|    Register
 
Article Details
Dr Cusmaan John oo London si aad u saraysa loogu soo dhaweeyey (Sawiro)

Musharaxii xilka madaxwaynaha dalka Soomaaliya ahna guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Toscana ee cariga Talyaaniga Dr Cusmaan Maxamed Gacal (Cusmaan John) ayaa waxaa xalay magaalada London ku soo dhaweeyey bahda Sport ga ee magaaladan.

Xafladdan casho sharafta ahayd ayaa waxaa isku soo dubariday kana soo shaqeeyey ururka Midaynta Qurbajoogta Sport ga Soomaaliyeed oo uu horkacayo guddoomiyaha ururkaasi Axmed-Nuur Maxamed Xaashi (Sayga) kuwaasoo wada shaqayn wanaagsan la leh jaaliyadda gobolka Toscana iyo Dr Cusmaan labadaba.

Axmed Nuur oo ugu horeyntii soo dhaweeyey musharaxii madaxwaynaha dalkeena Dr Cusmaan John ayaa martidii halkaasi isugu timid xalay uga mahadceliyey sidii wanaagsanayd ee ay uga soo qaybgaleen xafladda wuxuuna sheegay in ka soo qaybgalkoodu muujinayo sida aad raaliga uga yihiin walaalkood Cusmaan iyo hawsha wnaagsan ee uu u hayo reer Talyaaniga wuxuuna dhinaca kale uga mahadceliyey Cusmaan sidii walaaltinimada lahayd ee uu dalka Talyaaniga ugu soo dhaweeyey jaaliyadda magaaladan London labadii sanadood ee la soo dhaafay uuna rajaynayo in uu halkiisa ka sii wadi doono.

“Waan kula jeclayn in aad madaxwayne noqoto waayo waxaan garan karnaa kartidaada iyo waxa aad umadda Soomaaliyeed u soo qabaty una qaban karto waxaanan rajaynayaa in aadan ka daalin rabitaankaas anaguna haddii aan nahay bahda sport ga London aan ku garab taaganahay” ayaa ka mid ahaa hadaladii Axmed Nuur.
 
Odayaasha sport ga magaalada oo ay ugu horeeyeen Avv Xuseen Diiriye, Amb Maxamed Caalin, C/Qadir Isoomarey, Maxamed Ciise Digeeye, Cali Xasan Shibis, Xasan Xuseen iyo dhamaan akhyaartii kale ee ka soo qaybgashay xafladda ayaa dhamaantood si kala gooni ah Dr Cusmaan uga sheekeeyey ayadoo ruux waliba uu tibaaxayey hadba heerka uu ka yaqaano Cusmaan iyo waliba waxtarnimadiisa waxaana dhamaan lagu booriyey in uu halkiisa ka sii wado.

"Inkastoo aadan helin xilkii madaxwaynanimada dalka waxaan kuu caddaynaynaa in aad anaga madaxwayne noo tahay. Haddii aad xilka madaxwaynaha ku guulaysan lahayd waxaan hubnaa in sport ga dalku hanaqaadi lahaa waxaase hadda dhacday in wasaaraddii sport ga xataa la burburiyey.” Hadaladaas iyo kuwa kale oo amaan iyo bogaadin isugu jiray ayaa ka mid ahaa hadaladii ay odayaashu ka soo jeediyeen xafladda.

Dr Cusmaan ayaa gabagabadii uga mahadceliyey martidii halkaasi joogtay oo ay ka mid ahaayeen odayaasha sport ga, madaxda ururo badan oo ka dhisan magaaladan oo uu ugu horeeyey guddoomiyaha ururka SSAUK C/Rixiin Cali Diiriye oo cilaaqaad iyo wadashaqayn wanaagsan la leh ururka midaynta qurbajoogta, sidoo kale ururada Haweenka iyo Dhalaanka, SUCAL, Somaliweek, Nabadda FC, warfidiyeenada sport ga gaar ahaan barnaamijka cayaaraha ee TV ga Universal, bahwaynta sport ga London iyo martisharaf kale wuxuuna u balan qaaday meel kasta oo uu ka shaqeeyo gudaha iyo dalka Talyaaniga intaba in uu waxqabadkiisii sii balaarin doono uuna aad ugu faraxsan yahay taageerada ay u muujiyeen.

Bahwaynta sport ga magaaladan London iyo guddoomiyaha jaaliyadda Tuscana mudane Cusmaan ayaa xalay waxa ay u ahayd habeen farxadeed waxaana lagu balamayey in ay kulanka dambe haddii alaha awoodda lihi ogolaado noqon doono safarkii dalka Talyaaniga oo had iyo goor la aado bisha April sanad kasta.








Written By: Mohamud
Date Posted: 12/7/2012
Number of Views: 401

Return

Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use