|    Register
 
Article Details
Waraysi khaas ah xoghayaha XKK Soomaaliyeed Siciid Faarax Ducaale.

Ka dib markii jaraaidada ka faalooda sport ga Soomaaliyeed qaarkood uu ku soo baxay usbuucii hore qoraal lagu sheegay in fadeexad lagu hayo qaar ka mid ah madaxda sport ga iyo waliba siyaasadda dalka ayaa waxaa ay bahwaynta sport ga soomaaliyeed ka soo saareen qoraalkan fikrado iyo qoraalo kala duwan kuwaasoo jawaab u ahaa qoraalkaasi sida cad loogu weeraray madaxdaasi ayadoo dhinaca kalena ay dood baaxad-wayn ka dhex abuurtay bahdan kuwaasoo ku jahawareersan sida ay suuragal ku noqon karaan dhacdooyinka noocaan ah oo waliba soo noqnoqda.

Hadaba si aan wax badan uga ogaano isla markaana ugu suuragelino bahda kale ee ayaguna baahida u qaba xogta dhabta ah ee dhacdadan foosha xun iyo qoraalkii daba socday ayaan waxaan waraysi dheer oo khadka isgaarsiinta ah la yeelanay xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda kolayga Siciid Faarax Ducaale asaga oo ku sugan magaalada Toronto ee dalka Canada balse inta aanan guda galin waraysigan ma is waydiisay akhristow waa shaqsi noocee ah Siciid Faarax taariikhse ma ku leeyahay kubadda kolayga?

Siciid Faarax Ducaale waxa uu ku dhashay magaalada Beled Weyn ee gobolka Hiiraan bishii July 1957, wuxuuna ku soo barbaaray degmada Xamar Jab-Jab ee magaalada Mogadishu asagoo waxbarashadiisii hoose iyo dhexena ku soo qaatay dugsiga hoose ee Xamar Jab-Jab. Dugsiyadii sare ee Hawl/Wadaag iyo 15 kii May ee magaalada Mogadishu ayuu ku soo qaatay waxbarashadiisii dugsiga sare halka uu jaamacaddii umadda ee dalkeenana uga soo qalin jabiyey cilmiga Geology ga.

Siciid waxa uu ka mid ahaa dadkii soomaaliyeed ee xiliyadii dagaalada sokeeyey ka hor ka soo tagay dalka waxa uuna waxbarashadiisii ka sii kororsaday dalka Canada asagoo mar kale ka qalinjabiyey machadka shaqaalaha ee dalkaasi Canada (Labour College 1992-1994).

Dhinaca kubadda kolayga Siciid Faarax waxa uu kubadda kolayga ka bilaabay degmadii Xamar Jab-Jab asagoo ka bilaabay tartamadii la oran jiray (Mini Basketball), ka dib markii uu ka qaybgalay tartankii dugsiyada sare oo uu u cayaarayay dugsigii sare ee Hawl/Wadaag sanadkii 1976 kii ayuu ku biiray kooxdii Juniorka ama da’yarta ee naadigii Betroolka isla sanadkaas asagoo ku guulaystay koobkii Juniorka kubadda kolayga.
 
Sanadkii xigay ee 1977 kii ayuu Siciid Faarax ka mid noqday kooxdii heerka koowaad ee isla naadigaasi Betroolka asagoo mudadii uu ka tirsanaa cayaartoyda kooxdana (1977-1983) ku guulaystay koobabka Horyaalka iyo Jeneral Daa’uud ee sanadihii 1981-82 kii koobabkaasoo ahaa kuwii ugu qiimaha badnaa cayaaraha dalkeena.

1983 kii waxa uu u wareegay dhinaca tababarka asagoo noqday tababare xigeenka wiilasha kubadda kolayga Betroolka wuxuuna si buuxda u noqday macalinka wiilasha kubadda kolayga ee naadigaasi betroolka sanadkii 1984 kii asagoo xilkaasi hayey ilaa iyo sanadkii 1986 kii.

Mudadii dhawr iyo labaatanka sanadooda ahayd ee uu ku noolaa dalka Canada waxa uu Siciid Faarax ahaa xubin firfircoon oo ka dhexmuuqda bulshada reer Canada wuxuuna xilal kala gedisan ka soo qabtay ururada u dooda xuquuqda dadka soomaalida ah halka uu caruurta yaryarna u soo noqday tababare kubadda kolayga ah wxuuna hadda yahay ku-xigeenka guddoomiyaha ururka Somali Canadian National Council oo ah urur isku xira dawladda ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya, dawladda Canada iyo waliba bushada soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi asagoo isla markaasina ah guddoomiyaha ururka Jane Alliance Community Service.

Isbarashadaasi ka dib ayaan waxaan xoghayaha XSKK Siciid Faarax Ducaale hor dhigay su’aalo dhawr ah oo ay dad badani is waydiinayeen wuxuuna waraysigeenii u dhacay sidatan:

Cayaaraha: Mudane xoghaye marka hore waxaan kaaga mahadcelinayaa ogolaanshahaaga waraysigan waxaanan kugu soo dhawaynayaa shabakaddan cayaaraha.com. Marka xiga ugu horeyntii maxaa kugu dhaliyey in aad jago ka qabato XSKK adigoo muddo badan ka dhex maqnaa kubadda kolayga?

Siciid Faarax: Aad ayaan sidoo kale kaaga mahadcelinayaa fursaddan oo ah mid aad muhiim iigu ah, dhinaca su’aasha markaan u soo laabto marka hore kama maqnayn kubadda kolayga waana sport ama cayaar ku jirta dhiigayga marnana aanan ka dhex bixin, inkastoo xiriirka dalka uu nagu yaraa hadana xiligan adag ee sport ga dalku ku jiro guud ahaan iyo baahida XSKK u qabay shaqsi waaya-arag ah jecelna horumarka kubadda kolayga ayaa igu dhalisay in aan qabto jagadan xoghayaha XSKK.

Cayaaraha: Waxaa laga joogaa muddo aan sanad dhamayn markii lagu magacaabay hadana dad badan waxay iswaydiinayaan maxaa uu soo kordhiyey xoghayahan cusubi maxaadse adigu ka dhaxashay maamuladii kaa horeeyey?

SF: Walaal waa su’aal wanaagsan oo laba qaybood leh markaan ku hormaro dhinaca dhaxalka runtii xafiiska aan maamulo ee xoghayaha XSKK wax aan ka dhaxlay oo maamul-wanaag ah ma jiro waxa ugu yar uguna muhiimsan ee maamul laga dhaxlo waxaa ka mid ah (Constitution) ama xeerka lagu dhaqo xiriirka kaasna ma uusan lahayn xiriirku markii aan la wareegay xilka, waxqabadkeeniina waxa aan ka bilownay in aan samaysano xeerar lagu dhaqo xiriirka kaasoo ay samayntiisa iyo ansixintiisaba ka qaybqaateen dhamaan guddiga fulinta ee XSKK, waxaa noogu xigay isku-xirka iyo hagaajinta xiriirka iyo dadkii aqoonta u lahaa cayaartan kubadda kolayga taasoo aan meel fiican ka gaarnay, waxaanse aad ugu faraxsanahay in aan qayb ka ahaado maamulkii, cayaartoydii, macalimiintii iyo waalidiintii guusha taariikhiga ah ka soo hooyey cayaarihii kubadda kolayga ee jaamacadda carabta kuwaasoo ay gabdhahii xulkeenu ka galeen kaalinta afaraad ayagoo muddo aad u gaaban isla joogay waana waxqabad aan ku faani karno waxaanan uga mahadcelinayaa dhamaan intii ka qaybqaadatay.

Cayaaraha: Waa sidee xiriirka guddiga fulinta ee XSKK dhexdiisa iyo xiriirka ay la leeyihiin xiriirada iyo ururada ay xubnaha ka yihiin sida kan bariga iyo bartamaha Afrika, Afrika iyo waliba kan adduunka ee FIBA?

SF: Run ahaantii xiriirka dhexdeena ah xiriir ahaan waa mid wanaagsan waxaana dhamaan guddiga fulinta, xubnaha iyo naadiyada xubnaha ka ahba ka dhexeeya wada shaqayn wanaagsan iyo xiriir joogta ah oo aan uga wada tashano arimaha na horyaala, dhinaca xiriirada caalamiga ah xiriirku waxa uu ka yahay xubin waxaana qasab nagu ah in aan wanaajino xiriirkaasi mudadii aan xafiiska joogayna waxaan la sameeyey xiriiro joogta ah waana mid soo kordhaya.

Cayaaraha: Qurbaha waxaa ku dhaqan dad badan oo magac ku leh kubadda kolayga dalkeena hadana ma buuxiyaan kaalimihii laga sugayey arimo badan oo jira awgood adiga xoghaye ahaan maxaad isleedahay waad ka badali kartaa sidii ay macalimiintii, cayaartoydii iyo madaxdii hore uga gaysan lahaayeen kubadda kolayga gacan ugu yaraan talo ah?

SF: Marka ugu horeysa waxaan ka xumahay in kubadda kolayga Soomaaliyeed oo aad uga horumarsanayd cayaaraha kale ee dalka ay xiligan heerkan taagnaato taasina ma ahan mid ay keeneen waxqabad la’aan maamulka xiriirku waayo waxaan ognahay in XSKK uu muddo 20 sano ka badan ku shaqaynayey wadan aan nidaam dawladeed ka jirin isla markaana ay burbureen garoomadii cyaaraha waxayna mudan yihiin in looga mahadceliyo, dhinaca bahda qurbaha waa run waxay wax badan ka tari kareen dib u soo noolaynta kubadda kolayga dalkeena hadana markaan arkay qaar badan oo ayaga ka mid ah waxaa ii soo baxday in uu yaraa xiriirka dhexdeena ah si ay gacan uga gaystaan taasna waan ka shaqaynaynaa haddii alla idmo.

Cayaaraha: Waxaa jira qoraal ku soo baxay website yada sportga Soomaaliyeed qaarkood kaasoo lagu sheegay in Wasiiru-dawlaha Sport ga, Duqa magaalada Mogadishu iyo ku-simaha Guddoomiyaha GOS ay ka xun yihiin ka qaybgalkii magaalada Hargaysa ee cayaarihii Inter City Cup oo ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda maxaad kala socotaa arintaasi maxaase isku keenay saddexdan mas’uul iyo tartanka magaalooyinka dalalka ku jira Zone 5?

SF: Waan arkay qoraalkaasi oo ah mid xaqiiqada ka fog xaqiiq ahaantiina wax isaga jiraa ma jiraan saddexdan mas’uul iyo cayaarahan, dadka ay qusaysay isla markaana dooda ka keenay waxa ay ahaayeen anaga XSKK waana mid akhlaaqda wariyanimada ka baxsan wixii laga qoray madaxdaasi, dhinaca ka qaybgalka tartanka ee magaalada Hargaysa ma jirin cid ka xumayd waxaase laga xumaaday qaabka loo maray ka qaybgalka tartankaasi oo ahaa qaab ka soo horjeeda wada shaqaynta xiriirka SKK iyo iyo kan Zone 5.

Cayaaraha: Muxuu ahaa qaabka aad tilmaantay ee loo maray yaase maamula tartankan xiriirkuse kaalin noocee ah ayuu ku leeyahay marka laga hadlayo cayaarahan?

SF: Markaan si qeexan kuugu sheego cayaarahan magaalooyinka waxaa maamula urur madaxbanaan waxayse cayaarahani ka mid yihiin dhaqdhaqaaqyada sport ee xiriirka kubadda kolayga ee bariga iyo bartamaha Afrika (Zone 5). Magaalo kasta oo ka soo qaybgalaysa tartankana waxaa mas’uul ka ah xiriirka kubadda kolayga ee dalka ay ka imaanayso, xaqna uma laha haddii aysan soo marin jidkaasi in ay ka qaybgasho, Zone 5 na waxa uu xiriirka Soomaaliyeed ee KK u soo diray warqad martiqaad ah oo la mid ah middii uu u diray xiriirada kale ee gobolka waxaase aad nooga cajabiyey markii aan aragnay magaalooyinka ka qaybgalaya tartanka oo ku caddaa isla warqaddaas oo ay si cad ugu qoran tahay Hargaysa (Somaliland) ayadoo aysan jirin xiriir xubin ka ah Zone 5 oo soo gudbiyey ama xaq u leh in uu soo gudbiyo magaaladaasi.

Cayaaraha: Haddii uusan jirin xiriir soo gudbin kara ama ay soo mari karto magaaladaasi, XSKK na uusan ka warqabin xiliga ay soo gudbisteen codsiga iyo sida loogu ogolaadayba halkee ama jidkee kale ayey soo mari karaan ayaad isleedahay maxaadse ka dib ka tiraahdeen?

SF: Waa sax waa arin u baahan in la ogaado sida ay ku timid waxaanan ogaanay markii aan dabagalnay arimahan in uu lug ku leeyahay xoghayihii hore ee xiriirka Eng Baana oo asagu ka dhaadhiciyey guddiga qabanqaabada ee Zone 5 oo uu ka mid yahay guddigiisa suuqgaynta isla markaana u fududeeyey in magaalada Hargaysa loo ogolaado ka qaybgalka tartanka ayadoo sheeganaysa in ay ka imaanayso dal ka madaxbanaan Soomaaliya taasina waxaan u aragnay mid wax loogu dhimayo midnimada iyo qaranimada Soomaaliyeed, waana midda keentay in aan ka biyo diidno.
Markii aan aragnay qoraalkaasi guddiga fulinta ee XSKK waxa uu ka dooday talaabada ku haboon in aan ka qaadno waxaanan latashiyo badan oo dhexdeena ah ka dib go’aansanay in aan warqad jawaab u ah talaabdaasi isla markaana ku muujinayno in aanan ku qanacsanayn sida ay u maamulayaan cayaarahan u dirno maamulka tartanka kana sugno jawaabta ku haboon.

Waxaa ayaduna fajac nagu sii abuurtay markii ay noo soo jawaabeen ayadoo cayaarihii bilowdeen isla markaana ay wax u dhaceen sidii ay rabeen waxayna jawaabtoodu ahayd raaligelin ay nooga raaligelinayeen dhacdadaas inkastoo aanan anagu ku qancin waayo waqtigeedii ayaan u aragnay in si barer ah loo dhaafiyey.

Cayaaraha: Waxaad carabka ku dhufatay xoghayihii hore oo aad sheegtay in uu xil ka hayo Zone 5, ma iskiis ayuu ugu jiraa xiriirkaasi mise dalka Soomaaliya ayuu u metelaa sow lama oran karo mugdi badan ayaa ku jira arintaasi?

SF: Waa runtaa walaal mugdi badan ayaa ku jira, ugu horeyntii in aad ka mid noqotid xiriir caalami ah kuma timaado sida shaqooyinka caadiga ah oo kale oo aad dibadda ka dalbanaysid laakiin waa in aad ka soo gashaa xiriir xubin ka ah xiriirkaasi aad ka mid noqonaysid maamulkiisa sare waana sidaas si la mid ah sida uu ku yimid Baana markii ugu horeysay waxaase loo baahan yahay in la iswaydiiyo marka qofku uu shaqada uu u hayey xiriirkiisa ka tago maxaa ku dhacaya kuwii uu ku helay magaca xiriirka Soomaaliyeed?, sidii caadada u ahayd maamulada sport ga dalka waa loo dayn jiray qofka boosaska kale ee uu ka hayo gobolka inta uu fulinayo ama ka shaqaynayo danaha sport ga Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan xiriirkii uu markii hore ku yimid kursigaasi iyo waliba inta uu dhawrayo sharafka iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed, taasina waa midda ay dad badani u dhinteen isla markaana aan u sidno calankiisa.

Cayaaraha: Waxaa la sheegay in aad dacwad ka qorteen xoghayihii hore ee XSKK ma jirtaa dacwaddaasi maxaase sababay haddii ay jirto?

SF: Marka aan qeexo sida ay arimuhu yihiin iyo hadalada socda waa wax kala duwan anagu in aan shaqsi dacwad ka qorno ma ahan hawsheenu waxaan la xisaabtanaa waa xiriir ay wadashaqayni naga dhaxayso wada shaqayntuna waxay leedahay xeerar iyo ixtiraam u degsan qoladii ka talaabsatana lagula xisaabtamo, marka anagu xiriir ahaan markii aan aragnay qaabka aan wadashaqaynteenii waafaqsanayn ee ay ku kaceen Zome 5 ayaan go’aansanay in aan qorno warqad rasmi ah (Formal letter) oo aan uga dacwoonayno Zone 5 iyo xadgudubka ay ku sameeyeen qaranimada iyo karaamada dalka Soomaaliya markii aan dirayey warqaddaasna waxaan nuqul ka mid ah (Copy) u diray dhamaan dadkii ay qusaysay oo uu ugu horeeyey guddoomiyaha XSKK, xiriirka kubadda kolayga adduunka (FIBA), Guddoomiyaha GOS, Wasiirudawlaha wasaaradda sport ga iyo duqa magaalada Mogadishu kuwaasoo qof waliba uu waajibaadka cayaarahan iyo arimaha daba socdayba uu qayb ku lahaa anigoo tixgelinayey qaabka wada shaqayneed ee uu xiriirku ku dhisan yahay, marka waxaan aad uga xumahay in la qoro ayagaa wax qoray taasoo kuu caddaynaysa in dano kale laga leeyahay.

Cayaaraha: Sida aad noo sheegtay email ka ama warqadda aad dirtay waxaad ogaysiisay dad kooban iyo Zone 5 oo ayaga aad ka dacwoonayseen una dacwoonayseen marka sidee ayaad is leedahay email kaasi way ku heli karaan warfidiyeenadu?

SF: Waa su’aal mudan in la iswaydiiyo aniguse waxaan farta ku fiiqayaa xoghayihii hore ee XSKK Eng Baana oo asagu horey aniga iigu soo diray qoraalo aan ku wanaagsanayn aadaabta sportga oo ay ku lifaaqan yihiin qoraaladii ama xiriirkii aan aniga iyo Zone 5 wada yeelanaynay kuwaasoo aan iswaydiiyey sida uu ku heli karo qoraaladaas maadaama ay ka dhexeeyeen laba xiriir taasina waxay igu abuurtay shaki ka wayn kii markii hore igu jiray kuna saabsan cidda ka shaqaynaysa dhibaataynta xiriirka iyo waliba midnimada dalkeena.

Cayaaraha: Sida lagu sheegay qoraalkii soo shaacbixiyey dhibaatadan guddoomiyaha GOS, duqa magaalada Mogadishu iyo wasiiru-dawluhuba waxay ka xumaayeen darajada uu gaaray Eng ku marka maxaad is leedahay waa loo abaaray ayaga oo looga hadli waayey xiriirka KK iyo adiga oo qoray qoraaladan?

SF: Waxaan is leeyahay waa ulajeeddo laga leeyahay in lagu marinhabaabiyo dadka jecel sport ga loona tuso madaxdan in ay yihiin niman aan hawl kale haynin oo daba socda nin asagu shaqo wanaagsan haya taasoo aan xaqiiqo ahayn uuna asagu yahay ninka ka daba shaqaynaya dadka umadda u shaqaynaya isla markaana hadda ku darsaday kala dhantaalidda qaranimada Soomaaliyeed.

Cayaaraha: Maxay tahay talaabada xigta oo aad xiriir ahaan qaadi doontaan mustaqbalka?
 
SF: Sidaan kuu sheegay waxaan dirnay qoraal rasmi ah oo aan ku sharaxnay dareenkayaga iyo in aysan wanaagsanayn qaabka uu xiriirka bariga Afrika u dhaqmay waxaanan sugaynaa jawaabta ay ka soo bixiyaan ka dibna guddiga fulinta ee xiriirka SKK ayaa go’aanka ka qaadan doona talaabada xigta. Dhinaca kale anigu waxaan shirkii ugu horeeyey ee xiriirka gobolka ka qaybgali doonaa bisha August ee soo socota haddii alaha awoodda lihi ogolaadana markaasi ayaan hordhigi doonaa wixii aan ka qabno arimaha socda oo idil.

Cayaaraha: Ma laga yaabaa in aad ayada dacwad ka keentaan xilalka uu Eng Baana ka hayo Zone 5 xiriir ahaanse awood intee le’eg ayaad u leedihiin arintaasi?

SF: Xaqiiqdii marka aan kuu sheego xiriirku dacwad ama dood wuu ka qabaa xilalka xoghayihii hore taasna waxaa keenay dhaqankiisa maadaama uusan wax faaiido u leh dalkiisa uusan qabanayn, waxayn ila tahay in ay ka haboon tahay in shaqsi dalka iyo xiriirka u faaiidaynaya uu xilkaasi qabto waxaase jira xeer oranaya haddii shaqsi xil ka haya xiriirka gobolka uu ka tago shaqadiisii xiriirka dalkiisa oo uu markii hore ku yimid waxa uu dhamaysanayaa xiliga loo doortay xilkaasi ka dibna waxaa doorashada ama magacaabidda xilka gobolka ka qaybgalaya ciddii kale ee uu xiriirku soo magacaabo.
 
Cayaaraha: Markaan ka baxo arinkan una soo laabto dhaqdhaqaaqiina cayaareed cayaarihii xulka gabdhaha ay ka qaybgaleen waxay keeneen guul rajo badan gelisay shacabka soomaaliyeed ma jiraan cayaaro kale oo aad xiliyada dhaw ka qaybgali doontaan?

SF: Waxaan wadnaa qoershe aan wiilasha xulka qaranka kubadda kolayga ugu diyaarinayno tartanka All African Games (Zone 5) taasina waxa ay ku xiran tahay hadba sida aan u helno macluumaadka aan u baahanahay oo uu dhaqaaluhu ugu horeeyo, dhinaca cayaartoyda waxaan helnay cayaartoy xirfadlayaal ah oo dalkooda wax badan u tari kara.

Cayaaraha: ugu dambayntii maxaad u soo jeedinaysaa dadka ay qusayso arintan iyo waliba bahwaynta kubadda kolayga soomaaliyeed ?

SF: Bahwaynta sport ga waxaan u soo jeedinayaa in ay kala gartaan kalana ogaadaan dadka waxtarka u leh bulshada iyo kuwa dhibaataynaya, dhinaca bahwaynta kubadda kolayga waxaan u soo jeedinayaa in aan muujino xirfadeena una dhaqano sidii xirfadlayaasha (Professional) oo kale, gacmaha isqabsano kana midowno oo meel uga soo wadajeesano dadka tirada yar ee ayagu had iyo goor ka shaqaynaya fidnada iyo kala gaynta umadda jecel sport ga iyo horumarkiisaba gaar ahaan kubadda kolayga.

Written By: Mohamud
Date Posted: 5/31/2012
Number of Views: 1644

Return

Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use