Mo Farah oo loo magacaabay xulka qaranka cayaaraha fudud ee Ingiriiska.
Orodyahanka caanka ah ee dhalashadiisu Soomaaliga tahay una orda dalkan Ingiriiska ee Mohamed Farah ayaa loo magacaabay xulka cayaaraha fudud ee dalkan Britain uga qayb gali doona tartanka cayaara fudud ee dunida oo bisha March ka dhici doona magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.
Mo Farah oo usbuucii hore dabayaaqadiisii looga adkaaday tartanka 2 Mile oo ka dhacay magaalada Birmingham ee cariga Ingiriiska ayaa waxaa laga cabsi qabay in laga reebo xulka cayaaraha adduunka u matali doona jasiiradda Britain waxaase ay xiriirka cayaaraha fududi sheegeen in Mo Farah iyo xulka kale ee ay xuleenba ay ka mid yihiin cayaaryahanada biladaha u soo hoyn kara Britain.
Mo Farah oo ka qaybgali doona tartanka 3000M ayaa waxaa uu la tartami doonaa orodyahanada ugu caansan uguna khatarsan dunida wuxuuna tartankani la mid yahay kii uu kal hore orodka 5000M ah biladda dahabka ah uga guulaystay.
Charles van Commenee oo ah tababaraha xulka cayaaraha fudud ee jasiiraddan Britain ayaa waxa uu sheegay in orodyhan kasta oo guulo keena mar un laga adkaanayo guuldaradii ku dhacday Mo Faraha usbuucii tagayna waxa ay u tahay mid wanaagsan oo uu ka qaadi karo dhiirigelin uu si adag ugu soo rogaalceliyo waana middaas midda aan ka filayno.
Wararakii ay jaraaiidadu ka qoreen Mo Farah.
Farah in team for Istanbul
Mo Farah named in 39-strong GB team for World Championships
Written By: Mohamud
Date Posted: 2/22/2012
Number of Views: 177
Return