|    Register
 
Article Details
Cayaaraha v Saciid Xuseen Cayrow (One 2 One) iyo sawiro taariikhi ah.

Siciid Xuseen Cayrow waxa uu ku dhashay magaalada Mogadishu sanadku markuu ahaa 1962 kii waxa uuna ku soo barbaaray isla magaaladaasi gaar ahaan xaafadda Xamar Jab Jab. Siciid waxa uu waxbarashadiisa ilaa iyo heer jaamacadeed ku soo qaatay magaala madaxda dalkeena ee Mogadishu, waxa uuna dalka ka soo baxay 1988 kii.

Saciid Xuseen Cayrow waxa uu muddooyinkii ugu dambeeyey ku noolaa dalkan Ingiriiska gaar ahaan magaalada London waana xaas leh 3 caruur ah ilaahay ha u daayee, waxaan ugu tagay xaafadda Streatham oo dhacda koonfur-Galbeed London oo ay ku dhaqan yihiin soomaali aad u fara badan si aan uga waraysto taariikhdiisii cayaareed iyo nololeedba taasoo aan hubo in ay dad badan soo xasuusin doonto xiliyadii uu cayaaraha ku jiray iyo waliba taariikhihii ay la soo mareenba, waxa uuna waraysigeenii u dhacay sidan:

Cayaaraha: Marka ugu horeysa waxaad ku soo dhawaataa  shabakadda cayaaraha.com waxaanan kaaga mahadcelinaynaa ogolaanshahaaga waraysigan, marka xiga waxaad ka soo jeedaa qoys uu aabuhu ahaa ciidan isla markaana adaabtu aad ugu dheerayd iyo la dhaqanka dadka side kuu caawisay adaabtaas wanaagsan ee lagugu soo koriyey mudadii aad cayaaraysay iyo ka diba?

Saciid Cayrow: Mahadsanid Maxamuud waxaanan adigana kaaga mahadcelinayaa hawsha aad umadda soomaaliyeed gaar ahaan kuwa sport ga jecel u haysid adiga iyo saaxiibadaada cayaaraha.com, markaan usoo laabto su’aashaada waxaan oran karaa wax badan ayey koriimadii wanaagsanayd ee waalidkay iga caawisay gaar ahaan markaan ku biiray kooxdii Horseed anigoo da’yar, inkastoo aan ka soo baxay qoys dabaqad dhexe ah hadana si dhakhso leh ayaan kula qabsaday una dhexgalay cayaartoydii magaca ku lahayd dalka waayo waxaan isku arkayey nin raba in uu wax kororsado isla markaana u baahan in uu ka faaiidaysto laacibiintaasi waaya-araga ah.

Sida aan la socono aabahaa Xuseen Farah Cayrow ilaahay ha u raxmadee kuuma ogolayn kubadda cagta ama cayaaraha oo dhan sidee markii dambe ugu qancisay qoyska in aad noqotid cayaartoy?

SC: Waa run waxay ahayd arin aad u adag waxaase aad iiga caawiyey hooyaday iyo walaashay iga wayn oo ayagu dareensanaa jacaylka faraha badan ee aan u qabo kubadda cagta iyo cayaaraha guud ahaan waxaanan si gooni uga codsaday in ay iga caawiyaan sidii ay aabe ilaahay naxariistii janno ha siiyee ugu qancin lahaayeen in uu ii ogolaado in aan sii wato mustaqbalkii ii iftiimayey waana ku guulaysanay ayadoo loo tusay aabo in kubaddu tahay balwadda ugu wanaagsan ee nin dhalinyaro ah oo magaalo jooga yeesho isla markaana ay u wanaagsan tahay caafimaadkayga, runtiina markii dambe waxa uu ii sheegay in aan go’aankaasi ku saxsanayn.

Markii aad caruurta ahayd kubadda cagta oo kaliya miyaad jeclayd in aad cayaartid mise waxaa jiray cayaaro kale oo aad cayaari jirtay?

SC: Maya waxaan aad u jeclaa kubadda kolayga iyo waliba kubadda miiska oo aan ku fiicnaa markaan yaraa, laakiin kubadda cagta ma jirin cayaar la tartami kartay markaad fiirisid sida xaafadaha looga fiirsan jiray marka dhalinyaradu ku cayaarayso tartankii loogu yeeri jiray sharadka ilaa aad garoonka wayn ka tagto.                                                                   

Maxaa kugu dhaliyey in aad Horseed ka mid noqotid yaase kugu dhiirigeliyey in aad kooxdaas tagtid?

SC: Waa su’aal wanaagsan oo aan sugayey runtii, waxaa igu dhiirigeliyey in aan tago kooxda Horseed cayaaryahankii hore ee naadigaasi Axmed Sheegow Bishaara oo aan isku xaafad degenayn isla markaana yaqaanay xirfadayda cayaareed wuxuuna aad igula taliyey in aan tago cayaarihii tijaabada ahaa ee lagu xulayey dhalinyarada yaryar ee kooxda asaga ayaana shaqsiyan i kaxeeyey, ka dibna waxaa la ii qoray in aan ka mid noqdo dhalinyaradii la xushay, waxaanan jeclahay anigoo ka faaiidaysanaya fursaddan qaaaliga ah in aan halkan uga mahadceliyo Axmed Sheegow. 

Laakiin Saciid, sida aan ka maqlay dad kale oo ayaguna aad isku xaafad ku korteen waxaad aad u jeclayd ama u taageeri jirtay kooxdii Jeenyo oo ay aad isaga soo horjeedeen Horseed marka sidee ku fekertay in aad Horseed u cayaartid mise nacaybka kooxaha iyo taageerayaashooda ee dalku waa ka duwanaayeen kuwa dalalkan aan joogno?                                                                  

SC: Maxamuudow xog badan ayaad wadataa, waa run waxaan aad u taageeri jiray kooxdii Jeenyo (LLPP) waxaase aad uga xoog badiyey rabitaankayga ahaa in aan mar kaliya ka mid noqdo cayaartoyda kooxaha waawayn isla markaana ay igu adkaatay in aan diido fursaddaas, laakiin waxaa kale oo aadan ogayn in aan xaafadda ka cayaari jiray numberka 9 aad ama gooldhaliye, Horseed na aad ogtahay booska aan ka cayaari jiray oo ahaa daafac marka labadaasba isbadal xoog leh ayaa dhinacooda iiga yimid ayaan oran karaa.

(Sawirka: Saciid (fadhiga bidix) oo ka dhex muuqda kooxda Horseed 1983)

Sidaan la socono waxaa jirtay in macalin ka mid ah macalimiinta kooxda Horseed kaa celiyey garoonka maalin aad tababar u tagtay ka dib xulitaankii dhalinyarada asagoo ku andacoonaya in aadan ka qaybgali Karin cayaaraha ad-adag maadaama aad xoogaa cayilnayd maxaa ka jira warkaas sideese kuu saamaysay adiga shaqsi ahaan?

SC:  Walaahi arintaasi waxay ahayd mid aan si aad ah uga carooday inkastoo aysan saamayn badan igu yeelan marka laga reebo maalmihii ugu horeeyey oo aan mar waliba soo gocan jiray, waxaase run ahaantii asaguna si aad ah uga carooday cayaaryahan Axmed Sheegow  oo asagu aaminsanaa in aan ka soo bixi karo boos kasta wuxuuna arintii u sheegay kabtankii kooxda ee xiligaas Cusmaan Xaaji Maye (Scot) kaasoo si la mid ah sidii Sheegow uga xumaaday in sidaasi la iila dhaqmo maadaama uu asagu ka mid ahaa cayaartoydii iga xulay cayaarihii tijaabada dhalinyarada asagoo si aadna uga helay farsamadayda cayaareed, ka dib waxaa dhacday in Scot iyo Sheegow igula taliyeen in aan dib ugu laabto kooxda iina geeyeen macalin Ibraahim Suudaani  intaasi wixii ka dambeeyeyna taariikh ayey noqotay.

Ka hor intii aadan ka mid noqon kooxda heerka koowaad (Serie A) waxaa laguu magacaabay xulka Gobolka Banaadir ee sanadkii 1979 kii sidee ku timid magacaabiddaasi?

SC: Waa sax sanadkii 1979 kii ayaa la ii magacaabay xulka gobolka ka dib markii la iga xushay cayaarihii juniorka ama serie B da waxaanan sanadkaasi ku guulaysanay koobkii kubadda cagta ee tartanka cayaaraha gobolada, waxayna ahayd markii labaad ee uu gobolka Banaadir ku guulaysto koobkaasi.

Dad badani waxay sheegaan in cayaaraha Goboladu isbadal ku sameeyaan cayaartoyda ka hor cayaaraha heerka koowaad sidee ayey kuu caawiyeen cayaarahaasi maxaase laga faa’iidaa ka mid noqoshada xulalka gobolada ayaad is leedahay?

SC: Runtii cayaaraha gobolada waxaa laga helaa waaya-aragnimo aad u saraysa sababtoo ah waxaad ka hortagaysaa cayaartoy ka kala timid gobolo kala gedisan isla markaana kubadda looga cayaaro si kala gedisan, sidoo kale cayaartoy noocya badan oo qaar farsamo wanaagsan yihiin, qaar orod badan yihiin qaarna dhinaca madaxaynta ay aad ugu horeeyaan ayaad kula kulmaysaa waana mid si aad ah kaaga caawinaysa inta aadan cayaarin kuwa heerka koowaad.

Waxaa ayaduna muhiim ah in la tilmaamo taageerayaasha daawanaya cayaaraha gobolada oo aad uga badan kuwa cayaaraha kale taasina waxay kaa baabi’inaysaa cabsidii aad ka qabtay taageerayaasha oo ayaga laftigoodu aad u kala duwan.
 

Maxaad kala kulantay cayaartoydii waawaynaa ee kooxda markii laguu magacaabay Serie A da in aad ka mid noqonaysid? Kalsooni intee le’eg ayeyse kugu qabeen?

SC: Cayaartoydii kooxda Horseed joogtay markii aan ku biiray runtii waxaan oran karaa waxay ahaayeen cayaartoy aad ugu jajaban xirfadooda cayaaryahanimo waxaanan kala kulmay soo dhawayn aan la malaysan Karin, kabtan Scot wuxuu ahaa hogaamiye aad u wanaagsan sidoo kale Ibraahim Axmed Cali (Shaash) ayaa asaguna aad ugu wanaagsanaa isku haynta cayaartoyda waxayna dhamaantood aad u jeclaayeen dhalinyarada yaryar ee ku soo biiraya kooxda.

Dhinaca kalsoonida markii aan cayaaray cayaarihii Juniorka waxaa qof waliba u arkayey in aan noqon doono cayaartoy wanaagsan kooxda waawayna dhakhso geli doono, ka dib cayaarihii goboladana kalsoonidii ay igu qabeen macalimiinta iyo cayaartoydii waawaynaydba aad ayey u korodhay.

Horseed waxay ahayd koox ciidameed maamulkooduna uu ciidan u badnaa, sidee la isugu wadi jiray dhaqanka ciidamadeed ee inta badan maamulka iyo cayaartoyda ciidanka ah iyo kan kuwa aan ciidamada ahayn oo aan ka mid ahayd mise la oran karaa xerada Horseed waxay ahayd xero ciidan oo haddii aad amar diido xarig ku sugayo?

SC: Waa sax kooxda waxaa maamulayey ama lahaanshaheeda lahaa ciidanka xooga dalka soomaaliyeed laakiin sida aad u dhigaysid maamulkeedu ma ahayn oo waxaa ka jiray isfaham aad u wanaagsan dhinaca maaamulka, cayaartoyda iyo taageerayaashaba waana isfahamkaas waxa ay kooxda Horseed ku gaartay guulaha faraha badan ee ay gaartay, dhinaca akhlaaqda kooxda aad ayey u adkayd kumana xirnayn in aad ciidan tahay iyo in kale laakiin cayaartoygii dambi gala si isku mid ah ayaa loo ciqaabi jiray kaasoo u badnaa ganaax lacageed.

Cayaartaadii kuugu horeysay kooxdee la cayaartay maxaadse ka xasuusataa sidii ay ahayd niyadaadu markii aad garoonka galaysay inkastoo waqti badan laga joogo?

SC: Waa run Maxamuudow inkastoo waqti badan laga joogo hadana waxay ila tahay shalay oo kale waayo waxay ahayd maalin xusuus badan igu reebtay, waxaan uga hortagaynay kooxda Waxool oo aad ogtahay sidii ay u xooganayd xiligaasi oo jaraaiidada iyo barnaamijyadii sport ga aad looga hadalhayey waxaana u cayaarayey cayaartoy waqtigaas caan ahaa lana oran jiray Kadile(ilaahay ha u naxariistee), waxayna usbuuc ka hor garaaceen kooxda Jeenyo(LLPP) kolkaasoo jaraaidkii Xiddigta Oktober bogiisa cayaaraha halkudhig looga dhigay (Kadile iyo kooxdiisu kaftan ma galaan), marka waxaa igu jirtay cabsi yar oo ah amaa maanta lagu ceebeeyaa, laakiin hadana waxaan hubay in aan iska caabin karo.
 

Mudadii aad ka mid ahayd kooxda Horseed waxaad la kulantay cayaartoy magac ku leh kooxda iyo kubada cagta dalka guud ahaan maxaad ka xasuusataa dhaqamadii wanaagsanaa ee cayaartoydaasi iyo sidii ay ula dhaqmi jireen kuwa ka yaryar?

SC: Maashaa alah Maxamuudow kooxda Horseed markii aan ku biirayey waxaa joogay cayaartoy aad magac ugu leh kubadda cagta dalkeena kuligoodba aan iraahdee ma arkin shaqsi aan oran karo wuxuu ahaa shaqsi aad u xun laakiin aniga Saciid ahaan waxaa xusuus aad u wayn igu reebay sidii ay ula dhaqmi jireen cayaartoyda yaryar ama aan iraahdee kuwa ku cusub kooxda ha ugu horeeyee macalin Ibraahim Suudaani oo runtii ahaa macalin asluub wanaagsan ulana dhaqma cayaartoyda si isku mid ah kuwa yaryarna waano waalidnimo had iyo goor la garab taagnaa, waxaa ayaguna xusid mudan kabtanadii kooxda oo aan kala dhicin Cusmaan Xaaji Maye (Scot) oo aniga agtayda mahadnaq badan aan uga hayo sidii uu ii soo gacan qabtay waqtiyadii aan kooxa ku cusbaa asagoo aniga kaliya aan ahayne cayaartoyda yaryar oo idil sidaasi ula dhaqmi jiray, sidoo kale kabtan Ibraahim Axmed Cali (Shaash) oo asagana aan ka baranay geesinimada garoonka sida uu kuu guubaabinayo, waxaa kale oo aan xusi karaa dhaqankoodii wanaagsanaa Jaylaani khaliif, Cabdi kuus, Maxamed Shidane Buraale, Maxamuud Killer, Osmaaneey (Alaha u Naxariistee), Axmed Violence, Cabdilatiif iyo Aways Fuundi oo dhamaantood ahaa cayaartoy aad u asluub iyo akhlaaq wanaagsanaa.

Kooxaha kale ee dalka kooxdee ayaad aad uga cabsan jirteen koox ahaan adiguse kooxdee ugu necbayd in aad ka hortagto, maxayna ahayd sababtu? (Muuse oo Yemen jooga ayaa soo waydiiyey su’aashan)

SC: Qosol yar ka dib, horta meesha dagaal kama jirin oo cabsi wax la dhaho ma jirin laakiin waxaa jiray kooxo ka nasiib badan kooxo gooni ah sida anaga waxaa aad nooga nasiib badnaa kooxda Wagad (FIAT), marmarka qaarkood anagoo ka cayaar wanagsan ayeey naga badin jireen ama barbardhac ayey cayaar muhiim ah nagu celin jireen  markaan ka hortagayno xoogaa arintaas cabsi laga qabay waa jirtay, sidoo kale anagana kooxaha Batroolka iyo Madbacadda waa ka nasiib badnayn oo marmarka qaarkood ayagoo naga cayaar wanaagsan ayaan ka badin jirnay, laakiin marka nasiibka laga soo tago aniga Saciid ahaan waxaan aad u necbaa kooxda Madbacadda Qaranka oo cayaari jirtay kubad gaagaaban oo isku dhiib wanaagsan leh anagana daafaceenu waxaan u badnayn daafac jir dhisan oo waawayn marka xoogaa dhib ah ayaan ku qabnay sidaan kubadda ugu gaari lahayn. (Qosol ka dib ayuu si kaftan ah u yiri qof ha u sheegin arintan, kolkaas ayaan ku iri waraysiga ayey ku jirtaa, waana siday kaaga fakatay).

Daafaca kooxda Horseed waxaa la oran jiray waa daafac waaya arag ah laakiin aan jeclayn weeraryahanada xariiftanka badan, weeraryahankee ayaad aad u necbayd in aad ka hortagto? Maxayse ahayd sababtu?

SC: Asaga oo qoslaya isla markaana kaftamaya ayuu yiri “Maxamuudow dhib badanidaa ma su’aalahan oo kale ayaa la iswaydiiyaa waan kaaga jawaabayaa laakiin hana shaacinin asxaab badan ayaa jidka ii fariisan doonta haddii kale”, markaan kaftanka ka baxo runtii ma jirin daafac jeclaa in la ceebeeyo ama la fadeexadeeyo gaar ahaan taageerayaashii dhinacii qoraxda ama Katanga loogu yeeri jiray  fadhiisan jiray hortooda kuwaasoo sida aadka u taageeri jiray cayaartoyda xirfadda badan, laakiin hadana waxaa jiray weeraryahano aad u xirfad wanaagsanaa, aniga ahaan waxaan runtii aad is kaga ilaalin jiray marka aan ka hortagayo cayaartoydii ay ka midka ahaayeen alaha u naxariistee Maxamed Xuseen “Shiikhaalow”, C/Laahi A Sarxaan “Eenow” iyo Mukhtaar Maxamed Axmed “Mukhtaar Cuti” oo saddexdooduba lahaa xirfado awood sare leh oo kala duwan, Shiikhaalow wuxuu isku darsaday goysmo iyo asagoo kaa dhalinaya goolka, Eenow si fudud ayuu u xirfadayn jiray iyo dhalinta goolasha, halka Mukhtaar uu ku darnaa goysmada iyo boos qaadasho.

Daafaca Horseed markaan nimankaas ka hortagayno Maxamuudow dib u gurasho badan ayaa ka dhici jirtay inkastoo ayaga laftoodu ay naga cabsan jireen.

Goorma ayaad ka mid noqotay xulkii qaranka Soomaaliyeed, yuu ahaa macalinkii kuu magacaabay iyo booska aad ka caaraysay markaasi maadaama xulka laguu isticmaali jiray dhawr dhul ama qaybood oo ka mid ah daafaca? (Maxamed Cali oo Mogadishu jooga ayaa soo waydiiyey)

SC: Run ahaantii xulka waawayn waxaa iiga horeeyey xulka da’yarta ama Junior ka loo yaqaano waxaana sanadkii 1980 kii ii magacaabay xulkaas macalinkii qiimaha badnaa Cumar Canjeesto ilaahay u naxariistee si aan uga helo waaya-aragnimo dhinaca cayaaraha caalamiga ah.

Sanadkii 1982 kii ayuu isla macalin Cumar Canjeeste ii magacaabay xulka waawayn inkastoo aanan cayaarin sanadkaas hadana waan la xaraysnaa mudadii ay isdiyaarinayeen oo idil taasoo looga dan lahaa waaya-aragnimo, waxaase aan si toos ah ugu biiray xulka sanadkii 1983 kii kolkaasoo uu macalin Kabeey ilaahay ha u raxmadee ii magacaabay asagoo aad uga helay qaab cayaareedkayga.   

Dhinaca booska aan ka cayaari jiray waxaa la igu bilaabay daafaca dhexe ama number 4 sidii aan u naqaanay, ka dib ayaa waxaa loo baahday daafac dhinaca midig ama bidix loo isticmaalo kaasoo aan anigu noqday daafacii ay macalimiintu u garteen in uu buuxin karo boosaska daafaca oo idil sidaas ayaana la iigu isticmaali jiray hadba booskii loo baahdo.

 

 

 

 

 

Cayaartii kuugu horeysay xulka qaranka dalkee ayaad uga hortagtay maxayse ahayd natiijadii cayaartaas? 

Saciid Cayrow: Cayaartii ugu horeysay waxaan uga hortagay xulka dalka Cumaan oo aan la cayaarnay laba cayaar oo saaxiibtinimo ahaa, cayaartii koowaad waxay nooga adkaadeen 2-3, tii labaadna waxaan uga adkaanay 3-2 oo mid rigoore ahayd aanan anigu ka dhaliyey kaasoo ahaa goolkaygii ugu horeeyey ee xulka qaranka.

Inta badan guuldarooyinka xulka qaranka iyo kooxahaba waxaa loo aanayn jiray daafaca iyo khadka dhexe maxay ahayd sababtu ayaad is leedahay mise aragtay eed kaaga timaada guuldaro xulka ku dhacday?

SC: Waa sax oo arintaasi waa jirtay sababtana waxaan isleeyahay waxay ahayd dadka soomaaliyeed oo ayagu fiirinaya hadba halka ay kubaddu u badan tahay iyo cidda inta badan haysata oo kaliya balse aan aqoon badan u lahayn qaabka guud ee loo cayaarayo kubadda, qaladaadka macalinka kooxda ama xulka, bedelka la samaynayo, qaabka guud ee kooxda loogu diyaariyey cayaarta iyo waliba tabaabushaha guud ee xulka qaranka taasina waxay mar kasta keeni jirtay in eedda guuldarooyinka kooxaha iyo xulkuba u bataan daafaca iyo khadka dhexe, xataa xaafadaha marka lagu cayaarayo waxaad maqlaysaa dhexdaa nalaka haystaa oo meel kale lama eegayo.

Dad badan oo ka mid ah bahda sport ga kuwooda aanan nasiibka u yeelan daawashada xulkii qaranka  waxay is waydiiyaan heerka xirfadeed ee cayaartoydii xulka, maadaama aad muddo labaatan sano ka badan ku noolayd Yurub oo aan wada ognahay heerkooda kubadda cagta sidee ku qiimayn lahayn cayaartoydii soomaaliyeed ee xiligaasi xag farasamo ahaan marka aad barbardhigtid cayaartoyda kale ee dunida?

SC: Waa su’aal aad muhiim u ah dad badan oo aan qurbaha ku arkayna I waydiiyaan ayaguna iswaydiiyaan gaar ahaan dhalinyarada laakiin anigu markaan qiimeeyo kubadda cagta ee adduunka inta badan waxaa loo cayaaraa si isku mid ah, waxa la isdheeryahayna waa sida loo maamulo kooxaha iyo cayaartoyda iyo sida dhaqaalo loo geliyo.

Dhinaca xirfadda anaga Soomaali ahaan waxaan aad isugu dhawnahay dalalka koonfurta maraykanka sida Brazil iyo Argentina oo kale oo ma jeclin kubad awood iyo xoog badan la isticmaalayo taasoo inta badan shacabka kale ee Afrika u badan yihiin waxaanan hubaa in marka aan barbardhigo cayaartoydii Soomaaliyeed iyo kuwa hadda aan ka daawano shaashadaha dunida in uusan u dhaxayn wax farqi ah ayna la qaybsan kareen wax walba haddii loo heli lahaa dhaqaalaha ay dawladahani geliyaan isla markaana loo maamuli lahaa sida kuwan oo kale.

Dalkeena waxaa soo maray cayaartoy aad iyo aad u farsamo wanaagsanaa haddii ay fursado ka heli lahaayeen dalalkana aan hubo in ay wax badan ka qaban lahaayeen waxaanan kuwaasi ka xusi karaa cayaartoydii ay ka midka ahaayeen Cusmaan Xaaji Maye “Scot”, Ibraahim A Cali “Shaash”, Jimcaale M Xaayow, Shiikhaalow, Nuur Gaab, Maxamed Ismaaciil, Cafiif, Bashiir Jeenyo, Maxamuud Killer iyo rag kale oo fara badan.

Daafaca Horseed waxaa soo maray cayaartoy si aad ah looga yaqaan dalka waxaase dad badani aad ugu murmaan daafacii ugu wanaagsanaa ee soo mara kooxdaasi gaar ahaan labadii kabtan ee aad adigu la cayaartay ama ku gaartay kooxda ee Scot iyo Shaash, marka adiga Saciid ahaan keebaa wanaagsanaa labadan cayaartoy adigoo ka eegaya dhinacyo badan?

SC: Walaahi waa su’aal aad u dhib badan waxaanse isku dayayaa in aan sida ugu haboon uga jawaabo, labadan cayaaryahan runtii waxay ahaayeen daafac caan ka noqday dalka iyo dibeddaba mid waliba waxa uu lahaa shaqsiyad iyo farsamo u gooni ah oo uu kaga duwanaa kan kale tusaale ahaan kabtan Cusmaan Xaaji Maye oo ku magac dheer Scot waxa uu ahaa daafac aad u degan kuna xeel dheer akhrinta weerarka kooxda ka soo horjeeda gaar ahaan inta aysan kubaddu soo gaarin, sidoo kale waxa uu ahaa hogaamiyaha daafaca kooxda iyo maskaxda guud, dhinaca kalsoonida aad ayuu ugu wanaagsanaa sidoo kale madaxa ayuu ku xeel dheera waxaanan kabtan Scot ku tilmaami karaa macalinkii daafaca kooxda Horseed mudadii uu ka midka ahaa.

Kabtan Ibraahim Axmed Cali “Shaash” waxa uu asagu aad ugu wanaagsanaa sida loo dagaalgeliyo daafaca kooxda gaar ahaan dhinaca xamaasadda (Spirit), sidoo kale wuxuu weeraryahanada ku muquunin jiray xoog marka uu kubadda ka qaatana u isticmaali jiray si degan oo farsamo badan, dhinaca kale wuxuu lahaa hanaan wanaagsan oo wuxuu aad ugu xaragoon jiray kubadda marka uu haysto asagoo sidoo kalena ku wnaagsanaa baasaska dhaadheer.

Marka aan muhiimadda su’aashaada u soo laabto waxaan oran karaa Cusmaan Xaaji Maye “Scot” ayaa ahaa aniga fikirkayga daafacii ugu wanaagsanaa ee soo mara kooxda Horseed anigoo ku qiimaynaya farsamada wanaagsan ee uu lahaa, hogaankiisii wanaagsanaa, ixtiraamkiisii dhalinyarada yaryar iyo cayaartoyda guud ahaanba iyo waliba guulihii uu la soo qaybsaday kooxdan.

Saaxiibkay Shaash ha iga raali noqdo haddii aan ka hormariyey kabtan Scot waxaan hubaa in uu asaguba iska hormarin lahaa waxaana leeyahay oona ku soo xirayaa su’aashan (Scot waxa uu ahaa macalinkii daafaca Horseed, Shaash na waxa uu ahaa macalinkii Saciid Cayrow).

Dhinaca qaranka ama dalka Soomaaliya intii aad ka xasuusatid yaad is leedahay waa lagu tilmaami karaa cayaaryahankii ugu wanaagsanaa ee soo mara dalkeena?

SC: Intii aan arkay aniga Saciid ahaan waxaan isleeyahay Saciid Ducaale ayuu ahaa cayaaryahankii ugu wanaagsanaa ee soo mara Soomaaliya, waxaana soo labeeyey alaha u naxariistee Ismaaciil Giriile. Ka dib waxaa yimid cayaartoy badan oo wanaagsan laba jiil oo kala duwana ka soo baxay kuwaasoo mid waliba uu lahaa awood iyo xirfad u gooni ah dadkuna fikir ahaan ku kala duwanaayeen cyaaryahanka wanaagsan.

Cayaartoy kasta oo kubad soo cayaaray waxaa jirta cayaar uu aad madaxiisa ugu hayo had iyo goor marka adiga koox ahaan cayaartee kuugu fiicnayd xusuustaada oo aad uga hortagteen kooxihii kale ee dalka, maxayna tahay sababta aad u xasuusato?

Maxamuudow su'aashan wax badan ayaan sugayey in aad i waydiiso waayo waxay ahayd cayaar aad iigu reebtay taariikh wanaagsan, waxaan uga hortagnay kooxda Mogadishu oo markaas aad u kacsanayd kana soo adkaatay kooxaha waawayn ee kale, ahaana dhalinyaro is cayaar taqaan macalinkii ajnabiga ahaana uu markaas wax badan ka badalay, cayaartan waxay noogala hormareen 2 gool markaas ayaa waxaa dadkii oo idil isyiraahdeen maanta Horseed 5 iyo ka badan ayaa laga dhalin doonaa laakiin waxaan gabagabadii uga adkaanay 3-2 oo aan anigu goolkii ugu dambeeyey ka dhaliyey waxayna noqotay cayaartii iigu xasuusta wanaagsanayd iiguna fiicnayd tartamadii dalka.  

Maxay ahayd dhacdadii kuugu yaabka badnayd mudadii aad ku dhexjirtay cayaaraha?

SC: Ooh waxaad isoo xasuusisay dhacdo aad u calool xumayd oo nagu dhacday koox ahaan, ka dib markii aan ku guulaysanay koobkii Jeneral Daa’uud ee sanadkii 1983 kii ka dib ayaan waxaan cayaarihii Afrika ku soo aadnay kooxda Al-Muqaawiluun Al-carab ee dalka Masar 1984, waxaanan cayaar u aadnay magaalada Qaahira ee dalkaasi, kooxdaan waxay ahayd koox aad u xoogan sanadkii 1983 kiina ku guulaysatay koobkii qaaradda Afrika waxaana nagu jirtay cabsi badan laakiin waxaa nagu dhacday intaan cayaartiiba la gaarin arin aad la socotid oo ahayd in cayaartoy ka mid ahaa kooxda lagu qabtay muqaadaraad ku jiray boorsadii uu ku safrayay taasina waxay keentay in Hotel kii aan deganayn nalakugu yimaado oo mid mid naloo baaro mar kale, ka dibna aan ka bixi waynay hotel kii cabsi darted, diyaargarowgeenii cayaartuna uu aad u xumaado.

Cayaartii ayaan cayaarnay anagoo aan hal maalin tababar samayn goor habeenimo ah waxaana nalakaga adkaaday 7-0 waxaana wargaysyada dalkaasi lagu soo daabacay hadalo aad noo dhibay wax badana u dhimay sport ga soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Al-Muqaawiluun 7-0 Al-Muqaadaraad.

Laakiin waxaa xaqiijisay in natiijada cayaartaas aysan ahayn mid aan ku mutaysanay cayaar xumo balse uu falkaas dhacay saamayn ku lahaa, cayaartii labaad oo ka dhacday magaalada Mogadishu taasoo aan shacabka Soomaaliyeed u soo bandhignay cayaar ka duwanayd tii hore isla markaana aan uga badinay kooxdii horyaalka Afrika ee Al-Muqaawiluun 2-0 goolashaas oo midna uu cayaaryahankii caanka ahaa ee Shaarkeey dhaliyey mid rigoore ahaana aan anigu u saxiixay kooxdayda, dhacdadaas ayaana ahayd mid aanan iloobi Karin.

Macalimiin badan ayaa soo martay kooxda Horseed, dad badanina waxay ku qiimeeyaan kooxaha hadba aqoonta macalinkoodu heerka ay gaarsiisan tahay marka guulihii aad gaarteen ma waxaa ugu wacnaa macalimiinta kooxda oo ka wanaagsanaa kuwa kale mise wax kale ayaa jiray?

SC:  Walaahi waxaan oran karaa macalimiinta wanaagsan qayb wayn ayey ku lahaayeen guulaha kooxda macalinku haddii uusan fiicnayna koox guul maba gaari karto, anaga waxaa nala joogay macalin Ibraahim Suudaani oo ahaa macalin aqoontiisu aad u sarayso shahaadooyin waxbarasho ku aadan sport gana ka soo qaatay dalal dibadda ah sida uu ula dhaqmi jiray cayaartotydana ay wanaagsanayd waxaanan dhihi karaa sabab wayn ayuu ka ahaa guulaha, dhinaca kale kooxda Horseed waxay had iyo goor ku jiri jireen xero taasoo u saamaxaysay macalinka in uu ka warqabo cayaartoyda tababarkooda, jiifkooda iyo cuntadoodaba waana waxyaabaha lagu amaano Horseed kooxaha kalena aysan qabin inta badan.

Waxaan la socdaa xili ay kooxdu ku xaraysnayd xeradii tababarka ee Xalane in idinkoo badan una badan cayaartoydii waawaynayd ka gadoodaan xerada idinkoo la dagaalsan macalinkii xiligaas macalin Garaare ilaahay ha u naxariistee, muxuu ku saabsanaa khilaafkaas adiguse maka mid ahayd kuwii xerada ka baxay? (Luqmaan oo London jooga ayaa soo waydiiyey su’aashan)

Ilaahay waxaan uga baryayaa in uu naxariistii janno siiyo marka ugu horeysa macalin Garaare hadda waa uu xijaabtay anaga ayaana ka dambayna, runtii khilaafkan waxa uu ku saabsanaa isbadal uu rabay macalinku in uu kooxda ku sameeyo waxa uuna kooxda ku soo biiriyey dhalinyaro badan asagoo rabay in dhalinyaradan fursad ay helaan cayaartoyda waawayna uu tartiib u bixiyo taasna waxaan u aragnay in uusan macalinku u marayn hab wanaagsan halkaas ayeyna ka timid isfaham la’aantu. Haa anigu waan ku jiray waxaana hal habeen xerada ka soo wada baxay aniga iyo Gureey oo hadda ku nool dalka Canada anagoo aad uga caraysnayn habka uu macalinku noola dhaqmay, ilaahay waxaan uga baryayaa in uu asagana u naxariisto runtii waxa uu ahaa sheikh diinta faafiya ka hor intii uusan xijaaban.

Horseed mudadii aad ka tirsanayd waxaad la kulantay cayaartoy aad u fara badan runtiina farsamadooda iyo awoodoodu kala gedisan yihiin ma jiraa cayaartoy aad jeclayd xirfadooda isla markaana ay had iyo jeer garoonka kugula jiraan?

Waa sax cayaartoydii aan kula kulmay kooxda aad ayey u badnaayeen waxaase aan jeclahay in aan waraysigan ku xuso cayaaryahan Axmed Cali Culusow oo khadka dhexe uga cayaari jiray kooxda Horseed aanan ku tilmaami karo cayaryahan aad u caqli badnaa, had iyo goorna isticmaali jiray caqli iyo farsamo maadaama uusan lahayn jir aad u wayn oo uu xoog ku isticmaalo, dhinaca kalena waxa uu ahaa cayaaryahan aad u akhlaaq iyo xushmo badan.

Waxaa Maxamuudow dhici jirtay in mar-marka qaar haddii uu Shaash maqan yahay ama dhaawacan yahay aan anigu lambarka 5 aad ka cayaari jiray asagana 4 la gayn jiray waxaanan aad ula yaabi jiray sida fudud ee uu u fahmi jiray hadba sida aan rabno in aan u difaac galno, marka aan ka baxayno offside ka iyo buuxinta booska aad ka baxdo intaba waxaanan run ahaantii aad u jeclaa in uu garoonka had iyo goor igula jiro tan iyo markii uu kooxda ku soo biiray 1983 kii. Waxaa ayaduna dhacday jacayl aan u qabnay cayaaryahankaas in aan wasaaradda sport ga ka codsanay aniga iyo kabtan Shaash in Axmed Cali Culusow lagu soo daro xulka qaranka inkastoo aanan ku guulaysan iskudaygaas.

Sidoo kale cayaaryahankii caanka ahaa ee Nuur Cabdi xaaji (Shaarkeey) ayaa ahaa cayaaryahan aan jeclaa in uu goor kasta igula jiro garoonka sababtoo ah waxa uu ahaa cayaaaryahanka kaliya ee khadka dhexe asaga oo ka cayaaraya hadana dhinaca goolasha kula tartami jiray gooldhaliyayaasha waana ku yaraayeen cayaartoy noocaas ah dalka, xataa qaranka waad ogtahay inta gool oo uu u dhaliyey asagoo khadka dhexe ka cayaaraya.

Waxaa kale oo aan jeclaa in ay garbahayga buuxiyaan isla markaana aan waqti fiican isla soo qaadanay cayaartoyda kala ah Xasan Xamaama, Jaahuur, Ibraahim Shaash, Aaways Fuundi, Xaseey, Cumar Gedo, Cabdiladhiif, Baasi, Gureey iyo rag kale oo aanan halkan ku dhamayn Karin.


Cayaartoydii hore ee dalka kaalintii laga filayey in ay ka qaataan horumarka sport ga dalka gaar ahaan kubadda cagta kama soo bixin, maxaad ku macnayn lahayd sababta keentay dib u dhacaas yaadse ku halaynaysaan in ay buuxiyaan kaalintaas?

SC:  Marka hore waxaan aaminsanahay in aad ku qaldan tahay in cayaartoydii hore gabeen kaalintoodii, waxaanan taas u leeyahay markaan soo qaato dalkan aan ku noolnahay waxaa jira cayaartoy hore oo ilaa iyo xiligii aan dalkan soo galnay tababarayey dhalinyaro soomaaliyeed si ay u soo saaraan cayaartoy kuwaasoo aan aniga laftigaygu ka mid ahaa sidoo kale Daahir Gacameey, Axmed Bile, Sakariya, Muriidi, shidane iyo C/Laahi Muxiyaddiin ay ayaguna macalimiin kooxo ahaayeen, sidoo kale waxaa jira kuwa kale oo talo iyo tusaalaynba la horsocda dadka sport ga ka shaqeeya, laakiin waxay arintu ka xumaatay dad ururo dhaqan iyo sport lagu sheego dalkan ku leh ulajeedadooduna tahay in ay lacag ku sameeyaan ama darajo ku helaan oo ayagu raba in ay afduub ku sameeyaan dadkaas waxqabadka dhabta ah wada waana kuwaas kuwa had iyo goor sheega in aan gabnay kaalinteenii taasina xaqiiq ma aha.

Maxamuudow taas ulama jeedo dadka ururada leh dhamaantood waa dad xun ama cayaartoydii hore oo idil waa wada tababare balse waxaan leeyahay dadka ku jira ama ka shaqeeya horumarinta sport gu ha isku qiimeeyaan waaya-aragnimo iyo aqoon sport waana midaas midda la rabo in la qariyo anaguna ma baran dhaqankaas.


Aniga waxaan la socdaa in cayaartoydii hore qaar badan oo ka mid ah loo soo bandhigay ka qaybqaadashada horumarka sport ga ee dalka gudihiisa ka socda balse ay ka dhaga adaygeen ayagoo danahooda gaarka ah wata ka dibna dad kale oo laga yaabo in aysan lahayn waayaragnimada ay kuwani leeyihiin ay qaataan fursadaha jira marka sow lama oran karo idinkaa gabay kaalintaas?

SC:  Qosol u muuqday in uusan ku qanacsanayn su’aasha ka dib, saaxiibow warkaas waa mid in loo laabto u baahan waa jirtaa in qaar ka mid ah lala xariiray qaarna ayba ka qaybgaleen tababaro iyo shirar laakiin xataa kuwii horey ula socday ama shirarka aaday ama xiriirada la shaqyn kara aaminsana maxaa looga waayey in ay hogaanka wax ka qabtaan meeshaan wax la iskuma ogola cayaartoy horena wax looma ogola gaar ahaan kuwa dalka jooga oo ay ku jiraan kuwa wax badan tari kara anaga haba nalaka tagee.

Sidaan la socdo waxaad aad ugu wanaagsanayd laadadka ganaaxa (Rigoore) adigoo had iyo goor u tuuri jiray kooxdii Horseed ka dibna xulka qaranka side ku bilaabatay arintaas?

Waa su’aal muhiim ah, run ahaantiina aanan wali arag qof i waydiiya, aniga aad ayaan u jeclaa laaditaanka rigoorada waxaanan ku samayn jiray garoonka tababarka waqti dheeri ah, waxaa jirtay ayaduna in lagu tartami jiray rigoorada marka tababarka la samaynayo inta badana aan anigu ku guulaysan jiray, waxaa dhacday in maalin ay kooxdu heshay rigoore uu kabtankii kooxda ee Shaash oo ahaa shaqsi aad u guubaabo badan uu igu riixay anigoo cabsi qaba ka dibna aan dhaliyey rigooradaas.

Intaasi ka dib waxaa loosheegay kooxda in haddii aan rigoore helno aan laado sidoo kale macalimiinta xulku waxa ay ka mid ahaayeen macalimiintii kooxaha wayna yaqaaneen cayaartoyda ku wanaagsan rigoorada anigana maadaama aan joogto ugu laadi jiray kooxdayda waxaa la ii gartay in aan xulkana u laado.

Ma xasuusan kartaa isku gayn inta gool oo aad dhalisay xiligii aad cayaaraha ku jirtay imisaase rigoore ahaa?

Run markaan kuu sheego ma xasuusan karo tiro sax ah laakiin qiyaas ahaan waxaan dhaliyey in ka badan labaatan gool, waxaanan xasuustaa sanadkii 1983 kii in aan kooxda aniga iyo gooldhaliyihii kooxda ee Cumar Gedo aan isku goolal noqonay oo aan dhalinay min 9 gool inkastoo aniga shan ka mid ah ay rigoorayaal ahaayeen, marka run ahaantii marka loo fiiriyo booska aan ka cayaarayey waxaan isleeyahay goolshaydu way badnaayeen.

Waxaan xasuustaa cayaaryahankii Muxiyaddiin Cambar Khamiis oo aan isku koox ahayn waxaa uu raaci jiray hadba kooxdii qaada horyaalka ama koobka J daa’uud si uu uga caawiyo daafaca adiga ma jiraan kooxo kale oo aad cayaaro caalami ah u raacday?

Haa waa jiraan waxaan raacay kooxda Badda oo ahayd horyaalka dalka sanadkii 1985 kii waxaanan cayaar u tagnay dalka Sudan anagoo la cayaarnay koox la oran jiray Al-Mariikh, cayaartaasoo ka mid ahayd tartanka horyaalada bariga iyo bartamaha Afrika, sidoo kale waxaan isla dhamaadkii sanadkaasi 1885 kii raacay kooxda Madbacadda oo markaasi matalaysay xulka qaranka soomaaliyeed anigoo run ahaantii labadan kooxoodba ka soo faaiidaystay waayaaragnimo dheeri ah iyo waliba isdhexgal iyo isbarasho cayaartoy kale oo aan garoomada kaliya isku arki jirnay.



Saciid afaraad ka bilow bidixda. (kooxda Madbacadda oo matalaysa Qaranka) 

Mudadii aad xulka qaranka kubadda cagta ka mid ahayd ma jiraan cayaaro xusuus kugu reebay maxayse ahayd sababtu?

SC: Walaahi waxaa xusuus aad ah igu reebay laba cayaar oo aan uga hortagnay xulka dalka Kenya oo ay labadaba rigoorayaal nooga reebeen tartamadii aan ku jirnay muddo 20 cisho gudahood ah, cayaartii hore waxaan ku cayaarnay magaalada Mogadishu waxaanan uga adkaanay 1-0 goolkana uu ka dhaliyey Eenow, cayaartii labaad ama lugtii labaad ayey ayaguna 1-0 nooga adkaadeen magaalada Nairobi ka dibna waxay nagu reebeen rigoorayaal anagoo gafnay 2 rigoore.

Laba usbuuc ka dib ayaan waxaan mar kale isku aragnay tartankii bariga iyo bartamaha Afrika oo ka dhacayey magaalada Kampala ee dalka Uganda halkaasoo aan isku group galnay ka dibna isugu nimid mid laba dhibcood oo kooxdii badisa u gudbayso semi-final ay la cayaari doonto xulka Zambia, cayaartan waxay ahayd cayaar aad u adkayd oon isku mari waynay gabagabadiina ay mar kale rigoorayaal nooga adkaadeen taasoo igu reebtay xusuus aanan waligay iloobin.

Maxamuudow xulkaas sanadkaas 1984 kii waxa uu ahaa xulkii ugu wanaagsanaa mudadii aan ku jiray xulka.

Waxaad tiri xulkii qaranka ee sanadkan 1984 kii waxa uu ahaa kii ugu wanaagsanaa mudadii 4-5 sano ahayd ee aad xulka ka midka ahayd maxaad ku tiri arintaas yaase ka mid ahaa xulkaas oo aad xusi kartaa?

Sidaan kuugu sheegayba xulkan waxa uu ahaa mid cayaartoydii ka midka ahayd aysan lahayn xirfad kaliya balse ay dabeecaddooda, isku kalsoonaantooda, istixgelintooda iyo istaageeridooduba ay aad u wanaagsanayd haddii la guulaysto waa la wada farxi jiray haddii nalaka badiyana waa la wada caroon jiray oo ma jirin sidii caadada ahayd in ay isximiyaan cayaartoyda ugu horeysa kooxdaa iyo kuwa kaydka fadhiya.

Markaan isku dayo in aan soo xasuusto cayaartoydii xulkaasi ka midka ahayd waxaa bilaabi jiray Goolhaye Xasan Joerge, daafac 2-Xasan Neero, 3-Aniga oo Saciid ah, 4-Cambar, 5-Shaash, 6-Cali muuse, 7-Nuur Amiin, 8-Nuur Shaarkeey, 9-Shiine Badareey, 10-Dr yuusuf Shaqaaq, iyo 11-Mukhtaar Cuti.  

Waxaa kale oo mudan in aan xusorun ahaantii waa cayaartoydii ay ka midka ahaayeem Dr Shaqaaq, Cambar iyo Shiine Cabdi aya ahaayeen cayaartoy ayagu ka shaqeeya sidii ay xerada xulka u wanaagsanan lahayd dhinac kasta waxayna had iyo goor ka shaqatn jireen sidii ay isugu hayn lahaayeen xulka iskuna jeclaan lahaayeen taasoo wax badan ka tari jirtay natiijada cayaaraha.

Waxaa ayaguna bedelka u fadhiyay xulka cayaartoy aan ka yaraysan kuwaan oo ay ka mid ahaayeen Xasan Xamaama, Boorka, C/qaadir Isnaay, Khaliif Riiko, Muriidi, Xasan Yare iyo Eenow.
 

Sanadkii 1984 kii waxaa dhacday in xulkii aad ka midka ahayd ee ka soo cayaaray dalka Tanzaniya markuu dalka ku soo laabtay lagu amray in ay soo xeroodaan si aad cayaar ugu aadaan dalka Sacuudiga waxaase dhacday in cayaartoydii xulka qaarkood laga reebay xulka laguna daray cayaartoy dibadda ka timid oon tababar badan qabin sida Cabdalla Quuq, Maxamed Xaaji, Cali Muuse iyo Binshaakir maxaad ku sababayn kartaa dhacdadaas sideese idinka cayartoy ahaan idiin saamaysay?

Waa jirtaa arintaas runtiina anaga ahaan waxaan islahayn cayaartoydan gadaal looga soo daray xulka waxaa loo doorbiday waayaragnimo inkastoo markaasi laga tagay cayaartoy muddo tababaranayey xaqna runtii ma ahayn hadana markii ay cayaareen run ahaantii ayaga dhan way fiicnaayeen inkastoo Binshaakir uu dhawacmay laakiin Maxamed Xaaji iyo Cabdalla si fiican ayey u cayaareen, sidoo kale Cali Muuse oo asagu gool ka dhaliyey cayaartii aan barbardhaca 1-1 ka ah kula galnay xulka Suudaan.

Cayaartii aad markaas uga hortagteen xulka dalka Sucuudiga waxaa la sheegaa in la idinka eexday maxaa ka jira arinkaas qalad miyeyse ahayd rigoorada laga dhigay xulkeena?

Horta rigoorada dood badan ayaa ka taagnayd oo banaanka ayuu ka dhacay falka sidaan aaminsanayn, waxaase ka sii daran in Xamaama oo ahaa goolhayihii qaaranka ee cayaartaas uu badbaadiyey rigoorada markii hore balse lagu celiyey taasoo aan u aragnay in ay eexasho ahayd maadaama Sucuudiga dalkooda lagu cayaarayey ayna ceeb ku ahayd in Somalia barbardhac la gasho.

 

 

 

 

 

Dhinaca kale Siciidow isla cayaarahaas cayaartii aad uga hortagteen xulka Yemen waxaa gool ka dhaliyey cayaaryahan Nuur Shaarkeey goolkaas oo aad adigu ugu baastay si wanaagsan ka dib markii aad laba cayaartoy uga dhex bixisay maxaa ku jiray madaxaaga ka dib markii ay kubaddu lugtaada ka baxday gooshaasuna aysan wali dhalan? (Halkan ka daawo goolkaas)

Walaahi ma aqaan markaan runta kuu sheego wixii madaxayga ku jiray laakiin waxaan ku fakarayey oo kaliya in uusan qaldin fursadaas maadaama ay asaga iyo goolhayaha kaliya ahayd inkastoo aan kalsooni aad u wayn ku qabay cayaaryahankaas Nuur Shaarkeey in uu dhalin doono goolka waxayna ahayd maalin aad aniga xagayga iigu farxad badnayd.

Yaa ka mid ahaa cayaartoydii aad had iyo jeer jeclayd in ay funaanadda buluuga ah kula wadaagaan cayaaraha xulka qaranka?

Maxamuudow waa su’aal wanaagsan aanan sugayey in aad i waydiin doonto, xaqiiq ahaantii cayaartoydii aan xulka kula jiray waxay ahaayeen kuwa dhamaantood u qalmay xulkaas waxaase aniga ahaan aan aad u jeclaa qaar ka mid ahaa kuwaasoo qaarkood isfahamkeenu wanaagsanaa qaarna dabeecaddooda iyo dad la dhaqankoodu aad u sareeyey waxaanan ka xusi karaa Xasan Neero (Ilaahay ha u naxariisto cayaaryahankii hore ee naadigii Wagad), Dr Yuusuf Shaqaaq, Xasan Yare, Shiine Cabdi (Badareey), Muxiyaddiin Cambar Khamiis, Mukhtaar Cuti, Khaliif Riiko iyo kuwa kale.

Dhinaca kale markii aan raacay kooxdii Madbacadda waxaa aad iisoo cajiib geliyey qaab cayaareedka cayaartoyda kala ah Muriidi Abanuur, Nuur M Amiin, Eenow iyo Majabe oo aan u arkay xiligaasi kuwa aad u wanaagsan run ahaantiina wax badan la qaybsan karay cayaartoydii Afrikaanka ahaa.


Ugu dambayntii Saciid adiga oo ka faaiidaysanaya fursaddan qaaliga ah yaad halkan ka salaamaysaa?

Marka ugu horeysa waxaan tacsi u dirayaa dhamaan qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen saaxiibadeenii kubadda cagta ee mudadii aan kala maqnayn ilaahay oofsaday, marka xiga waxaan ugu horeyn salaamayaa hooyadeey, xaaskayga iyo caruurtayda, dhamaan walaalahay iyo asxaabtaydii sport ga meel kasta oo ay joogaan anigoo aan magacooda halkan ku soo koobi Karin, dhinaca kale waxaan jeclahay in aan halkan uga mahadceliyo ilaah baa mahad lehe dadkii kaalinta wayn ka soo qaatay cayaarahaygii oo ay ugu horeeyaan macalin Ibraahim Maxamed Xirsi (Suudaani), Axmed Sheegow Bishaara, Cusmaan Xaaji Maye (Scot), Ibraahim Axmed Cali (Shaash), ilaahay ha u naxariistee Jimcaale Maxamed Xaayow, Cabdi Cali Kuus, macalimiintii xulka qaranka Soomaaliyeed oo aan ayagana uga mahadcelinayo kaalintoodii ay ka qaateen horumarkaygii gaar ahaan macalin Maxamed Cusmaan (Budiiste) iyo Axmed Neegaro (IHUN), maamulkii iyo madaxdii kala duwanayd ee naadigii horseed oo uu ugu horeeyo wasiirkii gaashaandhiga Maxamed Cali Samatar  iyo taageerayaashii kooxda Horseed iyo aniga sida goonida ah ii taageeri jiray.

 

NB: Waraysiga xiga ee One 2 One waxaan ku soo qaadan doonaa cayaaryahankii Sakariya Maxamed Baliile oo xulka qaranka soomaaliyeed ku jiray muddo ka badan 10 sanadood lana soo cayaaray jiilal kala gedisan. Waraysigani waxa uu taaban doonaa meelo badan oo aan hubo in aad xiisayn doontaan.

Fadlan haddii aad jeceshahay in aad su'aal waydiiso xiddigii hore ee naadigii Mogadishu iyo qaranka noogu soo hagaaji
cayaaraha@yahoo.co.uk   


Written By: Mohamud
Date Posted: 2/11/2012
Number of Views: 5683

Return

Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use