|    Register
 
Article Details
Cayaaraha v Sakariya Maxamed Baliile (One 2 One), waraysi xiiso leh.

Kooxdii Mogadishu oo hoos imaan jirtay maamulka gobolka Banaadir ayaa ka mid ahayd kooxihii ugu caansanaa kubadda cagta Soomaaliyeed gaar ahaan xiliyadii sideetameeyadii kolkaasoo uu u yimid kooxdan macalina u noqday macalin u dhashay dalka Ghana isla markaana ka mid ah macalimiinta ugu wanaagsanaa qaaradda Africa xiligaasi kaasoo lagu magacaabi jiray Charles Kumi.

Macalinkan ayaa waxa uu kooxdan ku sameeyey isbadal aad u wayan lagana dareemay dalka oo dhan ka dib markii uu dhisay koox isugu jirta da’yar iyo waaya-arag uu ka reebtay kooxdii uu dhaxlay waxayna kooxdani ka noqotay dalkeena kooxda kaliya oo laga hadlo marka laga hadlayo qaab wanaaga ay ku cayaaraan, sida ay iskula jaan qaadaan iyo isfahamkooda guud taasoo ay ku kasbadeen in kala bar xulkii juniorka qaranka uu ka yimaado kooxdii Mogadishu.

Sakariya Maxamed Baliile ayaa ahaa laf dhabartii ama tiirkii kooxdan da’yar ta ah ee Mogadishu oo kubadda cagta dalka mudada gaaban afduubatay waxaanan ka waraysanay sida uu ku yimid isbadalkaas iyo guud ahaan sport ga dalka asaga oo ku sugan magaalada London ee dalka Ingiriiska oo uu ku noolaa muddo 10 sano ku dhaw.

Sakariya Maxamed Baliile waxa uu ku dhashay degmada Boondheere ee magaalada Mogadishu sanadkii 1969 kii waxa uuna ku soo barbaaray isla degmadaas wuxuuna ku soo qaatay waxbarashadiisii hoose dugsiga A Towra, tii dhexena dugsiga hoose/dhexe ee Naasir halka uu waxbarashadiisii dugsiga sarena ku soo dhamaystay dugsigii sare ee Saqaawaddiin.

Sakariya waxa uu ka soo jeedaa qoys sport waxaana isla xaafaddaas iyo garoomada kubadda cagtaba dalkaba aad looga xasuustaa adeeradiis Abuukar Baliile iyo Axmed Baliile (Abaliisha) oo labaduba ka mid ahaa cayaartoydii heerka koowaad ee kooxihii Wagad (Fiat) iyo Horseed, Fiat iyo Gaadiidka.

Waa habeen Jimco ah kana mid ah habeenada uu ka nasto shaqada isla markaana ay cayaartoydii hore ee cuslaatay kuna nool waqooyiga magaalada London ka soo laabteen cayaar xiisa badnayd oo ku dhexmartay garoonka ay maalin kasta oo Jimca ah isku arkaan waxaanan la fariistay maqaayad ka mid ah kuwa ay ku nastaan xiligaasi halkaasoo aan ku yeelanay wada sheekaysigan dib kuu celin doona muddo dheer waxa uuna waraysigeenii u dhacay sidatan: 

 Cayaaraha: Marka ugu horeysa waxaad ku soo dhawaataa shabakadda cayaaraha waxaanan kaaga mahadcelinaynaa ogolaanshahaaga waraysigan, marka xiga waxaad ka soo jeedaa qoys isugu dhafan sport iyo dabaqad dhexe sidee kuugu suura gashay in aad cayaaraha ku bilowdo yaraantaadii xageese ka bilowday?

Sakariya Baliile: Mahadsanid Maxamuud waxaanan adigana kaaga mahadcelinayaa hawsha aad umadda soomaaliyeed gaar ahaan kuwa sport ga jecel u haysid adiga iyo saaxiibadaada cayaaraha.com dhinaca kale waxaan ka soo jeedaa sida aad sheegtay qoys sport waxaanan oran karaa barbaariddii aan ku barbaaray fiirsashadii iyo raacitaankii garoomada ee adeeraday ayaa ii sahlay in aan jeclaado kubadda si fududna u dhex galo waxaanan cayaaridda kubadda cagta ka bilaabay isla xaafaddii aan ku dhashay ee Boondheere.

Sida aan la socono waxaad ku barbaartay xaafad aad looga qadariyo kubadda cagta ayna ka soo baxeen cayaartoy magac ku leh dalka sidee ayey kuu taageertay xaafadda Boondheere oo aad ku barbaartay si aad u noqoto cayaartoy qaran gaar ahaan xiligii aad yarayd yaadse ka xasuusataa cayaartoydii aad arki jirtay yaraantaadii ee magaca lahaa?

SB: Waa runtaa Maxamuud waxaan ku barbaaray xaafad uu sportgu guud ahaan gaar ahaana kubadda cagtu ku leedahay qiima badan qoraalkana  kuma soo koobi karo cayaartoydii ay xaafaddani soo saartay ama aan ku indhafiiqday intaba waxanse aad uga xasuustaa xiddigaha ay midka yihiin Xaaji Macow, Cabdi Cumar, Xasan Shiino, Cumar Ganjab, Cabdicasiis Giftin, Abuukar Balile oo adeerkey ah una ciyaari jiray kooxda Fiat aana u raaci jiray garoonka markuu ciyaarayo, runtiina qeyb weyn ku lahaa in aan ciyaaro kubada cagta, Nur Qaloocow, Maxamed Xaaji Abrar, Suufi Guudle, Baasi Maxamed Nur, Shariif Baasi, AUN’ Cabdulahi Sheikh Abuukar ‘’ayuub’’ AUN, Nur Cabdi Xaaji ‘’Shaarkey’’, Sayidkey, Xaaji Cabdi Xaaji’’ C/qaadir Isnay,Yaxye Islaw, Iftin, Suufi Xusen Deebow iyo qaar kale oo aan inta ku soo koobi Karin, markii aad maalin walba dadkaasi oo kale arkaysidna waxay kuu noqonaysaa ama anigaba ii noqotay meel aan hiigsado sidii aan koox ugu biiri lahaa ka dibna qaranka ugu safan lahaa.

Markii aad caruurta ahayd kubadda cagta oo kaliya miyaad jeclayd in aad cayaartid mise waxaa jiray cayaaro kale oo aad cayaari jirtay maxaase aad u doorbiday kubadda cagta?

SB: Waqti hore ayaad dib ii celisay Maxamuudow, run ahaantii waxaan ka mid ahaa ardaydii ubaxii kacaanka loo qaatay anagoo aad u yaryar waxaan naloo xulay anagoo badan cayaarta kubada miiska (Table Tennis) oo markaasi ahayd cayaar aad ugu cusbayd dalka laguna guubaabin jiray caruurta ilaa iyo hadana aad iyo aad ayaan u jeclahay markaan fursad u helana waan ciyaaraa, kubada cagtana waxaan u door biday dhalinyardii aan la soo koray ama aan isku jiilka ahayn ayaa maalin waliba ciyaari jirtay marka aad tahay ilmana waxaa mar walba ku hagaya saaxiibada inkastoo aan markii dambe aad u jeclaaday, kubada miiska xiligaas dalka wuu ku yaraa dadka xiiseeya ama ciyaarto, ardaydii naga danbeysay ayaa noqotay ciyaartooydii xulka qaran soomaaliya.



Kooxdee ahayd kooxdii ugu horeysay ee aad ka mid noqoto yaase kugu dhiirigeliyey in aad kooxdaas tagtid?

SB: Kooxdii ugu horeysay ee aan ka mid noqdo waxay aheyd kooxda Horseed, waxaana raacay ama igu dhiirigeliyeyin aan kooxda u tago cayaartoydii iyo asxaabtii kala ahayd Abaliisha, Mustaf Dheere, Saciid Aybuuro, Yaxye Ayoow, C/raxmaan Maney, Bile Turtuur, C/rashiid Gele, Maxamed Caydaruus, Warsame Cumar Cabdule, Cali Yusuf Macalin ‘’AUN’’, Mahdi Cali iyo Xaaji Abal.

Sidii caadada ka ahayd marka la rabo in naadi lagu biiro waxaa la tagi jirey is xoreys oo marka afka luqadda ingiriiska ah lagu tarjumo loo yaqaan “Trial” waxaanan ku tagnay kaas mid la mid ah naadiga Horseed oo uu xiligaasi macalin ka ahaa ala ha u naxariistee macalin Axmed Garaare, in badan oo cayaartoydaas aan is xorayska wada tagnay ka mid ahayd ayaa la qaatay aniga iyo saaxiibkay Sheikh Mukhtaar ayaa ugu yareyn xiligaas labadeena SERIA C ayuu noo qaatay macalin Axmed ilaahay naxariistii jano ha siiyee.

Waxaan la soconaa in adiga iyo qaar badan oo ka mid ahaa saaxiibadaadii xaafadda Boondheere aad mar kaliya ku soo biirteen kooxdii Mogadishu aadna la kowsateen macalinkii reer Ghana ee Charles Kumi, marka ma arin aad ku tashateen adiga iyo saaxiibadaa ayey ahayd mise dad kale ayaa arinkaas ka dambeeyey?

SB: kkkkkkk Maxamud waad iga qoslisiisay, runtii ma aheyn arin aan ku tashanay ama aan ogeyn laakin qadarka ala ayeey ku dhacday xaqiiqdii, mar waliba waxaan tiigsaneynay intii naga weyneyd meeshay gaaren, waxaa dalka yimid qabiir jarmal ah oo la oran jiray Klaus Hausen wuxuuna tababar siin jiray dhalinyaro yar yar ah oo aan ka mid ahaa, waxaana arintaas suura geliyay ala ha u naxriisto Faarax Wehliye Cadow‘’sindiko’’ oo xiligaas ahaa gudoomiyaha XSKC, aniga waxaan ahaa kooxda Horseed halka inta kalena ay ka mid ahaayeen naadiga Mogadishu, intii aysan ka soo wareegin muddo aad u dheer ayaa waxaan ka codsaday kooxda Horseed in ay i fasaxaan si aan u helo fursad aan kooxaha kale ugu biiri karo taasina waa ii fududaatay ilaahay mahaddiis  waxaan fursad u helay in ley siiyo warqada fasaxa ciyaartoyda ka dibna waxaa i dalbatay kooxda Mogadishu oo aan markaas ka dib ka mid noqday.

 
Ka hor intii aadan ka mid noqon kooxda heerka koowaad (Serie A) Ma ka mid noqotay cayaartoydii xulka Gobolka Banaadir sanadkee ayeyse ahayd?

SB:
Haa waan ka mid noqday waxaanan ciyaaray sanadka markuu ahaa 1983 waxaana macalin u ahaa xulka gobolka macalinkii dalka caanka ka noqday ee Charles Sikey kumi, waxayna aheyd shaqadii ugu horeysay ee uu dalka ka qabto, runtii mudadaas gaaban ee uu na hayeyna waxaan dareenay in uu yahay macalin aqoontiisa sareyso mustaqbal badana u samayn kara dhalinyarada Soomaaliyeed. 

Dad badani waxay sheegaan in cayaaraha Goboladu isbadal ku sameeyaan cayaartoyda ka hor heerka koowaad sidee ayey kuu caawiyeen cayaarahaasi maxaase laga faaiidaa ka mid noqoshada xulalka gobolada ayaad is leedahay?

SB: Waa sax Maxamuud arintaas, ciyaaraha gobolada dalku waxay ahaayeen tartankii labaad ee ugu xiisaha badnaa dalka marka laga reebo horyaalka dalka, waxaana wada ciyaari jiray gobolada dalka oo dhan, runtii waaxaan ka helay waayo aragnimo aad iyo aad u sareyso, hadey noqon laheyd la qabsiga taageerayaasha soo buux dhaafiyey garoonka waxay u baahan tahay in aad u adkeysan karto sawaxankooda haddii aadan qibrad u laheyn waxaad kala kulmeysaa qalqal, sidoo kale fahamka garoonka waxa uu u baahan yahay la qabsasho ka hor inta aadan la cayaarin cayaartoy kaa waaya-aragsan oo ayagu mustaqbalkaaga wax badan ka badali kara haddii aadan diyaar u ahayn iyo ugu dambaystii  booska aad ka cayareysid oo laftiisu u baahan in aad fahamto waadna garan kartaa waqtiga ay kugu qaadan karto fahamkaasi haddii aadan soo marin cayaaraha gobolada, tartanka gobolada ka dibna adigoo diyaar ah ayaad imaaneysaa ciyaaraha seria A.



Maxaad kala kulantay cayaartoydii waawaynaa ee kooxda markii laguu magacaabay Serie A da in aad ka mid noqonaysid? Kalsooni intee le’eg ayeyse kugu qabeen? 

SB: Runtii sida aad adiguba ka warqabtid ama waaya-arag ugu tahay marka aad koox ku cusub tahay ama aad tahay nin yar oo ku soo biiray kooxdaasi waxaad u baahan tahay ciyaartooy waayo-arag ah oo ku gacan qabta isla markaana aad talada ka qaadatid sababtoo ah cilmiga wuxuu u baahan yahay in ay la socoto waayo-aragnimo, runtii xiligii uu yimid macalin Charles naadiga Mogadishu waxay aheyd xili adag oo ay joogeen ciyaartooydii waaweyneyd ee waayo araga ahaa muddo badana naadiga u soo ciyaaray cayaartoy yar ahaana aadan hawaysanayn ama aysan naftada ku siineynin in aad boos ka heshid kooxda, laakiin hadana waxay ahaayeen dad aad u wanaagsan garan kara faaiidada cayaartoyda yaryar iyo in ay ayaguba soo mareen heerkaas, runtii intii waa weyneyd waan ka faa’iideysanay ilaa aan garoonka maamulano ayey na gaarsiiyeen,la’ aantoodna ma suura gasheen heerka uu gaaray naadiga muqdisho iyo guulihii aan gaarnay intaba.

Macalinkii ajnabiga ahaa ee aad la kowsateen waxa uu sameeyey isbadal kooxeed oo muddo gaaban socday wuxuuna soo saaray cayaartoy yaryar oo aad adigu ka mid ahayd khilaaf intee le’eg ayey ka dhexabuurtay isbadalkaasi cayaartoydii kooxda sideese idiin arkeen kuwii waawaynaa ee xiligaasi joogay kooxda?

SB: Maxamud waa sax marka isbadal yimaado wax waliba sidey ahayeen ma ahaanayaan laakin macalinka macalin sahlan ma aheyn runtii, mana abuurin iska hor imaad ciyaartooyda dhexdooda ah balse waxa uu sameeyey dhiirigelin kuwii waawaynaa ee ayagu cuslaaday isla markaana aan la jaanqaadi karayn tababarkii adkaa wuxuuna maalin cad sheegay in ay ciyaartooyda ay wada siman yihiin isla markaana ay cayaartoydii waawaynayd intii cuslaatay ‘retired’ noqotay ay xaq u leeyihiin in maamulka laga mid dhigo in badan oo ka mid aheyd ciyaartooydii hore waxay ka mid noqdeen maamulka iyo shaqaale dowlada hoose, intii diyaarka u aheyd in ay ciyaaraan waan wada ciyaarnay ilaa iyo 3 sano, ka dibna waxaa isku soo haray intii isla jaanqaadi kartay.

Cherles Kumi waxa uu reebtay tiro cayaartoy ahayd oo ka tirsanaa kooxdii hore sida alaha u naxariistee Shiikhaalow, ma farsamo ahaan ayuu u haystay cayaartoydaasi mise waaya-aragnimadooda in aad ka faaiidaysataan ayuu rabay ayaad is leedahay?

SB: Waa sax wuxuu reebtay in badan oo ciyaartooydii hore aheyd oo ay ka mid ahaayeen Binshaakir, Shiiqaalow’ ’ AUN’’, Kuluu, Cabdi Xaaji Geela, Cawil Ismaaciil, Xaaji Cabdi Xaaji, Maxamed Bilkheyr, Daahir Gacameey, Cumar Shariif Cabdala ‘’Asbaro’’AUN’’, Madey, Axmadey Qiyaarkey iyo Cumar Rajeesh,wuxuuna u reebtay in laga faa’iideysto farsamadooda iyo waayo aragnimadooda runtiina wax badan ayey noo qabteen ciyaartooydii hore ee naadiga,heerka aan gaarnay wax badan oo badan ayey ku leeyihiin, koox markii la dhisayo waa qasab in la helo ciyaartooy waayo arag hadii kale dhisid koox waxay qaadaneysaa mudo dheer, marka aan tusaale u soo qaato guulihii ay nala qaybsadeen cayaartoydii waawaynayd ilaahay ha u naxariistee xiddigii waynaa  Maxamed Xuseen Cali ‘’Shiiqaalow’’ wuxuu nala qaaday koobabka Horyaalka dalka iyo kan Jenaral Daa’uud wuxuuna u dhaliyey kooxda  goolal badan oo qaar badan oo ka mid ah ay ahaayeen laadadka tooska ah ‘’ direct free kick’’ haddii uusan ka mid ahaan lahayn kooxdana goolashaas qaar badan oo ka mid ah aysan kooxda u dhalan lahayn.

Isbadalka kooxda uu ku sameeyey macalin Charles waxaa laga dareemay dalka oo dhan kooxihii kalena waxay bilaabeen in ay isku dayaan hanaanka cayaareed ee uu macalinkani la yimid marka cabsi intee le’eg ayaad ka qabteen in kooxuhu idinla gartaan qaabkaas aad dalka ku qabsateen mudada gaaban?

SB: Cabsi aad iyo aad u sareyso ayaan dareenay markii qaabkii aan ku ciyaareyney ay kooxihii naga soo horjeeday ay nala garteen, Charles Kumi run ahaantii dalka oo dhan ayuu wax ka badalay waayo asaga ka hor kooxaha iyo cayaartoydaba aan dhahee waxaan ku cayaari jirnay qaab kali-ciyaar ah (Individual), macalin Charles waxa uu abuuray jawi ka duwan kaas oo ahaa in kooxdu isla cayaarto lagana baxi qaabkan kali-cayaarka ah asagoo keenay qaab deg-deg ah, dhaqaaq iyo boos kala badalasho badan isla markaana si koox ahaan ah loo cayaarayo (Team work), markaas ka dibna waxaa bilaabatay in aan qof kaliya wax laga sugin,waana qaabka ilaa hada looga ciyaaro aduunka meel kasta oo aad aragtid.



Mogadishu ma ahayn kooxda kaliya ee aad u soo cayaartay xiligii aad ku dhexjirtay cayaaraha, waxaadna halkaagii ka sii waday cayaaraha burburkii dawladdii dhexe ka dib kooxdee ayaad u cayaartay xiligaas muxuuse ahaa farqiga u dhexeeyey labadaasi xili?

SB: Maxamuudow waa sax burburkii dowlladii dhexe ee soomaaliya ka dib waxaan u soo ciyaaray koox aad magac ugu yeelatay dalka xiligaasi noqotayna koox wayn taasoo lagu magacaabo MIDNIMO FC, labada xilina waxaa u dhaxeeyay farqi aad iyo aad u wayn una kala fog sababtoo ah markii hore dowlad ayaa maamuleysay oo wax waliba bixineysay ‘’ facility’’ , garoomadu waa ay dhisnaayeen tababarkuna joogto ayuu ahaa adiga oo aan cabsi iyo garba iska fiiris kugu jirin, magaca aan wadanay ee cayaartoyguna sharaf iyo karaamo badan ayuu lahaa taasoo ay ugu wacnayd wacyigelintii faraha badnaa ee sport ga lagu bixin jiray laakiin ka dib burburkii waxaa timid cabsi badan oo isugu jirta marka aad tababarka u socotid ilaa aad gurigaaga uga soo noqotid, marka aad cayaar leedahay sidaasoo kale waxaanan dhamaanteen ku shaqeyneynay iska wax u qabso’’voluntary’’ iyadoo hamiga kaliya oo aan lahayn xiligaasi uu ahaa  soo nooleyntii isboortiga soomaaliya ee ay dagaalada sokeeye godka ku tureen.



Sida aan la socono adigu waxaad cayaartoy ahaan, macalin ahaan iyo waliba maamul ahaanba uga qaybqaadanaysay dib u qaabayntii sport ga dalka ee xiligii dagaalada sokeeye marka sidee u aragtay dib u dhiskaasi ka cayaartoy ahaan?

Waxaan u arkaayey in ay aheyd arin muhiim ah sababtoo ah haddii aan dalkii ku sugneyn dagaladii sokeeyena dadkii iyo bulshadii cayaaraha walaalaha ku ahaa sii kala qaybinayeen isla markaana aan ka doodnay , is-tusaalaynay ayaan go’aansanay isla markaana u aragnay arin lama huraan ah in aan u istaagno dibna u soo noolayno cayaaraha dalka anagoo leh cayaartoy iyo maamulkii hore qarkood si aan dhaliyarada uga  badbaadino howlaha xun ee ka jiray dalka uguna weecin lahayn  isboortiga kaas oo u sahlayo is dhaxgalka bulshada, waana loo istaagay arinkaas ayadoo aan loo kala harin, waxaanan aad ugu faraxsanahay in aan aniga iyo qaar badan oo ka mid ah cayaartoydii hore aan qayb ka noqono taariikhdaasi anagoo kaashanaynay dadkii kale ee sport ga jeclaa waxaana ilaahay mahaddiis ah in aan ku guuleysanay in manta geedkii aan abuurnay la harsanayo.

Goorma ayaad ka mid noqotay xulkii qaranka Soomaaliyeed, yuu ahaa macalinkii kuu magacaabay iyo booska aad uga cayaari jirtay xulka qaranka?

SB: Waa su’aal muhiim ah, waxaan xulka qaranka juniorka ka mid noqday sanadkii 1985 waxaana ii magacabay Charles Sikey Kumi, waxaana ka mid ahaa ciyaartoydii xulka juniorka qaranka ee gaaray ciyaarihii finalka ee ay shacabka Soomaaliyeed ee sport ga jeceli u yaqaanaan ama la baxday halhayska ahaa “Maanta Badi Beri Chile”, taasoo loola jeeday haddii aan badin lahayn cayaartaas in aan u soo bixi lahayn markii ugu horeysay taariikhda kubadda cagta Soomaaliyeed cayaarahii kama dambaysta ahaa ee Junior ka adduunka ee lagu qabtay dalka Chile.

Sanadka markuu ahaa 1986 waxaan ka mid noqday xulka qaranka soomaaliya waxaana xulkaasi ii magacaabay AUN macalin cumar Canjeesto labadan xul ama mudadii aan ka tirsanaa xulkana waxaan ka cayaaray boosas kala gedisan ama aan iraahdee labo boos, xulka juniorka waxaan ka ciyaarayey gadaal ‘’ canter back’’ halka xulka qarankana aan  ka ciyaarayey ‘’midfield’’ ama khadka dhexe.

 
Cayaartii kuugu horeysay xulka qaranka dalkee ayaad uga hortagtay maxayse ahayd natiijadii cayaartaas? 

SB:
Ciyaartii ugu horeysay ee aan ciyaaro xulka qaranka soomaaliya waxay aheyd sanadka markuu ahaa 1987 dii waxayna ahayd cayaar aad xusuus iigu leh waayo waxaan gaaray hamiga ugu sareeya ee cayaartoy kasta oo ahaa in uu dalkiisa matalo waxaana la ciyaarnay xulka qaranka Yeman natiijadiina waxay noqotay 1-1 goolka barbardhaca aan ku helnayna aniga ayaa nasiib-wanaag u dhaliyey xulkeena qaranka.

Inta badan guuldarooyinka xulka qaranka iyo kooxahaba waxaa loo aanayn jiray daafaca iyo khadka dhexe maxay ahayd sababtu ayaad is leedahay mise aragtay eed kaaga timaada guuldaro xulka ku dhacday maadaama aad boosaskaas ka cayaaraysay?

SB: Sax ma ahan arinkaas sababtoo ah kooxdii wanaagsan waxaa wanaagsan weerarkeeda sababtoo ah kooxdii ku soo weerari laheyd ayaa la weerarayaa oo fursad ay kugu timaado loogu diidayaa, eeda aniga ahaan waxaan sarayaa dhinaca kale oo aan uga jeedo maamulka oo aan goobjoog u ahaa mudo dheer waxaana mudan in marka ugu hoeraysa la iswaydiiyo isboortiga Soomaliya mehrad ma yahay? Waxaan filayaa in jawaabtu tahay maya, xagee guul ka imaneysaa, ciyaartoy og haduu jabo in uusan helayn wax daryeel ah Malaga yaabaa in uu naftiisa u huro, waa in ciyaartoyda soomaliyeed uu isboortigu u noqdaa mehrad uu ku shaqeystaa, hadii aan taas la helin wax guul lagama sugayo isboortiga soomaaliya.

Kooxaha kale ee dalka kooxdee ayaad aad uga cabsan jirteen koox ahaan adiguse kooxdee ugu necbayd in aad ka hortagto, maxayna ahayd sababtu?

SB: kooxaha dalka aad iyo aad ayey u fiicnaayeen oo mid mida kale ka liidato ma jirin, laakin qaabka koox waliba ku ciyaari jirtay ayaa kala duwanaa, waxaana anigu aad iyo aad u necbanaa kooxaha Waxool iyo Horseed, sababtoo ah waxay ciyaari jireen “Offside System” oo ah qaab lagu istaajiyo kooxaha weerarkoodu badan yahay ciyaartana ka dhigi jiray in ay mar waliba joogsato, waxaan aad iyo aad u jeclaa kooxaha Madbacada, Batroolka, Jeenyo iyo Wagad oo ciyaari jiray ciyaar furan oo weerar iyo difaac leh.

Dhinaca qaranka ama dalka Soomaaliya intii aad ka xasuusatid yaad is leedahay waa lagu tilmaami karaa cayaaryahankii ugu wanaagsanaa ee soo mara dalkeena?

SB: Ciyaartooy badan ayaa xulka soo martay intana maku soo koobi Kari sababtoo ah kala xili ayey ahayeen oo qof waliba xili ayuu xiddig ahaa, xulkana u soo qabtay howl aad iyo aad u adag, aana la dhihi Karin qofkaas ayaa xulka qaranka ugu wanaagsanaa, aduunka waxaa la isticmalaa tartankaas sanadkaas ayaa ugu fiicnaa taas waala sheegi karaa, laakin guud ahaan ama cayaarihii Soomaaliya oo idil wey igu adag tahay aniga Sakariye ahaan sababtoo ah dad badan ayaa xulka naftooda u soo huray qaar ayaa dhiig u matagay, in ay difaacaan, weyna mudan yihiin in la sheego.

Maxay ahayd dhacdadii kuugu yaabka badnayd mudadii aad ku dhexjirtay cayaaraha?

SB:
Maxamuudow mudadii aan cayaaraha ku soo dhex jiray waxaan la kulmay dhacdooyin badan oo aanan halkan ku soo koobi kari balse waxaan jeclahay in aan akhristayaasha la qaybsado dhawr dhacdo oo aniga xusuus gaar ah ii lahaa waxaanan u kala saarayaa

A-  Waxaan ahaa macalinka xulka qaranka da’yarta “junior” waxaa dusha garoonka ka soo degay madaxii hogaaminayey wafdiga wuxuu igu yiri maxaad ciyaareysaa? Asagoo ula jeeday nidaamka ama habka uu xulku u cayaarayo isagoo garan la’a system aan ciyaareyno, waxaase aad iiga sii yaabiyey markuu igu yiri safiirka ayaa igu soo yiri maxay ciyaareysaa kooxdu? Oo aan jawaab u raadinayaa.

B-  Waxaa dhacday in anagoo koox ah in aan safar u aadnay dibadda balse ayaandaradii jirtay awgeed aan ku baxnay ama safarkii ku aadnay 13 ciyaartooy oo kaliya, waxaase ka sii darnayd markii saddex aan anigu ka mid ahay ay xanuunsatay habeenimadii cayaarta ka horeysay taasoo ay khasab nagu noqotay in aan cayaarno anagoo xanuunsan waana wax aan suuragal ka ahayn cayaaraha dunida.

C-  Dhacdadii iigu xanuunka badnaydse Maxamuudow waxa ay ahayd in aan cayaar u tagnay dal ka mid ah dalalka ay jaaliyadda soomaalidu sida aadka ah ugu badan yihiin isla markaana ku nool yihiin ganacsato soomaaliyeed oo fara badan waxaana aanan hilmaami Karin in cayaartoydii xulku ay garoonkii ay cayaartu ka dhacaysay hortiisa dhigtaan sanduuqyo loogu aruurinayo lacag caawimaad ah kuwaasoo lagu qoray “Help Somali National Team”.lacagta laga ururiyay garoonka waxaa 4 meelood bixin karay shaqsi soomaaliyeed,taasna ma dhicin.

 


Macalimiin badan ayaa soo martay kooxda Mogadishu, dad badanina waxay ku qiimeeyaan kooxaha hadba aqoonta macalinkoodu heerka ay gaarsiisan tahay marka guulihii aad gaarteen ma waxaa ugu wacnaa macalinkii Charles Gamfi oo ka wanaagsanaa kuwa kale mise wax kale ayaa jiray ayaad is leedahay?

SB: Macalimiin ka horeysay ayaa naadiga joogtay oo ay ka mid ahaayeen macalin Cumar Canjeeste AUN iyo macalin Giftin oo labadooda ahaayeen macalimiin farsamo leh tababarkooduna aad u heersareeyey isla markaana soo saaray cayaartoy waawayn inkastoo aysan guulo badan gaarin, dhinaca macalinkan Gamfi isagana waxa uu ahaa macalin aad iyo aad u wanaagsan qaab cayaareed ka duwanaa kuwii macalimiinta dalkana la yimid iyo khibrad dheeraad ah taas ayaan qabaa in ay sabab u ahayeen horumarka kooxda.

Cayaartoydii waawaynayd ee dalka kaalintii laga filayey in ay ka qaataan horumarka sport ga dalka gaar ahaan kubadda cagta kama soo bixin ayaa la sheegaa, maxaad ku macnayn lahayd sababta keentay dib u dhacaas yaadse ku halaynaysaan in ay buuxiyaan kaalintaas?

SB: Qosol yar ka dib, waa wax laga xishoodo in qof waliba wuxuu rabo uu yiraahdo, hadii aan arintaas si hufan kaaga jawaabo, aan ku waydiiyee isboortigii dalka yaa soo celiyay ma maamul mise ciyaartooy? Arintaas eedaynta aan caddaynta lahayn waxba kama jiraan, ciyaartooy isugu jirtay kuwii hore iyo kuwii xiligaas oo aan aniga ka mid ahaa ayaa ka bixiyay garoonka  “Stadium Konis” lafihii maydadkii lagu aasay isla markaana suura geliyay in isboortiga somaaliya ku soo noqdo caalamka dhalinyaradii Soomaaliyeedna helaan rajo ay ku cayaari karaan mar kale.

Nafteena ayaan u hurnay in aan soo celino isboortiga anagoo aan haysan wax caawimaad ah, markaan gudaha u sii galo caddaymaha saxda ah kooxihii xilgaas ciyaarayey waxaa kala hogaaminayeen macalimiintii iyo ciyaartoy waaweyn oo ay ka mid ahaayeen,Kabey ,Jimcaale Xaayow, Shiiqaalow, Ayuub,’’AUN’’  kuwaasoo aan hadda nala joogin dunida ayna ceeb nagu tahay in la dafiro dadaalkoodii iyo mudnaantoodii ahayd in lagu xusuusto goob kasta oo la isugu yimaado, waxaa ayaguna sidoo kale qayb muhiim ah ka ahaa dib u soo noolayntii sport ga macalimiintii iyo cayaartoydii hore oo ay ka midka yihiin macalin Baaskuwaal, Xuuti, Coonka, cabdi Kuus, Gaabshe, Axmadey Hilowle, Abuukar Islaw, Senigaal, Cusmaan Xasan, Adkeysi, Shabeel, Muxyadiin Jabaan, Shaarkey, Nuur Amiin, Kamal, Hilowle Fiat, Ajeelow,Yaxye Ayoow, Cabdicasiis Mahdi, Maxamed Muslimiin, Muxyadiin Karateeyo, Cali Koori, Cali Buu, Cumar Dhooqeye, Cumar Akiile, Sheikh Hilowle, C/qadir Baadi, Cali Lacey, Cabdulaahi Faarax, C/rashiid Rashka, Yaasiimow, Dacayey, Cabdi Basket, Diini, Xasan Shuute, Cabdulaahi Yariisow, Siid Gaab, Nuunow, Cumnar Elfis, Makaraan,iyo in kale oo aan soo koobi Karin haddii kale manta oo dhan ayaan wadayaa magacyada, intaas iyo in kale oo ka badan ayaa ciyaarayay ama soo maamuulayay, marka waxay mudan yihiin miyaa in la yiraahdo kama soo bixin howshoodii, taas waxay la mid tahay ragii lahaa 52 week sanadka waxaa ka shaqo badan raga 2 week qabto tartan ee xiliga kuleylaha soo baxo dalalkan aan hadda ku noolnahay.

Aniga waxaan la socdaa in cayaartoydii hore qaar badan oo ka mid ah loo soo bandhigay ka qaybqaadashada horumarka sport ga ee dalka gudihiisa ka socda balse ay ka dhaga adaygeen ayagoo danahooda gaarka ah wata ka dibna dad kale oo laga yaabo in aysan lahayn waayaragnimada ay kuwani leeyihiin ay qaataan fursadaha jira marka sow lama oran karo idinkaa gabay kaalintaas?

SB: Aniga waxaan leeyahay waa wax kama jiraan isboortiga xiligii burburka ka dib waan ku dhexjiray ilaa aan dalka soo tago, xili wuu jiray oo aan laheyn yaa mudnaa sababtoo ah daruufaha qalafsan ee dalka ku jiray awgood, markii danbe xiriir kasta waxaa ku jiray ciyaartooy hore ama macalin sidii kubada cagta guddigiisa fulinta waxaa ka mid ahaa gudoomiye Faarax Wehliye Cadow AUN, G/kuxigeen Darboweyne, xoghaye Kabey, sidoo kale waxaa xiriirka xubno ka ahaa macailn Gaabshe, Yaxye Ayoow, C/rashiid Rashka, intaas iyo in ka badan ayaa maamulka noogu jiray inteena kale waxaan aheyn maamulka kooxaha iyo ciyaartooy intii shalay joogta iyo kuwa manta joogaba anagaa dooranay isla markaana taageerada siinay nooc kasta oo ay yihiin waxaanan ku soo gaabinayaa meel aad madaxeeda tahay majaheeda leyskama dhigo shaqaduna way badan tahay cayaartoydii horena waxay had iyo goor diyaar u yihiin wax ka qabashada sport ga dalka ayagoo kaashanaya saaxiibada kale ee maamulka ku jira. 

 

 

Mudadii aad xulka qaranka kubadda cagta ka mid ahayd ma jiraan cayaaro xusuus kugu reebay maxayse ahayd sababtu?

SB:
Dhowr ciyaarood oo xulka qaranka aan u ciyaaray ayaa waxa ay igu reebeen xusuus lama ilaawaan ah waxaana waliba si gaar ah iigu xiiso badnaa kuwii xulka Junior ka qaranka iyo kuwii xulka qaranka waaweyn xiligii aan kabtan ka u ahaa xulka qaranka Soomaaliyeed, waxaanan Maxamuudow iloowi Karin ciyaartii qulka qaranka oo aan uga hortagnay xulkii dalka Yemen, ciyaartaas sidaan horey kuugu soo sheegayba waxay ahayd tii iigu horeysay xulka qaranka waxaana ay nooga hormareen gool kaasoo na geliyey cabsi badan oo ku aadanayd in nalaka badiyo gaar ahaan aniga oo ay madaxayga ku wareegaysay cayaartii ugu horeysay qaranka waa laga badiyey waxaase nasiib wanaag noqotay in aan helno goolkii barbardhaca kaasoo aan anigu dhaliyey iguna reebtay xusuus fiican.
 
Waxaan la soconaa in markii aad ka fariisatay kubadda cagta aad ka mid noqotay macalimiintii da’da yaraa ee dalka xiligii dagaalada ayada sidee u aragtaa isbadalkaas? Maxaase isbadal ah ayaad isleedahay wuu samayn karaa cayaartoy macalin noqday?

SB:  markan ka fariistay ciyaaraha ma noqon macalin ee anigoo ciyaarayo ayaan macalin ahaa,taasna waxaa suura geliyay dhalinyaradii aan la ciyaarayey ayaa ii doortay in aan macalin gudaha ku jiro u noqdo (player Manager), ciyaartoy macalin noqdayna wuu ka duwan yahay qofka macalinamada bartay sababtoo ah wuxuu yaqaan labada qaab ee wax loo gudbiyo ee uu macalinku ama tababaruhu u baahan yahay  kuwaasoo kala ah tababarka la arki karo iyo kan qoraalka ah intaba ‘’ practice and theory’’ wuuna kaga fiican yahay qofka ‘’theory’’ ahaan u soo bartay, shaqada waa shaqo farsamo una baahan in aad tustid ciyaartoyga ee ma ahan mid buug lagu dhigayo lana soo xafidayo oo kaliya. 

 

 

Waxaad shahaadada macalinimada kubadda cagta ka qaadatay dhawr waxbarasho oo kala duwan oo dalal Afrika iyo yurub ka mid ahba lagu qabtay sidaan la socdana wali fursad aad ku gudbiso oo wanaagsan uma helin maxay tahay rajadaada ku aadan xiligii aad gudbin lahayd waaya-aragnimada iyo cilmigan?

SB:
Maxamuud waa su’aal wanaagsan markii igu horeysay ee aan shahado qaatay ilaa manta ayaan gudbiyaa wixii aan soo bartay, marna lama seexan, waxaana waxaas u sameynayaa waa in aan caruurta soomaaliyeed uga badbaadiyo wax yaabaha xun xun meelkasta ay joogaan dalka gudahiisa iyo dabadiisa, hadii aan kula kaftamo maxamud wax qabad ma waxaa loo yaqaan in aan isku soo sawiro websiteyada iyo tv yada, oo aan ku faano qof qeyrkeyga wuxuu qabtay in aan sheegto, taas ma’ahan wax qabad, in aan faano ma rabo laakin hadii ay xaniin taabad gaartay waa in aan sheegnaa wax qabadkeena iyo cilmigeena, waxaa xulka qaranka macalin u ah Yusuf Cali Nuur ‘’Yuu Cali’’ oo ka mid ahaa ciyaartoyda aan soo gelinay aqoonteena, macalinmiinta maanta soomaaliya wada kooxaha waa ciyaartooydii aan soo saarnay, meel kasta oo aan caalamka ka joogno waan ka wadaynaa in aan gudbino aqoontii aan soo baranay, aniga ahaantaydana waxay istaageysaa howshaasi markii aan awoodi nkari waayo in aan gudbiyo.

Qurbaha waxaa ka dhisan kooxo badan oo soomaaliyeed waxaana sidoo kale lagu qabtaa tartamo kala duwan hadana wali kama soo bixin cayaartoy la oran karo dalkii ayey wax badan u tari karaan maxaad u malaynaysaa in ay tahay sababta loo soo saari waayey cayaartoydaas maxaase laga badali karaa?

SB: Maalintii aan soo galay qurbaha gaar ahaan dalkan Ingiriiska ilaa iyo  maanta waxaan tababare u ahaa kooxda weyn ee Ilamos FC oo ka mid ah kooxaha ugu awooda badan qaarada yurub, waxaan tababar sameynaa 2 maalmood usbuucii,waxaan ku jirnaa labo tartan mid waa Enfield League oo sanadka oo dhan ah la ciyaarayo bilaabmana bisha August ilaa  bisha May ee sanadka kale lana socda cayaaraha waawayn ee dalkan sida Premiership oo kale, waxaa dhinaca kale dhinac socda dhowr koob oo la ciyaarayo iyo tartan kale oo aan asagana ka mid nahay oo lagu magacaabo Walthamstow League.

Kooxdan aan macalinka u ahay aniga iyo cayaaryahankii hore ee naadiga Jeenyo Axmed Cabdulle bXirsi (Axmed Bile) waxay ka mid tahaya  kooxaha ugu tababarka badan isla markaana cayaara tartamo badan saas oo tahayna cayaartoydani kama gali karaan tartamo caalami ah oo ay uga hortagayaan cayaartoyda African ka ah oo kale dhawr sababood awgood kuwaasoo aan ku soo koobi karo

A-  Marka ugu horeysa cayaartoygu waa arday ama shaqaale oo ma suura galeyso in aad heshid xili kasto oo aad u baahan tahay ama tababar ha noqoto ama xero lagu tababarayo in la geeyo si loogu diyaariyo cayaarahaasi ha noqoto.

B-  Cayaartoyda ku dhaqan qurbaha gaar ahaan kuwa aan ka hadlayo oo dad badani fahmi karaan oo ayagu ama shaqaale ama arday ah kana qayb qaata cayaaraha ay jaaliyaddu qabato ma haystaan tababar ku filan oo ay tartan caalami ah uga qaybgali karaan aniga waan soo arkay tababar xul qaran waana la soo cayaaray cayaartoy qaaradda iyo carabtaba ka mid ah awoodda looga baahan yahay cayaartoy ka hortagaya kuwaas oo kale lagama heli karo tartamada aan diiradda saarno had iyo goor.

C-  Iyo ugu dambayntii ayaga oo aan cayaartoydu maskax ahaan u diyaarsanayn in ay dalkooda u cayaaraan amaba u cayaari karaan oo waxaa dhici kari lahayd haddii nidaamku wanaagsan yahay isku-xirnaantuna fiican tahay in cayaartoyda marka ay yar yihiin oo ay kooxaha qurbaha ku soo biiraan lana arko in uu mustaqbal wanaagsan leeyahay maskax ahaan looga dhaadhiciyo in uu haysto fursadaas xaqna u leeyahay in uu ka faaiidaysto taasina ma jirto halkan oo inta badan dadka caruurta haya dano kale ayey u qabtaan shaqada.

Intaas markaan uga baxo sababaha waxaan is leeyahay Maxamuudow fursadda kaliya oo lagu heli karo cayaartoy wax ka badali karta xaaladda xulka qaranka waa xiriir lala sameeyaa kooxaha ama ha ahaadaan kuwa xirfadlayaasha ah ama kuwa jaaliyaddaba waqti horena loo sii sheegaa xiliga caaartoyda loo baahan yahay.

Arinta ugu daran laakiin Maxamuudow waa waxaad maqlaysaa ama arkaysaaba in qof loo soo magacaabay in uu soo xulo cayaartoy si kasta oo uu ku yimaadaba taasoo faragelin toosan ku ah shaqada macalinka xulka oo aan asagu haba yaraatee waxba ka aqoon cayaartoyda la soo xulayo lagana yaabo in uusan raaliba ka ahayn go’aankaasba waxaanan anigu ku talinayaa anigoo ka tusaale qaadanaya waaya-aragnimadayda dheer in macalinka xulka loo madaxbanaaneeyo shaqadiisa isla markaana lagula xisaabtamo natiijooyinkiisa dadka kale ee maamulkuna ay howshooda kale qabsadaan, waana sidaas sida lagu gaari karo horumar.


Muddo toban sano ku dhaw ayaad hadda ku nooshahay dalka Ingiriiska waxaadna aragtay cayaaraha dalkan gaar ahaan kubadda cagta hadaba adigoo ka duulaya horumarkaas aad aragtay maxaad ka badali lahayd kubadda cagta Soomaaliyeed si are loogu qaado ama loogu horumariyo?

SB: Waa runtaa maxamud waxaan marka hore ala subxaana watacalaa weydiisaneynaa in dalkeena nabad iyo barwaaqo nooga dhigo wax badan lama qaban karo haddii aan nabadgelyo la helin xiligana waxaa muuqda saan saan nabadeed, waxaan aad ugu baahanahay in aan aniga iyo dadka kale ee ila midka ahi helaan fursad ay ku gudbiyaan cilmiga iyo waaya-aragnimada aan ka kororsanay dibada.

Qaybta kale ee su’aashaada oo ah wax ka badalidda waxaan hubaa in nin  walba oo cayaartoy nooc kasta ka soo noqday dalka haddii la waydiiyo su’aashan uu ka bilaabi lahaa isbadalka in uu cayaartoygu noqdo xirfadle (Proffesional) leh xuquuq uu ku dhaqdhaqaaqi karo, leh heshiis ka horistaagaya in lagu xadgudbo asaguna wax ku xadgudbo si ay u wanaagsanaato niyaddiisu taasoo sare u qaadi karta awoddiisa cayaareed ka dibna ay wax badan ka badali karta awoodda xulka qaranka waana mid sidaasi isugu xiran.

Arinta kale ee ayaduna aan waaya-araga u nahay una baahan wax ka qabadka waa garoomada cayaaraha iyo tababarka oo aan xiliyadii dambe ahayn kuwa la jaanqaadi kara dunida gaar ahaan kuwa kooxuhu tababarka ku sameeyaan haddii uu cayaartoygu helin garoon wanaagsan oo uu tababar ku sameeyo wax badan ma baran karo mana kororsan karo gaar ahaan cayaartoyda yaryar.

Iyo ugu dambayntii in kooxaha oo dhan qasab looga dhigo in ay yeeshaan academy lagu soo saaro caruur yaryar (09-14) kuwaasoo xiliyada fog wax badan ka tari doona sare u qaadida kubadda cagta dalka.

Sakariya waxaad ka soo shaqaysay dalka gudihiisa xiligii dagaalada, horeyna waxaad u soo joogtay nabaddii iyo kala dambayntii hadana waxaad ku nooshahay dal aad u horumaray bal farqigaas maxaad ku qeexi kartaa gaar ahaan dadka ka shaqaynaya sport ga dalka gudihiisa xiliyadii dagaalada ilaa iyo hadda?

SB: Run ahaantii waa su’aal aad u wanaagsan una baahan in la is-waydiiyo farqigu waa kala wayn yahay waana caddahay taasi oo waa marag ma doonto, laakiin markaan is barbar dhigo dadkii ka shaqaynayey sport ga xiliyadii dagaalada ilaa hadda iyo kuwii ka horeeyey waxaan is leeyahay marka laga hadlayo sport jacayl waxaan hubaa in ay isaga mid ka ahaayeen dhamaantood waxaase lagu kala duwan yahay jawiga lagu shaqaynayey, xaqana in laga talaabsado ama la inkiro waa laga wanaagsan yahay oo dad qoysaskoodii ay nabad ku naaloonayeen markay sport ga oo ay jecel yihiin ka shaqaynayeen lama barbar dhigi karo kuwa aan hubin in ay gurigooda dib ugu noqon doonaan, garoonka ay joogaan nabad ku joogi doonaan isla markaana go’aamada laga gaarayo in cayaaro la qabto iyo in aan la qaban aysan kaligood ka go’in oo mooryaan qori wata uu go’aankaas wax ka lahaa sidaasi awgeed waxaan leeyahay amaan ayey mudan yihiin dadkii ka shaqeeyey sport ga Soomaaliyeed xili kasta oo ay ahayd gaar ahaan kuwii u dhabar adaygay xiliyadii adkaa ee dalku soo maray.

 

 

Sidaad la socoto bishii April ee sanadkan waxaa ku geeriyooday qaraxii Tiyaatarka saddex mas’uul oo aad looga xushmayn jiray sport ga dalka aqoon intee le’eg ayaad u lahayd odayaashaasi maxayse kugu reebtay adiga shaqsi ahaan?

SB:
Marka ugu horeysa waxaan ilaahay uga baryayaa in uu naxaristiisa siiyo qosaskii ay ka baxeena samir iyo iimaan ka siiyo waxaan hubaa in saaxiibaday Aaden X Yabarow (Wiish) oo noo ahaa aabo iyo hogaamiye intaba, Mawliid Macaane oo ahaa garsoore aan looga bartay garoomada iyo guddoomiyihii XKC saaxiibkay Siciid Mugaanbe ay taariikhda sport ga soomaaliyeed ka galeen baal dahab ah laguna xusi doono, aniga shaqsi ahaan aqoon aad u dheer ayaan u lahaa gaar ahaa Wiish iyo Siciid oo aan iskala soo shaqaynay dib-u-soo noolayntii sport ga dalka waxayna ka soo qaateen iftiinkaas u baxaya dhalinyarada soomaaliyeed kaalin aad u wayn ayagoo ugu dambayntiina ku waayey naftooda waxayna igu reebtay xanuun waase qadar alle ilaahay qadartiisana lama diido karo waxaase naga baxay rag qaali ah.

Xiriirka SKC aad ayaa loo eedeeyaa gaar ahaan qaar badan oo ka mid ah qurbajoogta adigu sidee u aragtaa eedaymahaas xiriirka se ma la shaqayn lahayd haddii ay kuugu yeeraan hawl ama taageero intaba?

SB: In guryo fiic-fiican lagu dhex jiro, shaqooyin la aado, dad ku dhibaatoonaya kana dhex shaqaynaya dal aan dawlad iyo nidaam arkin 22 sano ka badana lagu eedeeyo wax ma qabtaan waa arin aan ku wanaagsanayn sport ga iyo caqliga saliimka ah, anigu ma dhahaayo lama eedayn karo oo aniguba waan eedeeyaa marmarka qaarkood laakiin hadana markaad eegtid xaaladda guud iyo waxqabadkooda waxay mudan yihiin in ciddii taageeri kartana ay taageerto ciddii aan awoodina ay isaga aamusto, aniga Sakariya ahaan aqoon wanaagsan ayaan u leeyahay dadka maamulka haya xaqna waxay iigu leeyihiin in aan taageero asxaab ahaan, qaran ahaan iyo waajibaadka iga saaran dalkayga haddii aan awood u yeeshana diyaar ayaan u ahay in aan ka shaqeeyo horumarka sport ga dalka.

 J

awaabtaas aad bixisay ma loo fasiran karaa dalkii ayaan u socdaa? 

 

SB: Qosol fara badan ka dib ayuu si kaftan ah u yiri Maxamuudow si fudud ayaadba Xamar ii gaysay, maya looma fasiran karo laakiin waxaa muuqda saan saan nabadeed haddii ay sii korortana wax ii diidaya in aan dalkii tago ma jiro, hilow badana waad ogtahay oo wuu noo hayaa inkastoo aad adigu iiga hilow badan tahay laakiin run ahaantii hadda diyaar uma ihi xiligan dhaw. 

 

 

Cayaartoydii kooxda Mogadishu oo dalka muddo gaaban gudihiis la wreegtay hadal-hayntii ugu badnayd marka la fiiriyo qaab cayaareedka iyo da’dooda oo aad isugu dhawaa awgood hadda waxay ku kala faafeen dunida waa side xiriirkiinu hadda ma iska warhaysaan?

SB:
Walaahi waa su’aal aanan filaynin waxaanse kuu sheegayaa in inteena badan aan iska warhayno sida aad ogtahayna hadda adduunkii waa isbadalay aaladaha lagu xariiri karana waa bateen inta badan dadkaas aad ka hadlaysana qurbaha ayey ku nool yihiin marka waxaan marka ugu horeysa tacsi u dirayaa qoysaskii iyo asxaabtii saaxiibada aan hadda dunidan nala joogin ilaahayna waxaan uga baryayaa in uu janatul fardawsa ka waraabiyo, waxaa ayaguna jira saaxiibo xanuunsan waxaan ayagana ilaahay uga baryayaa in caafimaad degdeg ah u soo dejiyo.

Ugu Dambayntii yaad jeceshahay in aad halkanka salaanto?

SB: Ugu horeyn waxaan halkan ka salaamayaa hooyadeey, walaalahay, xaaskayga iyo caruurtayda oo ku kala nool dalkii gudihiisa iyo dibadaba, sidoo kale waxaan jeclahay in aan fursaddan uga faaiidaysto isla markaana salaan qaas ah u diro saaxiibkaygi qaaliga ah Axmed Cabaas Busuri iyo dhamaan qoyskiisa oo ku nool dalka Maraykanka waxaanan ilaahay uga baryayaa in uu caafimaad taam ah siiyo, sidoo kale waxaan sidoo kale salaamayaa saaxiibaday C/Raxmaan Tacbaan iyo Dr Cumar Ganjab oo ku nool magaalada Toronto anigoo ilaahay uga baryaya in uu caafimaad taam ah siiyo, intaasi ka dib waxaan sidoo kale salaam u dirayaa dhamaan cayaartoydii kooxdii Mogadishu gaar ahaan guud ahaan cayaartoydii dalka waxaanan leeyahay aan xasuusnaano saaxiibadeena ku dhibaataysan dalka gudihiisa iyo meelaha kale ee qurbaha ah.


Written By: Mohamud
Date Posted: 7/8/2012
Number of Views: 4002

Return

Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use