|    Register
 
Article Details
Cayaaraha v Garsoore Xasan A Wiish (One 2 One)

Garsoore Xasan Aaden Xaaji Yabarow (Wiish) waxa uu ku dhashay magaalada Mogadishu sanadku markuu ahaa 1978 waxaana uuna sidaasoo kale waxbarashadiisa ku soo qaatay isla magaaladaas . Xasan waxaa uu ka soo jeedaa qoys sport ayadoo uu dhalay alaha naxariistii jano ha siiyee Aaden Xaaji Yabarow (wish) oo ahaa guddoomiyihii hore GOS iyo XSKK muddo aad u fara badana ku soo jiray waxqabadka sport ga Soomaaliyeed.

Xasan waxa uu xiligan ku noolyahay dalka Denmark halkaasoo uu ku leeyahay xaas iyo caruur waxaana uu dalkaasi ka bartay cilmiga garsooranimada kubadda cagta kaasoo uu haatan gaaray darajada ugu saraysa ee laga gaaro taasoo ah heer caalami.

Xasan waxa uu dhawaantan ku laabtay magaalada Mogadishu halkaasoo uu ka soo furay asaga iyo asxaab ka mid ah dhalinyarada u dhaqaaqda sport ga qurbaha hay’ad daryeesha ubadka Soomaaliyeed kuna dhiirigelisa sport ga si ay uga hortagaan in caruurtaasi u leexato dhaqamada xun xun asagoo dhinaca kalena kala shaqaynayey XSKC horyaalka kubadda cagta oo ka socda magaalada Mogadishu.

Waxaa ayaduna ka dhacday magaalada Mogadishu cayaar aad u adkayd ahaydna tii ugu xiisaha badnayd horyaalka dalka taasoo dhexmartay kooxdii caanka ahayd ee Jeenyo iyo kooxda ugu caansan dalka xiliyadii burburka ka dib ee Elman waxaana cayaartaasi garsoorayey Xasan Wiish asagoo maalin ka dib markii uu cayaartaasi qabtayna ku soo laabtay dalka Denmark oo uu degan yahay halkaasoo aan kala xariiray si aan uga waraysto isbadalka sport ga dalka, heerkiisa garsooranimo, dugsiga tababarka oo ay fureen iyo arimo badan oo khuseeya sport ga dalka waxaana uu waraysigaygii u dhacay sidan:

Cayaaraha: Ugu horeyn waan kaaga mahadcelinaynaa waraysigan, waxaanan mar kale kaaga tacsiyadaynaynaa geeridii ku timid aabe Aaden xaaji Yabarow, waxaanay ahayd runtii mid nawada taabatay dhamaanteen.

Xasan Wiish: Aad ayaad u mahadsantahay mudane Maxamuud , waa runtaa geeridii aabe Aaden Xaji Yabarow Wiish ma ahayn mid taabatay qoyskii iyo eheldiisii oo kaliya balse waxay taabatay umada Soomaaliyeed  oo dhan gaar ahaan bahweynta  isboortiga  intii la geeriyootayna waxaan ilaahay uga baryayaa in uu u naxariisto inta ku dhaawacantay uu caafiyo.  Aamin

Cayaaraha: Waxaad ka soo jeedaa qoys aad looga qiimeeyo looguna yaqaan sport ga gaar ahaan aabahaa oo muddo ka badan 50 sanadood ka shaqaynayey sport ga dalka ilaa uu ku waayey naftiisii, marka adiga geerida aabe ma kugu dhiirigelisay in aad ku sii dhexjirto sport ga mise waa kaa niyad jebisay sideese inta kale qoyskiinu u arkaan in aad ku sii dhex jirtid?

XW: Gerida aabe Aaaden Xaaji Yyabarow (Wiish) xaqiiqa ahaantii way igu sii dhiiri gelisay inaan isboortiga ku sii dhex jiro sababtoo ah aabe wuxuu dhintey asagoo u shaqeynaya qaranakiisa, waana mid sharaf noo wada ah dhmaanteen , aniguna khaas ahaan wuxuu ii ahaa qofka kaliya oo aan ku daydo waxaana iga go’an inaan meeshii  ka sii ambaqaado umada Soomaaliyeedna waxa ala wixii aan ku tari karo ku taro gaar ahaan sport ga iyo dhalinyarada, dhinaca qoyskeena run ahaantii aad ayey ugu faraxsanyahay arinkaas waayo magacii aabe in uu sii socdo dhaqankiisii wanaagsanaana la sii wado waa mid reerka oo dhan sharaf u ah.

Cayaaraha: Dabcan ilaahay ha u naxariistee Aaden X Y (Wiish) waa uu kugu dhiirigelin jiray in aad ku dhex jirtid kana shaqaysid horumarka sport ga dalka maxaad nala qaybsan kartaa oo ka mid ahaa talooyinkii uu ku siin jiray?

Xw: Aad iyo aad  ayuu iigala talin jiray talaabooyinka aan had iyo goor qaadayo, talooyikisana waxaa  ka mid aheyd in aan ka shaqeeyo isla markaana taageero horumarinta isboortiga maadaama uu isboortiga yahay waxa ugu fiican ee la hormariyo uuna bulshada wax badan u taro xaga caafimadka, jir dhiska, isdhexgalka,wadashaqynta iyo nabada intaba.

Cayaaraha: Geeridii Aabe ka dib waxaa bahwaynta sport ga magaaladan London kugu casuumeeyeen in aad ugu timaado magaaladan si ay kuula qaybsadaan xanuunka dareen intee le’eg ayey ku gelisay arintaasi maxaadse kala kulantay London safarkaas?

XW: Saaxiibow marka reer ay geeri ku timaado waxaa caada ah in ay geeridaasu ku ekaato reerkaas gaar ahaan markii la soo duugo ka dib laakiin aniga waxaan dareemay qiimihii uu aabahay ku dhex lahaa bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa sport ga meel kasta oo aan tagno waxaan dareemaynay in ay jiraan caruur kale oo aabe ka dhintay waxaana taasi ay ka mid tahay sharafta iyo wanaaga sport ga. London waxaan kala kulmay wanaag iyo dareen walaaltinimo waxaanan uga mahadcelinayaa dhamaan bahwaynta sport ga London gaar ahaan saaxiibadii igu casuumay magaalada iyo intii kale ee nala murugootayba.

Cayaaraha: Ka hor intii aadan dalka ka soo bixin inkastoo aad yarayd maxaad jeclayd in aad ka qabatid sport ga, garsooranimaduse ma ku jirtay mase ku fakiri jirtay in aad garsoore noqoto?

XW: Runtii maku fekerin oo sida ubad kasta oo ku koray magaalada Mogadishu waxaan ku fekeri  jiray inan ciyaaryahan kubada cagta noqdolaakiin dhawac isoo gaaray ayaan uga harey kubadda cagta, mudo kadib markii aan dhaawacaas ka soo kabsadeyna waxaan noqdey tababre kubada cagta ah, ka dib ayaa waxaa dhacdey in tababaryaasha loo bilaabey inay bartaan sharicaga kubada cagta law of the game Sidaas ayaan ku qaatey tesaraha garsoorinimo markii iigu horeysay, waxaana ii soo baxdey inay iiga wanaagsantahay inaan ahaado tababare sidaa ayaan ku bilaabay garsoorka.

Cayaaraha: Waxaad baratay garsooranimo adigoo ku sugan dal ka mid ah dalalka Yurub oo ka duwan dhaqan ahaan, luqad ahaan iyo jawiba dalkeena sidee hadaba kuugu suuragashay in aad gaarto heerkaas maxaase ka mid ahaa dhibaatooyinkii aad kala kulantay?

XW: Walaahi waa runtaa waxaa garsoore noqdey anigoo joogo dalka Denmark waxaana  ii suuro galiyay dadaal dheer aan u galay inan ka mid noqdo garsoorayaasha Denmark  marka waxaan isleeyahay hadduu qofka dadaalo ilaahna wuu garab galayaa mana jirin caqabdo saas u sii weyn oo aan la kumay mudadii aan garsooraha ka ahaa dalkan Denmark.

Cayaaraha: Waxaan la socdaa in aad hadda ka mid tahay garsoorayaasha loogu jecel yahay geeska Afrika, XSK Cagtuna ka shaqeeyey in aad ka mid noqoto garsoorayaashaas iyo dabcan dadaalkaaga waa sidee xiriirka idinka dhexeeya adiga iyo XSKC sideese u wada shaqaysaan maadaama aad laba dal kala joogtaan?

XW: Waa runtaa waxan hada ahay garsoore fiican oo ka soo dhex muqudey bariga iyo bartamaha Africa, inkastoo aan aad u dadaalay hadana ilaah ka sokow waxaa mahadeeda iskaleh Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta (XSKC) oo mar walbo jecel inuu fursad siiyo qof walbo oo dalka wax u taraayo, sidoo kale waxaa aad ayaguna iigu dhiirigeliyey garsoorayashii hore iyo kuwa hada ila jaalka ah talooyinkana aan ka qaato, XSKC waa mid aan ka tirsanahay xiirkeenu na  waa joogto sida ad la soctaan waxaan inta badan tagaa dalka oo sanadkaan kaliya aan tagay 4  jeer waxaan ka qeybqaataa saminaarada loogu tala galay garsoorayaasha waxaana jeclahay inaan saas ku sii wado hadduu ala idmo.

Cayaaraha: Tan iyo markii dagaaladu dalka ka dhaceen aad ayey u tira yar yihiin garsoorayaasha cayaaro final ah ka qabtay qaaradda adiga side ahaa darenkaagu markii laguu sheegay in aad garsoori doonto cayaar finalka ah oo ka mid ah kuwa qaardda?

XW: Sideeda soomaaliya xaga garsoorka waxay ahayd wadamada ugu horeeyo anigana waxaa raacayaa jidkii garsoorayaashii soomaaliyeed ee magaca ku  lahaa Africa,  xaga dareenkayga marka aan ogaadey in aan qabanayo ciyaar final ah aad yaan ugu farxay  inkastoo aan dhinaca kalena walwalay sababtoo ah waxaan xiligaasi qaaday masuuliyad qaran oo haddii ay wax qaldamaan ay taabaneyso qaranka oo dhan, waxaase alle mahaddiis ah in ilaah igu guuleeyay oo waxaan noqdey garsoorihii ugu fiicnaa ee 23kii   garsoore oo ka soo qeyb galay tartankaas anigoo ku helay abaal marin, waxayna cayaartaasi i ahayd ciyaartii 2aad oo final ah.

Cayaaraha: Hadda oo aad ka mid tahay garsoorayaasha caalamiga ah ee qaaradda Afrika maxaa iska badalay heerkaagi garsooranimo ee dalka Denmark, haddii aysan isbadalina maxay tahay sababtu?

XW: Waxa wayn iskama badalin sabatoo ah waxaa yaraadey tartamada aan qabanayay , inaan ka qeyb qaato imtaxaankii orodka( fitness test ) maadama aan waqtiyada aan ka qeyb qaadan lahaa aan africa ku maqnaa, arimo qoys iyo kuwii qaranka intaba, laakiin waa  jirtaa in ay igala hadleen mustaqbalkayga iyo inay ii baahan yihiin intaba hadana waxaan ku jiraa tababr adag.

Cayaaraha: Waa maxay muhiimadda garsooraha uu u leeyahay cayaarta kubadda cagta maxaase looga baahan yahay shaqsiga garsooraha ah in uu ahaado?

Xw:  Run ahaantii waxaan oran karaa lafdhabar ayuu u yahay garsoorka horumarka  kubada cagta sababtoo ah haddii uusan jirin garsoor fiican waxaa dhici karaysa in koox waqti badan iyo dhaqaale badan la soo galiyay ay meesha ka baxdo garsoor xumi awgeed, shaqsiga garsooraha ahina waxaa looga baahan yahay in uu aqoon iyo tababar fiican leeyahay,  inuu ahaado cadaalad sabatoo ah waxaa ku xiran sharaftiisa,  in uu yahay shaqsi aqlaaq leh gudaha garoonka iyo banaankaba uuna ixtiraamaa ciyaartoyda iyo macalimiintoodaba wixii xad gudub ah oo ka yimaada xaga ciyaartoyda iyo macalimintaba inuusan kala ganban sharciga, sidaasoo kalena go’aanada garsooruhu waa  in ay had iyo goor sharciga waafaqsanyihiin.

Cayaaraha: Waa maxay muhiimadda ay horumarka kubadda cagta Soomaaliyeed u leedahay in tababar ku filan la siiyo garsoorayaasha anagoo ogsoon in XSK Cagtu dadaal ugu jiro sidii uu sare ugu qaadi lahaa heerka aqooneed ee garsoorayaasha dalka?

XW: Sida aan kor kusoo xusay in sare loo qaado tayada garsoorayaasha lana horumariyo aqoontooda garsoorka waxaa ku xiran quruxda kubada cagta, waxaana xusid mudan in XSKC uu abaabulo ama diyaariyo aqoon-kororsiyo lagu hormariyo aqoonta garsoorayasha heerarka kala duwan oo gudaha iyo dibadaba lagu qabto waxaana hawlahaas iska kaashada XSKC, gudiga garsoorka iyo macaliminta intaba.

Cayaaraha: Dhawaan waxaad ka soo laabatay dalka waxaadna soo garsoortay cayaar aad loo hadal hayey maalmahan bal wax nooga sheeg siduu ahaa jawiga garoonka mase jireen wax ay kaaga duwanayd cayaaraha kale ee aad garsoori jirtay?

XW: Rruntii waxay ahayd cayaar aad ii xxisa gelisay una heer sareysay aad ayaana u jecleystay ciyaar wanaaga iyo xirfada ciyaartoyda, mana kala liidan dhamaan inta ciyaar aan soo qabtey waxay ahaayeen kuwo  aan aad u jecleystay, waxaad arkeysaa in ay kubada kaliya ku xifaaltamayaan ciyaartoyda oo ma jirin halkudhegyadii hore oo aan maqli jirnay oo ay ka mid ahaayeen haddii ay kubaddu ku dhaafto lafta yeysan ku dhaafin, jawiga garoonka wuxuu  haa mid tageerayaal soo buux dhaafiyeen aad ayaana ugu faraxsanahay runtii in uu isboortigeena maanta uu heerkaa maraayo runtiina ay kala fog yihiin sidii uu fikirkaygu ahaa xiligii hore intii aanan tagin dalka iyo hadda oo aan waaya-arag u ahay sida wax u socdaan.

Cayaaraha: Marka laga soot ago jawiga garoonka ee cayaartaasi sidee ahayd cayaartu farsamo ahaan iyo waliba akhlaaqda cayaartoyda mase jireen cayaartoy aad ka saartay cayaarta?

XW: Farsamada ciyaartoyda waa mid aan aad u la soo dhacay waxaana u maleynayaa soomaaliya in laga heli karo qaran caalamka wax la qeybsado, indhaha caalamka ma arkaan cayaartoydeena sababahana waa wax la dareemi karo oo ay ugu horeeyaan nabadgelyada  hase ahaatee haddii ay arki lahaayeen waxaan hubaa in ciyaartoy farabadan laga soo gadan lahaa soomaaliya. Dhinaca aqlaaqdana waxay aheed heer sare oo maana arkin ciyaaryahan igu xad gudbay intii aan garsoorayey cayaaraha waxaana u mahad celinayaa dhamaan ciyaartoyda tababarayasha iyo maamulkoodaba maadama aan la dhacay qaabka ay wax u socdaan.

Cayaaraha: Dhinaca taageerayaasha kooxda Jeenyo waxay ka mid ahaan jirtay kooxihii ugu taageerayaasha badnaa xiliyadii hore marka aad barbardhigto cayaartan inkastoo Jeenyo horyaalkan soo laabatay ma dareentay saansaan kuu sheegaysa in ay taageeradii Jeenyo dib u soo laabanayso mise dhalinyaradu ma yaqaanaan oo kuwa ay yaqaanaan ayaa ka taageerayaal badan?

XW:  Ka garsoore ahaan Maxamuudow ma jecli in aan ka sheekeyo koox ka tirsan kooxaha dalka, aniga markaan ciyaar dhex dhexaadinaayo waxaan eegtaa midibka funaanada ee labada kooxood ee ma u fiiriyo magac ahaan sababtoo ah haddii aad madaxa geliso adigoo garsoor ah kooxdan ayaa ka weyn kooxdan ama ka taageero badan iyo wax la mid ah,waxaa dhici karaysa in ay saamayn wayn ku yeelato garsoorkaaga oo ayba dhici karto in aad cadaaladda ka fogaato. Laakiin marka aan uga hadlo si guud ahaan dhamaan kooxaha ka dhisan dalka waa kuwa aan aad u soo jecleestay dabeecad ahaan, aqlaaq iyo ixtiraam intaba waxaana amaantas iska leh xaqiiqa ahaantii maamulka, macalimiinta iyo taageerayasha kooxaha dalka dhamaantood waana uga mahadcelinayaa gaar ahaan taageerayaasha kooxaha oo dhan sida ay waqtiga ugu soo huraan daawashada ciyaaraha.

Cayaaraha: Alaha u naxariistee geeridii aabe ka dib waxaad aas aasteen adiga iyo odayaal sport oo ku dhaqan dalkan UK dugsi tababar oo loogu magac daray Aabe Aaden (Wiish Academy), xagee marayaa horumarka dugsigaasi, sideese u arkaan bahwaynta sport ga ee magaalada Mogadishu?

XW: Waa runtaa waa ay jirtaa in aan aas aasnay urur loogu magac daray aabahay ilaahay ha u naxariistee loona bixiyey (Ururka Wiish Academy),  waxaanan jecelnahay inan ka hirgalino dhamaan 16 ka degmo ee gobolka banaadir, kadibna aan u gudubno gobolada kale haduu ila idmo.

Cayaaraha: Sida aan ka aragno ama ka warhayno samaynta iyo ka miradhalinta dugsi tababar kubadda cagta ah ma ahan arin fudud, dhaqaale ahaan, awood ahaan iyo aqoon ahaan intaba waana arin u baahan cudud badan iyo istaakulayn ma is leedahay waad ku guulaysan doontaan ka mira dhalinta dugsigan, maxayse yihiin dhibaatooyinka ugu badan oo aad aragteen mudadan gaaban?

XW: Waa runtaa wax fudud maahan , balse waxay ila tahay  in la hirgalin karo wax walbo oo la isku dayo waxayna u bahan tahay cudud badan iyo is gcanqabad, waxaana meeshan ka cadeenaya in ay u furantahay shaqsi walbo oo rabo inuu dhalinyarada dalka wax u qabdo gacana ka gaysto sidii uu mashruucani u hirgeli lahaa, waxaanan sidoo kale garaaci doonaa albaab walbo oo aan is leenahay waxbey idinku taakuleyn karaan dibadda iyo gudaha intaba.

Cayaaraha: Maxay tahay ulajeedada ugu way nee dugsigan muxuuse qaban doonaa mustaqbalka, mise is leedahay isbadal ayuu ku samayn karaa caruurta da’da ee soomaaliyeed?

XW: Maxamuudow ulajeedada ugu wayn ee ururka waa in caruurta da’dooda ka yartahay 15jir loo abaabulo tartamo iyo tababar, macalimiina loo sameeyo, waxaanan magaalada Mogadishu hada geeynay qalab aad u badan, inta aan joogay hada dalkan Denmark waxaan ku hayaa qalab faro badan oo la iigu deeqay, waxaana filayaa intaa in ka badan in aan geeno dalka waxaana caawimaad ka codsanaynaa dhamaan ururda isboorti ee Soomaaliyed oo ka jira dhamaan qaarada Yurub iyo Maraykanka.

Cayaaraha: Bahda sport ga ee qurbaha ku dhaqani side u arkaan bilaabidda hawshan baaxadda leh ee dadkiina tirade yari dhabarka u riteen waase side jawaabtoodu marka aad kala hadashaan?

XW: Aad ayay u soo dhaweeyen jawaabaha ay nasiinayeena waxay isugu jirtaa talo iyo taagerid, sida aan horey usoo sheegay cid walbo oo daneneyso inay dalka iyo caruurta soomaaliyeed wax u qabato waan soo dhaweyneynaa.

Cayaaraha: Ugu dambayntii Xasan waxaad ka mid ahayd wafdigii Soomaaliyeed ee ka qaybgalay furitaankii cayaarihii Olimbikada adduunka ee sanadkan ka dhacay magaalada London, sidee ku timid in aad ka mid noqotid maxaadse dareentay markii aad gasheen garoonka furitaankii cayaaraha?

XW: Waa su’aal runtii wanaagsan oo xaqiiqiyan aan lagu soo koobi karin jawaab kaliya waaya-aragnimadii iyo dareenkaygii intaba. Ugu horeyn waxaan jeclahay in aan uga mahadceliyo ilaahay ka sokow GOS madaxdooda oo igu casuumay in aan ka mid noqdo wafdiga maadaama uu alaha u naxariistee aabe ahaa guddoomiyihii GOS kanaa mid ahaa wafdigii ka qaybgali lahaa cayaarahan. Ugu horeyn waxaan buuxiyey booskii aabe oo magacii Wiish waa ka qaybgalay cayaaraha taasna waxay ka mid ahayd waxyaabihii uu jeclaa in aan sameeyo ugana daydo, tan labaadna waxaan ka helay waaya-aragnimo aanan halkan ku qiyaasi karin, adigana goob joog ayaad u ahayd habeenkii furitaanka oo aan ku labisnayn calanka dalkeena anagoo matalayna qaranka Soomaaliyeed taasina waxay i gelisay dareen dal jacayl aad u fara badan gaar ahaan marka aan gudaha garoonka galnay oo magaca dalkeena lagu dhawaaqay.

Ka qaybgalkaasi aan ka qybgalay tartankii Olimbikada waxay aniga shaqsiyan ii ahayd sharaf in aan ka mid noqdo dadkaas taariikhda galay waxaanan sidoo kale kula kulmay kuna bartay cayaarahaasi dad aad u badan oo sharaf iyo qadarinba ku leh bulshada sport ga caalamka gaar ahaan kuwa dalkeena Soomaaliya.

Cayaaraha: Aad ayaan mar kale kaaga mahadcelinaynaa waraysigan qiimaha leh ilaahayna waxaan kaaga baryeynaa in uu kugu guuleeyo hawlahan aad umadda u hayso.


Written By: Mohamud
Date Posted: 10/18/2012
Number of Views: 1350

Return

Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use