|    Register
 
Article Details
Xulka Soomaaliya oo 1-5 ay xulka Burundi uga adkaadeen.

Waxaa goor dhawayd ku soo idlaatay garoonka Namboole ee magaalada Kampala,  dalka Uganda cayaartii ugu horeysay ee ay xulkeenu ka cayaaraan tartanka xulalka dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika (Tusker senior Challenge Cup) taasoo ay uga hortageen xulka dalka Burundi nasiibdarana looga adkaaday 1-5.

Qaybtii hore ee cayaarta ayaa ay xulkeenu muujiyeen dadaal iyo iska cabin inkastoo laba gool oo mid uu laadka xorta ah ahaa laga dhaliyey xulkeena sidaasina ay qaybtii hore ku soo idlaatay 2-0 lagu hogaaminayey xulkeena Soomaaliya.

Qaybtii labaad markii la isugu soo laabtay ayey xulka Soomaaliya la soo baxeen dardar keentay in ay helaan rigoore uu cayaaryahanka Jibriil Xasan u saxiixay xulkeena sidaasina cayaartii ku noqotay 2-1 ayadoo rajo badan ku abuurtay taageerayaashii Soomaaliyeed ee goobjooga ku ahaa garoonka Mandella Stadium oo meel magaalada in yar ka baxsan ku yaala.

Waxaase ay rajadaasi luntay markii saddex gool oo xariir ah laga dhaliyey xulkeena Soomaliya oo u muuqday kuwa la jaanqaadi waayey xawaarihii iyo awoodii cayaarta isla markaana daalan waxaana ay arintani noqotay mid uu xal u la’yahay xulka Soomaaliya maadaama muddo aad u dheer xulkeena looga adkaado ama laga dhaliyo goolal badan qaybta dambe ee cayaarta.

Sida lagu soo waramayo goolhayaha xulkeena Soomaaliya Cabdullahi Macalim ayaa lahaa dhaliisha ugu yaraan saddex ka mid ah goolasha maanta kuwaasoo u muuqday kuwa si fudud ku gudbayey tasoo ayaduna qayb ka ah tababar yarida xulkeena.

Written By: Mohamud
Date Posted: 11/25/2012
Number of Views: 489

Return

Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use