|    Register
 
Article Details
Guddoomiyaha SSAUK C/Rixiin Cali Diiriye oo xalay la caleemo saaray (Daawo Sawiro).

Xaflad casho sharaf ahayd laguna soo dhawaynayey looguna ducaynayey guddoomiyaha cusub ee ururka Somali Sports Association in UK (SSAUK) ayna ka soo qaybgaleen xubnaha ugu firfircoon ururkan, bahda saxaafadda iyo odayaasha sport ga reer London ayaa xalay lagu qabtay maqaayadda Maandeeq ee waqooyiga magaalada London.


Xafladda oo uu daahfuray isla markaana daadihinayey madaxa barnaamijka sport ga ee telifishanka Universal isla markaana ka mid ah odayaasha iyo aasaasayaashii ururkan C/Qaadir Maxamed Faarax (Biriq) ayaa waxaa ugu horeyntiiba looga hadlay heerarkii kala gedisanaa ee uu soo maray ururku iyo waliba sida ugu haboon ee horey loogu sii marin lahaa waxqabadka ururka ayadoo la raacayo xeerarka u degsan uruwaynahan.

Guddoomiyaha kooxda Mogadishu Stars Caydaruus oo ku hadlayey magaca kooxaha xubnaha ka ah ururkan ayaa ku amaanay xubnaha ururwaynahan sida ay had iyo goor isugu taxluujiyaan ka fikirka iyo qancinta kooxaha iyo dhalinyarada ay hogaamiyaan wuxuuna sheegay in ay ku qanacsan yihiin doorshada C/Rixiin isla markaana la shaqayn doonaan kana filayaan C/Raxiin iyo guddiga intiisa kale in dardargelin baaxad leh lagu sameeyo tartamada iyo dhaqdhaqaaqa uruka intaba.


La talyaha guddoomiyaha GOS ahna guddoomiyaha ururka midaynta qurbajoogta sport ga Axmed Nuur Maxamed Xaashi (Sayga) oo ka hadlayey xafladda ayaa sheegay in uu dhaliilo yaryar ka tirsanayo xubnaha ururka SSAUK kuwaasoo u badnaa dhinaca wadashaqaynta oo uu tibaaxay in ay ka gaabiyeen sidii ay isugu xiri lahaayeen isla markaana ka dhaga adaygeen talooyin uu u soo jeediyey inkastoo uu gabagabadiina carabka ku adkeeyey in uu ku qiimaynayo go’aankooda iyo fikirkoodaba uuna u hayo ixtiraam guddoomiyaha cusub oo sida uu sheegay ah nin dhalinyaro ah, dadaal badan isla markaana wax badan qaban kara wuxuuna caddeeyey in uu la shaqayn doono C/Rixiin iyo guddigiisa.


Odayaasha sport ga magaalada London kuwooda ugu faca wayn uguna waaya-aragsan gaar ahaan Avv Xuseen Diiriye iyo C/Qaadir Isoomareey oo ayagu xalay kala qaybgalay bahwaynta SSAUK xafladdan ayaa ayaguna midmid uga hadlay cashosharaftan ayaa ku amaanay ururwaynahan SSAUK dadaalkooda waxqabad ee ay ku doonayaan in ay wax ugu qabtaan dhalinyarada Soomaaliyeed waxayna kula dardaarmeen guddoomiyaha cusub in uu ku dadaalo sidii uu horey ugu sii wadi lahaa dadaalkii loogu jiray in la dhameeyo khilaafaadka yaryar ee ka dhex jira bahwayntan.
Xoghayaha ururka Midaynta qurbajoogta Maxamed Ciise (Digeeye) oo sidoo kale ka hadlay xafladda ayaa ku dhiirigeliyey SSAUK in ay wadaan dadaalkooda wuxuuna goobta ka balan qaaday in ay koob ay ku soo dhawaynayaan magacaabidda guddoomiyahan da’da yar ku qaban doonaan magaaladan London si ay u muujiyaan taageerada ay la garab taagan yihiin ururkan SSAUK taasoo si aad ah loo soo dhaweeyey.


Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka ururka Midaynta Qurbajoogta Maxamed Khaliif ayaa asaguna wax lagu farxo ku tilmaamay in ururka SSAUK uu guddoomiye u doorto nin dhalinyaro ah isla markaana waxbadan ka soo qabtay dhalinyarada magaaladan London kaasoo la jaanqaadi kara isla markaana horey u sii riixi kara waxqabadka ururka wuxuuna sidii saaxiibadiisa oo kale caddeeyey in ay urur ahaan taageero hiil iyo hooba la garab taagan yihiin C/Rixiin iyo maamulkiisa cusub.

Macalin Maxamed Shidane Buraale oo asagu ah aabaha ururkan oo kalmado gaagaaban ka soo jeediyey halkaasi ayaa ugu horeyn ka raali geliyey odayga cayaartoydii hore Axmed-Nuur Sayga kuna tilmaamay shaqsi aysan marnaba ku xadgudbi Karin isla markaana u hayaan xushmad taasoo uu Axmed na aqbalay. Cayaaryahankii hore ee kooxdii horsed Maxamed Shidane ayaa xusay in markii la aas aasayey ururkan loo sameeyey shuruuc kuwaasoo ilaa hadda lagu socdo ciddii ku xadgudubtana aan marnaba looga gambanayn maadaama uu dad badan ka dhaxeeyo.

Waxaa sidoo kale hadalo qiiro, diini iyo kaftan badan xambaarsanaa ka soo jeediyey casho-sharaftan odayga kale ee bahdan cayaaryahankii kooxdii Wagad iyo qaranka Xasan Xuseen kaasoo bahwaynta sport ga UK kula dardaarmay in qof waliba lagu xushmeeyo waxa uu yaqaan iyo waaya-aragnimadiisa isla markaana waxqabad laga gaysto gudaha dalka.


Ka hor intii uusan guddoomiye C/Rixiin soo gabagabayn xafladda ayaa waxaa ayaguna halkaasi kalmado ka soo jeediyey afhayeenka ururka xiddigii hore ee naadigii madbacadda Bile Cali, guddoomiye ku xigeenka ururka cayaaryahankii waynaa ee kooxdii Wagad C.Kariin Cabdulle Shiidle (Black), cayaaryahankii kooxdii Betroolka Maxamed Axmed Daysane, Wariyaha shabakadda cayaaraha.com ahna taageere aad looga yaqaan bahdan Warsame Cumar Cabdulle iyo waliba wariyaha can baxay ee barnaamijka cayaaraha TV ga Universal C/Naasir Sola waxayna dhamaantood kula dardaarmeen C/Rixiin in uu qaado dariiq ka duwan kuwii hore horumarna ku sameeyo ururkan iyo dhalinyarada uu matalo intaba.


Guddoomiyaha cusub ee ururka oo asagu ka mid ahaan jiray cayaartoydii kubadda cagta ee naadigii Madbacadda Qaranka isla markaana magaaladan London ka aas aasay kooxdii ugu horeysay ee cayaaro u aada dalalka dibadda, macalin u nqoday ka dibna asagu lahaa fikraddii iyo maskaxdii ka dambaysay aas aaskii tartanka Somaliweek UK, C/Rxiiin Cali Diiriye ayaa waxa uu odayaasha bahwaynta Sport ga magaalada u balan qaaday in uu ka shaqayn doono sidii horey loogu sii wadi lahaa dadaaladii nabadeed ee socday ayaguna ay xili kasta iyo meel kasta oo ay uga yeeraan loogana hadlayo horumarka sport ga London uu ka taageeri doono.


“Waxaan ku dadaali doonaa sidii xal looga gaari lahaa dhibaatooyinka aad tilmaanteen, sidoo kale waxaan idinka raaligelinayaa wax alaale wixii aad naga tirsanaysaan waxaanan hortiina ka caddaynayaa in aad tihiin odayaasheenii wax kasta oo aad isleedihiin waa ku qaldan yihiina aad naga qaban kartaan” ayaa ka mid ahaa hadaladii guddoomiye C/Rixiin oo hadalkiisii ku soo xiray in laga gudbay tartan kulaylaha kaliya la qabto loona gudbay waxqabad dhab ah oo sanadka oo dhan socda.


Cashosharaftan oo ay ka soo qaybgaleen tiro cayaartoydii hore ee dalka ka mid ah, kooxaha xubnaha ka ah ururka iyo martisharaf kale ayaa waxa ay ku soo dhamaatay jawi aad iyo aad u farxad badan waxaana lagu balamay in kulanka ururka ee ugu soo horeeya la qabto muddo gaaban gudaheed si loo dardargeliyo hawlaha ururka.
 







Written By: Mohamud
Date Posted: 12/1/2012
Number of Views: 662

Return

Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use