|    Register
 
Article Details
Cayaaro iyo xaflad daba socotay oo lagu qabtay magaalada Gothenborg ee Sweden.

Waxaa ayaamhaan kasocday magaalada Goteborg Sweden munaasabad loogu talogalay tartanka dhalinta cuslaatay iyo casho sharaf iyadoo eey ku dhamaatay jawi aad u qurux badan. Wadamadii kasoo qeybgalay waxaa kamid ahaa UK, London, Danmark iyo Sweden.

Waxaa kaloo kasoo qeybgalay cayaartooy hore oo magac weyn ku leh bahda isboortiga dhexdeeda sida, Macalin Nuur Gaab (DanmarkC/qaaliq (Danmark), Maxamad Bashiir, Abshir, Aweys Eydar, Macoow, Adan Oor, C/wahaab (Danmark) , Bashiir Qoolis(Switzerland), Qaaluu salaama (Sweden) iyo qaar kale oo badan aan lagu soo koobi karin qoraalkan.

Koobkan wuxuu ahaa kii labaad ee lagu qabto wadankan Sweden iyadoo kan kii ka horeeyay uu ahaa 2008 oo eey kooxda London ku guuleysatay.

Waxaa Final isugu soo baxay labada kooxood ee London iyo Sweden A, waxaan eey guushii raacday kooxda London oo u awood sheegatay kooxda Sweden.

Ujeedada tartanka ma aheyn oo kaliya in banooni la dheelo oo kaliya ee waxeey aheyd in leys barto isla markaana leys dhaafsado fikrado xaga arimaha isboortiga iyo bulshadaba.

Markuu tartanka dhamaadayna waxaa leysugu yimid casho sharaftii eey kasoo qeyb galeen dhamaan martisharafkii ka kala yimid wadamada Yurub halkaasoo lagu kala gudoomay biladihii iyo hadiyadihii leysugu talagalay. Waxaa sidoo kale bahada isboortiga ee reer Goteborg uga faaiideysteen munaasabadaan in eey hadiyado qaas ah gudoonsiiyaan Mudane Ibraahim Qalinle oo wax badan kasoo shaqeeyay horumarka isku xerka bulshada soomaaliyeed.

Xafladii waxeey ku soo gabagabowday jawi qurux badan oo eey u riyaaqeen marti sharftii kasoo qeybgashay.



Written By: Mohamud
Date Posted: 11/30/2012
Number of Views: 514

Return

Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use