|    Register
 
Article Details
Cayaaraha v Muslimiini (One 2 One).

Mar aan booqasho gaar ah ku tagay magaalad Seattle ee USA ayaan waxaan daawaday arbaco 16kii november cayaartii Ethiopia v Somalia oo qof damiir soomalinimo ku jirto uusan jecleysan laheyn in uu fiirsado guuldaradii nagu dhacday, waxaanan ka dib go’aansaday si aan wax badan uga ogaado halka ay arintu ka liidato in sidii saaxibkayga Maxamuud uu bilaabayba in aan wax ka weydiiyo bahda sport ga ee dalka USA gaar ahaan kuwooda khibradda u leh kubadda cagta.

Waxaan nasiibwanaag la kulmay oday sport oo cayaaraha ku soo dhex jiray 10 jirkiisa ilaa iyo haddeer, kana soo mid noqday cayaartooydii serie A isla markaana u soo saftay mid ka mid ah naadiyada waddanka ka jiray kuwoodii ugu fiicnaa (Municipio) kaasoo lagu magacaabo Maxamed Xaaji Cali bahda sport guna u taqaan Muslimiini.

Muslimiini oo run ahaantii si aad ah ii soo dhaweeyay ayaan is wareysi iyo salaan ka dib waxaan ka wax weydiiyay waxa ka jira sportiga iyo dhibaatooyinkii soo wajahay waqtiyadan dawlad la'aanta wadanka ka jirta hase yeeshee inta aan taasi u guda gelin waxaan idiin soo koobayaa taariikh nololeedkii Maxamed Xaaji Cali (Muslimiin).

Maxamed Xaaji Cali (Muslimiin) wuxuu ku dhashay xaafadda Waaberi ee gobolka Banaadir 1962dii wuxuuna ku barbaaray tacliintiisii aasaasiga aheydna ku soo qaatay xaafadda Xamar Jadiid ee degmada Wardhiigleey (Dugsigii hoose dhexe Maxamuud Xarbi), dugsigiisa sarena wuxuu ku dhameystay dugsigii sare ee Gen Daauud.

Muslimiin waxa uu cayaaraha ka bilaabay cayaarihii dugsiyada sare ee gobolka isla sanadkaasina kooxdiisa ama dugsigii uu dhiaganayey waxa uu soo gaaray Semi Final, iyagoo markaasi la kulmay dugsigii sare ee 15-MAY oo aay u safanaayeen cayaartooydii caanka ka noqday dalka sida Khaliif Riiko, iyo Gololeey oo markaasiba cayaarahaasi loo dareemaayey kuwa heerkooda ka sareeyay marka loo fiiriyo akhyaartii cayaareysay oo uu MUSLIMIINI ka mid ahaa.

Muslimiini waxaa sannadkii xigayba loo qaatay xulkii matalaayay gobolka Banaadir 1980 kii isagoo ka mid ahaa junioriska kooxda Mnicipio, xulkaasi gobolka Banaadir waxay ku wada kulmeen cayaartooy aad iyo aad u tayo fiicnaa oo u soo kala saftay kooxihii Serie A, sida Siciid Cayroow, Guutaale, Bilkhayr, Cumar Aspro iyo kuwa kale.

Isla sannadkii xigay ayaa cayaaryahankan Maxamed Muslimiin waxaa loo qaatay xulkii heerka koowaad ee naadiga Mqdisho isagoo isla markiiba ka mid noqday cayaartooydii safka hore ee naadiigaasi(Titolare).

Mar aan wax ka weydiiyay cayaartii ugu horeeysay iyo sidii uu u qaabilay xamaasadiisuna aheyd? Ayuu waxa uu yiri; Waxaan mooday in adduunka oo dhan korkeyga la saaray aad iyo aad ayaan u baqay inkastoo aan maalintaasi sugaayay muddo 10 sano iyo ka badan haddana runtii waxaan ku dhawaaday in aan diido inaan garoonka galo waayo culeys badan ayaa i fuulay xitaa waan is kululeyn waayay waxaasi dhiiri gelina igu filnaa cayaartooydii garoonka ku jirtay oo si fiican gacan ii siiyay kuwaasoo ay ka midka ahaayeen, Macalin Geele, Gabileey, Saalimow, Binshaakir, Baasubaydi, Cabeey, Kuluu, Nuur Gaab, Shiiqaalow iyo kuwa kale oo fara badan.

Dhinaca kale waxaa taasi ii sii dheereyd anigoo kulankaasi la kulmay cayaartooyda dhinaca kale ka soo jeeday ee reer Madbacadda oo iyaguna qofna ka maqneyn waxana safnaa cayaartooydii ay ka midka ahaayeen Eenow, Dooli, Nuur Amiin iyo kuwa kale, waxaasi aniga iigu adkaa in aan ka hortagey cayaartoydii khadka dhexe ee naadigaasi sida Shiikha iyo saaxibadiisa waxayna ii noqotay maalin taariikhi ah sababtoo ah cayaarta aan ku bilaaway Serie A waxay aheyd mid aad iiga heer sareysay.



Saaxiibayaal waxaan kaloo Muslimiin weydiiyay su'aalo kale oo aad u badan wuxuuna wareysigii u dhacay sidan;

Cayaaraha: Muslimiini adiga ma ku daahin cayaaraha Serie A da maxaa u sabab ah? ma lagu hagraday? mise lugtaada ku reebtay ?

Muslimiini: Maya maya qofna ima hagran waadna ogtahay lugteydana ima reebin laakin mashaakil family ayaan cayaaraha ka sii dheeli waayay, xitaa waad xusuusataa in waqtigii macalinka Charles Kumi in macalin Geele ii yeeray ayuu Muslimiin yiri. Ka waran xilliyadii dagaalada ama la kala qaxay isboortigiina ma qaxay ? Maya anaga meesheena ma ka tegin waxaana isku deyney in aan wax uun badbaadino.

Cayaaraha:
maxaad ka faa'iday ka mid ahaanshaha Serie A da?
Muslimiini: waxaan ugu horeyn ka kororsaday edeb, ixtiraam iyo kalsooni aan weligeey xambaarsanaan doono.

Cayaaraha: Maamulka isboorti ee waagaasi jiray ka waran asaga sidee u aragtay?
Muslimiini: Maamulka aad iyo aad ayuu u fiicnaa waxaa jiray abaalmarino iyo gunooyin dheerad ah oo kooxda laheyd taas oon dhihi karo xitaa maamulka siyaasadda ee gobolka badanaa raali kama aheyn waxaase mar kasta ku qasbi jiray Aun Iikar Amiin iikar iyo Axmed Dheere.

Cayaaraha: Ka waran guud ahaan maamulka isboortiga ee waddanka,dhaliilo badan ayaa jiray sida xulitaanka xulka qaranka kooxaha qaarkood looma ogoleyn in aay horyaalka ku guuleystaan sidee wax u jireen?
Muslimiini: Aniga wax badan kama ogi arrimahaasi laakin waxan amminsanaa in lagu deg degi jiray magacaabista tababaraha xulka qaranka iyadoo aqoonta xiriirka kubbada cagta aay aad u xadidneyd mana jirin aqoon dheeraad oo wasaaraddu xubnaha xiriirka siin jirtay guud ahaana xiriirku wuxuu ahaa mid ku kooban shaqsiyaad yar, marka aan u soo noqdo magacaabista cayaartooyda xulka qaranka wax cadaalad la yiraahdo ma jirin qaranka oo dhan waxaa joogto loo magacaabi jiray 8 - 10 cayaartooy waqtiyadii 1975-1984 mana jirin fursad badan oo cayaartooyda cusub la siin jiray ilaa iyo markii dambe la arkay xulka juniorska kaas oo xiligaa cayaartooy wejiyo cusub leh lagu arkay xulkaasi.

Cayaaraha: Intii cayaartooydii hore aan la sheekeystay waxay badankooda la calaacalaan xulka cadaalad looma xuli jirin iyo dad gaar ah ayuu joogto u ahaa, laakin aniga waxaan dhihi karaa kuwaaasi waxay ahaayeen 8- 10kii cayaartooy waagaasi ugu rooroonaa mise ma kuula aheyn? ma xulka qof kasta in lagu daraa?
Muslimiini: Maya ma ilaa aheyn waayo xagge ku qoran tahay xulka halaga soo xulo kooxaha Horseed, Jeenyo, Municipio, maxaa loo sameyn waayay xulka juniorska maxaa diiday waqtiyadan dambe in gobolada laga soo qaato cayaartooy matala xulkaasi waad xusuusasataa Warsamow in 1970-meeyadii cayaartooydii Aun Cabdullaahi Cabdi uu sidii looga soo qaatay garoonka Waamo ee dagmada Boondheere uu galay xulka qaranka, sidoo kale Abraar oo toos u galay qaranka cayaarihii gobolada ka dib sanadkii 1971dii sidaasoo kale Cafiifi, shaash, binshaakir iyo Shiiqaalowba isla markii ay cayaaraha gobolada ka soo baxeen waxaa loo magacaabay xulka qaranka. Marka taasi waxay kuu caddeyneysaa in maamulka uu waqtiyadii dambe uu yiri maxaa iiga galay qaran iwm fursadna ma siin jirin dhalinyaradii waqtiyadaasi soo baxeysay ilaa la gaaro in kooxaha kharash heysa aay cayaaraha qaranka matalaan guuldarrooyina soo hooyaan.


Cayaaraha: Kal hore iyo kal dambeba kooxaha iyo qarankaba wax guul ma soo keenin waxaan dhihi karaa tayoba ma laheyn cayaartooydii soomaliyeed mise wax kale ayaa jira?
Muslimiini: Maya tayo iyo ka badanba way lahaayeen cayaartooydeena laakin (1) tababare joogto xulka ma laheyn kaas oo awood buuxda u laheyn shaqadiisa (2) diyaargaroow aad u yar (3) kharash gaar ah ma jirin iwm, waad ogtahay in xitaa tartamada qaarkood looga baaqan jiray kharash la'aan, waxaase taasi dheereyd in cayaartooydeena qaarkood in laga soo dalban jiray dibedda si aay kooxahooda ugu cayaaraan sida Ghana, Nigeria, Masar, Marocco, Kenya, Tanzania iyo Uganda, laakin dowladdii jirtay marna fasax ma siin jirin amaba baasaboor ma ogoleyn marka sidee cayaartooydii khibrad ku heli karaan war wax kale iska daayee filimo isboorti oo aqoon kororsi lama tusi jirin haddey jireena waxay ahaayeen 5% , markaan kuu soo koobo guud ahaan wasaaradda isboortiga waxay aheyd wasaarad kacaaneed oo siyaasad salkeedu yahay welibana loo soo magacaabi jiray wasiir meel loo waayay ilaa iyo haddana waa sidaas wasaaradaasi ehelkeedu waa ka maqan yahay.

Cayaaraha: Burburkii Xamar ma joogtay maxaadse ka qabatey isboortigii gaar ahaana kubbada cagta waxaana ogahay in aad weligaaba aheyd qof koobabka iyo sharadyada abaabula ?
Muslimiini: Sidaan kor kuugu soo sheegay waxaan isku daynay in aan badbaadino wixii awoodeena ah inkastoo waqtiga adkaa haddana waqti badan ayaan geliyay, kooxo badana macalin ayaan u soo noqday waxaana ka xusi karaa in tartankii ugu horeeyay ee degmooyinka gobolka Banaadir la qabto 1992- 1994 ay kooxdeyda degmada Wardhiigleey koobkii ku guleysatay waxaan kaloo macalin u noqday kooxdii caanka ka aheyd magalada Muqdisho ee Midnimo oo 1995-1997 oo tartamadii jiray wacdaro ka soo dhigay.



Cayaaraha: (Sawirka sare bidix: JUbba, Muslimiin iyo Daahir Gacameey) Cayaartooydii hore yaa kaala qeybgalay tartamadaasi iyo abaabulkoodaba?
Muslimiini: Asxaab badan ayaa Xamar markaasi ila joogay oo aan weligeenba iskula hawljirnay sidaan isboortiga u badbaadin laheyn dhalinyarada inta ugu badan aan ka soo reebno colaadaha iyo qabiileysiga waxaana odayaashaasi ka mid ahaa; Aun Shiiqaalow, A.Hilowle, Geele, Adkaysi, Yaxye Aayow, Cabdi kuus, Mansuur,C/Casiis A Mahdi,Nuur Amiin, Aabuukar Islow, xuuti iyo kale, ragaasi oo dhan wallaahi mid qabiil marna ka sheekeesta naguma jirin.

Cayaaraha: War haddii intaasi odayaal isboorti aad isku si wax u abaabuleyseen maxaad maamulka xiriirka uga qaybqaadan waydeen?
Muslimiini: Waa run laakin qaar cayaartooydii hore ka mid ah ayaa waxay bililiqo la doonteen qaar ka mid ah xiriirka iyagoo la bah noqday ehel cusub dhinacoodana qaran dumis ka bilaabay dhinaca isboortiga si ay u fushadaan danahooda markii loola hadleyna xitaa hub u soo qaatay qaar ka mid ah cayaartooyda kor ku xusan.

Cayaaraha: marka horumarinta isboortiga yaa garab idiinku siinaayay? xiriirkuse muxuu idiin ogolaa?
Muslimiini: Waxaa jiray shaqsiyaad yar yar oo markaasi na garab taagnaa xiriirkuna wuxuu ahaa meel dad gaar ah u xiran isla markaana xayndaaban.

Cayaaraha: Had iyo jeer waxaad cambaareysaan maamulka markaasi jira idinka cayaartooy runta fool ka fool ma u abaarteen? kalsooni intee le'eg ayaa idin dhextaala ?
Muslimiini: Kalsooni way jirtaa inkastoo anaga xitaa ay nagu jiraan qaar markasta wax ka soo horjeesta waxaana aaminsanahay haddii qof kasta hawshiisa gacan lagu siiyo lana saxo qalad kasta guul la gaari karo lagana qaadi karo dadka aan isboortiga ehelka u aheyn oo mar kasta dadka kale horbooda.


Cayaaraha: Waxaad kuligiin cambaareysaan maamulka yaa yiri xaggeese ku qoran tahay in maamulka cayaaraha loo daayo cayaartooydii hore kaliya?
Muslimiini: Maya meel ay ku qoran tahay ma jirto laakin waxaan ka wadnaa in maamulka loo daayo dad maamulka waayo aragnimo u leh, dhinaca farsamadana ama tababarenimadana loo daayo qof heysta waayo aragnimo ama shahaado macalinimo kubbada cagta mana loo baahna in macalin ajnabi ah loo yeero adigoo og inta macalin iyo cayaartooy khabiiro ah oo London kula jooga iyo meelo kaleba, xitaa Warsamow waad ogtahay Xamar meeqa macalin ayaa joogta maxaa sababay macalin ajnabi.

Cayaaraha: Waxaan ogaa in aad tababar macalinimo aad ka qeyb gashay waqtigii fiicnaa ee kal hore ma sii kororsatay aqoontaada? goormaase aad wadanka ka soo baxday? mise cayaarihii waad iska dhaaaftay abaabulkooda iyo ciyaal iyo dhalinyaro isku keenistii sharadkii waa loo xiisay?
Muslimiini: Horta wadanka waxaan ka soo tegey 1999 daruufaha jiray dartood marka cayaaraha meeshoodii ayaan ka sii waday waxaana sameeyay aqoon kororsi badan waayo wax kale ma soo tabcin aan football aheyn anigoo cayaaraha aad u jeclaa in aan maalin kasta cayaaro ayaa haddana waxaan u wareegay dhinaca macalinimada markaan USA imidna waxaan raadiyay aqoon kororsi waxaana safaro u kala aaday waddamado ay ka mid yihiin UK iyo Brazil anigoo shahaadooyin ka soo qaatay kuwaasi oo kala ah, 2 shahaado oo FIFA iyo UEFA aqoonsanyihiin oo aan London ka soo qaatay kuwaas oo ah Football Admin iyo Football for Disabled Youth iyo waddanka Brazil oo magaalada San Paolo aan ka soo qaatay koorso tababarenimo oo heer caalami ah (Fully QualifiedCoach) lagana aqoonsanyahy guud ahaan waddankaasi iyo waddamada afka Portogues ku hadla oo dhan ee xiriirka isboorti la leh waddanka Brazil akadeemiyadaas oo uu agaasime guud ka yahay kabtankii xulka Brazil waa Bernand Oscar oo tababarkana kormeere guud noo ahaa tababar xagga (Pratica ) na siin jiray isla markaana shahaado aanu isaga goob joog aheyn laga qaadan jirin.

Cayaaraha: Waaw waad soo dadaashay hambalyo haddeer Seattle tababaro ma siisaa ciyaalka kooxose ma dhistay ? yaase ku tusay in aad macalin Football noqoto?
Muslimiini: haa waxaan sameeyay kooxaha kala ah Taquila FC, Seattle Stars, iyo Horn Afrik oo aan hadda gacanta ku haayo waxaa kaloo jiray in aan aniga xitaa bixiyo seminaaro waxaana abaal aan iloobi karin ugu hayaa laacibkii weynaa ee Cadi Cusmaan Nuur (Budiiste) oo i yiri ha fariisan macalin fiican ayaad noqon kartaa ee aqoon kororsi sameey.

Cayaaraha: Runtii Muslimiini oo kale waxaa looga baahnaa in ummadda SOMALIYEED aay kaa faaideysato diyaar ma u tahay in aad SOMALIA ku noqoto haddii lagaag baahdo ?
Muslimiini: Ah ah horta runtii salaad kasta waqtigeeda ayaa la tukadaa ee ILAAAH hana gaarsiiyo waayo aniga inta la isoo baahan waxaa iga horeeya dad kale, waxaanse rajeynayaa in xorriyo ninkii geeyaa guursado.

Cayaaraha: Ka warana ururada cayaareed ee London ka dhisan? ma maqashay ?
Muslimiini: Ururada London ka dhisan waa maqlay markaan runta ka hadlo anigoon qofna u gefin wax qabadkooda waxaa ka badan is casumaadooda iyo is qabqabsigooda waxaanse kula dardaarmayaa in aay badanaaba ka hadlaan wargeysna ka dhigtaan wax qabadka iyo wax soo saarka waxaana ugu duceynayaa in ilaah garabkooda galo

Cayaaraha: Yaad salaameysaa ugu dambeyntii?
Muslimiini: Waxaan salaamayaa 114ta Quraanka cadadiisa ku salaamayaa saaxibkeyga Maxamuud Ismaaciil iyo reerkiisa sidaasi si la mid ahna ugu hambalyeynayaa aasaaska websitkan iyo isku mashquulida horumarinta isboortiga iyo sida qiirada badan leh uu u xoojiyo ururka SSAUK kaas oo aan filayo in uu kaga jiro kaalin mug leh abaabulka isboortiga ee ciyaalka qurbaha runtii hambalyo sharadkeenii aniga inta ka sii wadaa adiga garabkaaga ayaan leeyahay.

Waxaan kaloo guud ahaan salaamayaa bahda isboortiga gaar ahaan reerkeyga waa reer kubbada cagta, Warsame haddii aad raali iga noqoto waxaan si gaar u salaamayaa saaxibkeyga weyn Maxamed Buuwe iyo reerkiisa oo dhan.

Cayaaraha: Muslimiin aad iyo aad ayaad u mahadsantahay.

Saaxiibayaal wareysigaasi intaasi ayaan ku soo koobayaa Maxamed Xaaji Cali (muslimiin) waxa uu ku nool yahay magaalada Seattle ee dalka Maraykan asaga iyo qoyskiisa qofkiii si gooni ah u doonaya in uu ula xariiro waxa aad kala xariiri kartaa emailkan: mohamedhagi67@hotmail.com  

Waxaa waraysigan qaaday soona diyaariyey:
Warsame Cumar Cabdulle
Cayaaraha-London.


Written By: Mohamud
Date Posted: 1/1/2012
Number of Views: 3896

Return

Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use