|    Register
 
Article Details
Horyaalkii 13aad ee Kubadda Gacanta oo ka furmay Muqdishu.

MUQDISHO: Horyaalkii 13aad Kubadda Gacanta ayaa ka furmay garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee Magaalada Muqdisho. Iyadoo ay ka soo qeybgaleen furitaanka tartarkan mas`uuliyiin ka socotay wasaaradda Isboortiga, Maamulka Gobolka Banaadir, GOS iyo madaxda Xiriirada kala duwan.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Gacanta Maxamed Xuurshe Xasan [Eenoow] ayaa ugu horeyn ka warbixiyay kooxaha ka qeybgalaya Horyaalkan isagoo dhinaca kale u Mahadceliyay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo gacan ka gaysatay dayactirka garoonka lagu ciyaarayay.


“Waxaan rajeynaynaa in Tartankan guul inoogu dhamaado, waxaa ka qeybgalaya 6 koox oo kala ah Heegan, Dekedda, Horseed, Nationlink, Dowladda Hoose iyo Fero, Waxaa lagu maamulaya xeerarka Caalamiga ee K/Gacanta, waa is-arag hore iyo mid danbe. waan idin Mahadcelinayaa - dhamaan macalimiinta, Madaxda Kooxaha iyo Ciyaartoyda. Sidoo kale Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud aad ayaan ugu Mahadcelinaynaa sida ay dib ugu soo celisay bilicdii garoonkan. Mar walba waxaa inaga go`an inaan kor u qaadno horumarinta ciyaaraha K/Gacanta.” Ayuu yiri Guddoomiye Eenoow.

Kusimaha Guddoomiyaha GOS Xasan Axmed Cabdi (Xasan Elman) iyo Agaasimaaha guud ee Wasaaradda Isboortiga Aweys Sheekh Xadaad ayaa dhinacooda u mahadceliyay Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Gacanta oo ay ku amaaneen dadaalka uu mar walba ka muujiyo dardargelinta Tartamada iyo horumarinta Ciyaarta Kubadda Gacanta. Waxayna ciyaartoyda kula dardaarmeen inay soo bandhigaan ciyaar asluub iyo farsamo ku dheehan tahay.

Ciyaartii ugu horeysay ayaa waxaa isaga hor yimid Kooxaha HEEGAN iyo D/HOOSE waxaana si xarago leh ay guusha ku raacday HEEGAN oo 27-17 ku quusiyay D/HOOSE.

Daawashada Horyaalka 13aad waxaa ka soo qeybgalay mas`uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Isboortiga, Maamulka Gobolka Banaadir , GOS, Madaxda Xiriirada iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska, waxaana ka mid ahaa Guddoomiyaha XSKK Ibraahim Xuseen Cali [Roombo], Guddoomiyaha XSF Maxamed Axmed Coloow (Xaaji Coloow), Agaasimaha Waaxda Isboortiga ee W/Isboortiga Saacid Maxamed Xasan (Baariyoow), Agaasimaha Isboortiga Gobolka Banaadir Aweys Sheekh Maye {Walker} iyo Taliyaha Akadeemiyadda Jeneral Kaahiye ( Axmed Dhaga-Caleen).



Isboorti.com Managing Editor
Said Ibrahim Hussein (BUUNA)
Cell Phone:+2526-1-5520008/+14434409441
Email:buuna@isboorti.com

Written By: Mohamud
Date Posted: 11/27/2012
Number of Views: 440

Return

Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use