|    Register
 
Article Details
Tartamadii Isboortiga ee Atlanta oo si qurux badan ku dhammaaday.

Waxaa sanad walba bisha November dhammaadkeeda lagu qabtaa Magaaladda Atlanta ee Cariga Mareykanka Tartamo ciyaareed oo isugu jira Kubadda Koleyga iyo Kubadda Cagta oo ay soo abaabulaan Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka Atlanta ,waxaana Tartamada sannadkan 2012ka ku baratamaayey Dhalinyaro Isboortiga noocyadiisa kala duwan mustaqbal wanagsan ku leh,sidoo kale waxa iyana tartamo loo qabtay Odayaashii hore u soo Ciyaari jiray oo halkaa wacdaro ka dhigay kuna soo jiitay Taageerayaal badan oo Reer Atlanta ah.

Tartamadda la qabtay Sanadkaan waxaad mooda in uu ka duwan yahay kuwii hore loo qaban jiray, madaama ay ka soo qeyb galeen marti sharaf xurmad ku leh shacabka Soomaaliyeed,madaama ay jagooyin kala duwan ka soo qabteen Isboortiga soona daafaceen Calanka Soomaaliyeed 50kii sano ee ugu dambeeyey,iyagoo aan waligood ka go'i doonin xusuusta Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Bahda Isboortiga, waxayna kala ahaayeen:

Ibraahim Suudaani, Cabdulqaadir Cali Qariidi, Maxamed Xasan Qolof, Maxamed Xaaji Giftin, Cabdi Yuusuf, Cabdicasiis Giftin, Idiris Suleymaan, Khaliif Riiko, Mucjisadii Kubadda Koleyga Soomaaliyeed Mr. Cabdulqaadir Xaaji Daahir (Shiikha), Cabdulqaadir Madaxey, Fartuun Cali Dheere, Nimco Kenyati, Marwo Geni, Marwo Xaawo Hiiraan, Cabdi Kaafi, Cali Dheere, Cabdulqaadir Caraale ,Cabdiraxmaan Aamaan, Cabdulqaadir Nuune , Jaamac J, Blue, Saadiq Xaaji iyo Kuwa kale oo faro badan oo sanadkaan Sumcadda Isboortiga Atlanta kor u qaaday.

Waxa kaloo in la xuso u baahan in Tartamadaasi ay ka soo qeyb galeen Wafuud iyo Ciyaartoy ka kala socoto Goboladda kala ah:ATLANTA oo ay ka yimideen Ciyaartoy iyo Guddi, MINNESOTA oo ay ka yimideen Guddi iyo Ciyaartoy,VIRGINIA oo ay ka yimideen guddi oo waliba ka qeyb galay Tartankii Kubadda Cagta ahaa,OHIO oo ay ka yimideen Guddi iyo Ciyaartoy,NORTH CAROLINA oo ay ka yimideen Guddi iyo Ciyaartoy iyo TENNESSEE oo ay ka yimideen Guddi oo keli ah.

waxaana Sanadkaan loo kala guuleystay sida hoos ku qoran:

A) KUBADDA KOLEYGA DHALINYARADDA.

- Kaalinta Kowaad waxa galay dhallinyaradii ku cayaaraysay magaca SYDOM oo ka socday Gobolka Minnesota.

- Kaalinta Labaad waxa galay Gobolka Atlanta.

B) KUBADDA KOLEYGA ODAYAASHA.

- Kaalinta Koowaad waxa galay Odoyaashii ka socday Minnesota.

- Kaalinta Labaad waxa galay Odayaasha Atlanta.

C) KUBADDA CAGTA

- Kaalinta Koowaad waxa galay Gobolka Ohio

- Kaalinta Labaad waxa galay Gobolka Virginia

- Kaalinta Sedexaad waxa galay Gobolka Georgia(Atlanta)

Gabgabadii tartanka,waxaa halkaa ka hadlay qaar ka tirsanaa Xubnaha Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka,waxaana ugu horeeyey Mudane Cabdulqaadir Xasan Cadde "Caydiid Jeenyo" oo ka hadlay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray qabanqaabadda tartankaani, isagoo carabka ku dhuftay in qabashadda Ciyaarahaan ay muhim u tahay dhalaanka soo koraayo oo aanu kala dagaalameyno in ay raacaan wadiiqooyin wax yeeli kara mustaqbalkooda,waxaana uu u mahad celiyey Dadweynaha ku Nool Magaaladda Atlanta oo aan u kala harin qabashada tartankani inta awoodoodu tahay.

Waxaa kaloo halka ka hadlay Mr. Jaamac Cali(Jaamacey) oo ka sheekeeyey qaabkii dhanka Farsamadda loo soo habeeyey,isagoo sheegay in lagu dhaqay Tartankaani shuruucda u dagsan cayaaraha caalamiga si dhalinyaradda ay u noqdaan kuwa la saanqaada shuurucda guud ee addunka.

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Mudane Aweys Muuse Arboow " Aweys Fuundi" iyo Cali Mataan oo si qoto dheer uga sheekeeyey Taarikhda Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka Atlanta,waxayna labadooduba ay ammaan u soo jeediyeen Goboladii tartanka ka soo qeyb galay iyo Dadweynaha reer Atlanta oo uusan Tartankaani hirgeleen hadeysan garab istaagin,waxaana halkaa loogu tumay sacab aad u badan.

Ugu dambeyntii waxaa munaasabaddii xiritaanka khudbad aad u dheer oo taabeyneysay meelo kala duwan ka soo jeediyey Gudoomiyaha Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka Dr. Cali Cusmaan Cali oo marka hore hal hal uga sheekeeyey taarikhda ay Isboortiga Soomaaliyeed ku leeyihiin Halyeeyadda sanadkaan ka soo qeyb galay,waxa kaloo uu amaan u jeediyey Xawaaladaha kala ah AMAL EXPRESS iyo KAAH oo gacan weyn ka geystay hirgelinta barnaamijkaan,kuwaa oo halkaa loogu tumay sacab qiimo leh,waxa kaloo uu gudoomiyaha ka hadlay hadafyada uu gudigaani tiigsanaayo oo ah in intaan Ciyaaraha laga balaariyo Mustaqbalka soo socda,isaga oo carrabka ku dhuftay in Isboortiga uu yahay isha keliya oo la iskugu keeni karo Bulshadda loogana gudbi karo caqabad kasta oo nolosha ay la timaado,waxaana Tartamadii halkaasi ka socday ay ku soo gabagaboobeen si heer sare ah.


Ali Osman Ali
Guddoomiyaha Isboortiga & dhaqanka Atlanta



Written By: Mohamud
Date Posted: 11/30/2012
Number of Views: 321

Return

Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use