|    Register
 
Article Details
Cabdi Saleebaan oo casho sharaf loogu sameeyey waqooyiga London.

Bulshada maanta sideedaba waxay ku wada jirtaa ama iskula nooshahay istixgelin iyo isxaqdhowr, qofka aad aragto in dadka badankiis ay darajo iyo sharaf u hayaan waa mid isaga uu ka muteystay.

Waxaan xalay ka qeyb galay xaflad qurux badan oo dhalinyarada isboortiga waqooyiga London ay ku soo dhaweynayeen shaqsi aad u qiimo badnaa kaas oo ah qof dhalinyar islamarkaana kaalin fiicana ka qaata isbortiga waddanka FINLAND guud ahaan, gaar ahaana magaalada HELSINKI waa halyey CABDI SULEYMAN CISMAN oo isaga ka mid ahaa shaqsiyaadkii sida fiican ugu soo dhaweeyay wadaanka FINLAND dhalinyarada xafladaasi soo abaabushay.

Haddaba xafladaasi oo ay ka soo qeyb galeen dhalinyaro tiro badan, qaar kalena ay ka cudurdaarteen xiliga oo xoogaa qawoowaa iyo kala fogaanshaha magaalada London awgeed, waxaa la isku wareystay si saaxibtinimo ah waxaana hadal o aad u qiimo badan oo mahadcelin ugu horeyntii ka soo jeediyay isagoo ku hadlaayay dhalinyarada North London weriyaha sbortiga ee UNIVERSAL TV mr Cabdinasir Ismail "SOLA" oo ka mahadceliyay sidii MR CABDI SULEYMAN and CO ay 3 bilood ka hor ugu soo dhaweeyeen waddankaasi FINLAND taas oo ku micneeyay wax lagu qiimeyn karo uusan heli karin, uu markiisana reer FINLAND ku casuumay inay UK ku soo booqdaan markooda, taas oo micnaheedu aheyn "saxan saxan ku gud" hase yeeshee isjecelka walaalnimo inuu sii socda.

Waxaana markiisa hadalka qaatay Mr CADBI SULEYMAAN CISMAAN ka mahadceliyay soo dhaweyntan ballana ku qaaday in casuumaadooda xagga waddanka FINLAND ay joogto tahay marna istaagi karin kana codsaday dhalinyaradii CABDIWELI iyo CABDULQADIR MOOGE inay safarka dambe martida soo badiyaan odayaasha sbortiga Londona soo kexeeyaan.

Haddaba saaxiibayaal waxaa xusid mudan sidii kalgacalka laheyd ee dhalinyaradaasi isugu waramaayeen xaga waxqabadka sbortiga xoojnta kulamada sboortiga ee dhinac kasta iyagoo iska ilaalinaya wax kasta oo kal tag u keeni karo iyo inay dhowraan isdhexgalka wanaagsan.

waxaa xafladaasi goob joog ka ahaa oo kale CABDIWELI, MOOGE, CABDIFATAAX "SANWEYNE", ILKA CASE, CABDIKARIIN "GUREY" QARDOOLE CABDINASIR SOLA, MAXAMED WARSAME CUMAR, CALI SH XUSEEN, MAXAMED FAAQID iyo asxaab kale oo isboorti oo magacyadooda aanan qoraalkan ku soo koobi karin.

Ugu dambeytiina waxay dhalinyaradaasi guud ahaan ka cosadeen Mr cabdi suleymaan cismaan inuu mid mid salaan ka gaarsiiyo dhammaan jaaliyadda isboortiga reer FINLAND taas oo sii qiira gelisay martisharafkii reer HELSINKI.


Written By: Mohamud
Date Posted: 12/3/2012
Number of Views: 481

Return

Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use