay dhinaca Ferdinand markii ay u dabaaldegayeen goolkii guusha inkastoo uu goolhayaha kooxda Man City iyo xulka dalka Ingiriiska ee Joe Hart uu horjoogsaday taageerahaasi.


Cayaaryahan Ferdinand oo aaladda Twitter ka isticmaalayey cayaarta ka dib ayaa xaqiijiyey in waxa ku dhacay ay ahayd lacagta dalkan laga isticmaalo (2P) wuxuuna yiri "Qof alaale qofkii soo tuuray lacagtan wuu shiish wanaagsanaa, waxayna noqon kartay hal Pound " oo uu ula jeeday in uu halka pound ka culus yahay 2p ga dhaawacuna uu ka sii waynaan lahaa. 

Cayaarihii kale ee galabta kooxda Everton ayaa 2-1 ku dardartay kooxda Tottenham halka West Ham na ay gurigeeda ku garaacday kooxda Liverpool 2-3.

Written By: Mohamud
Date Posted: 12/9/2012
Number of Views: 215

Return

Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use