|    Register
 
Article Details
Somali week Copenhagen 2011 oo lasoo gabagabeeyey iyo FIUK Odense oo noqotey Champion.

Somali week Copenhagen oo si rasmi ah uga furmay magaalada Copenhagen ee wadanka Danmark maalinimadii Jimcaha 01.07.2011, ayaa la soo gabagabeey malintii axada oo aheed 03.07.2011. koobkaan oo socdey mudo 3 bari ayaa waxaa ka soo qeyb galey kooxo gaaraya ilaa iyo 6 koox oo kala ahaa Fiuk Odense, Olympic Amager KIF, Kolding, Rødovre SUN, Wadani BK Valby iyo Rosangård Malmå.

Somali week Copenhagen  waxaana suurta galiyey oo in uu qabsooma sahley xawaaladda Dahabshiil ee magalaada Copenhagen uuna manager u yahey Muse Farah, tartankan ciyaraha samarka ayaa hore loo oran jiray safari koob uuna gacan ka geysan jiray Maxamuud Osman (surka)  haddana qeyb ka ah shirkadda xawilaada dahabshiil.

Tartankaan kooxihii ka soo qeyb galey ayaa waxaa looqeybshey laba qeyb  oo kala ahaa

Group A

Group B

Olympic Amager KIF

Wadani BK Valby

Kolding

Fiuk Odense

Rødovre Somalisk Ungdoms netværk

Rosengård Malmå

Wareegii kowaad oo la wada cayaarey malinimadii jimcaha ayaa koox walbo waxey cayaartey laba laba caayar si ay ugu soo gudbaan semifinalka, waxaana semifinalkii usoo gudbey afar kooxood oo kala ahaa Olympic Amager, Wadani BK Valby, Fiuk Odense iyo Kolding.

 

Maalinimadii sabtiga ayaa la wada caayarey cayaarihii semifinalka oo ay wada cayaareen kooxhii usoo gudbey semifinalka oo u wada cayaarey sidaan,  Olympic Amager iyo Wadani BK Valby, cayaartaan oo eed iyo eed u adkeyd ayaa waxey noqotey in ay ku soo dhamaato oo ay guusha ay raacdo kooxdi ku cayaareysey magaca Olympic Amager KIF 2:0.

 

 

Cayaartii labaad oo la wada sugaayey oo dhaxmareysey labada kooxoood ee kala aha Fiuk Odense iyo Kolding ayaa waxaa baajiyey roob aan caadi aheen oo marna kala go laheen, ayaa la go,aansadey in dib loo dhigo oo lana cayaaro malinta axada oo la cayaarilahaa finalaka, in marka hore la cayaaro cayaarta hore kadibna la cayaaro finalka.

 Waxaa la soo gaarey maalintii sadaxaad oo aheed  axada 03.07.2011, oo ay wada cayaareen kooxaha Fiuk Odense  iyo Kolding, cayaartaas uu roob aan caadi aheen u da,aayey, hadana waa la caayarey oo cayaartii ku soo dhamaatey 2:1 oo ay guusha ku raacdey kooxdii Fiuk Odense.

 

Waxaana cayaartii finalka iskugu yimid kooxihii Fiuk Odense iyo Olympic oo hore usoo badisey, cayaartanm oo aheed mid adag, Fiuk Odense ayaa muujisey adkeysi badan aygoo saacad ka hore soo cayaarey hadana hore ka caayarey, sababtoo ah roobkii shaley  baajiyey cayaarta ayaa kalifey in ay ay cayaaran laba cayaar oo ad adag, tasi waxey ku tuseysa in ay yihiin cayaartooy meel walbo ka dhisan, inkastoo asyan ka liidan kooxdii kale Olympic Amager KIF, ayaa ayadoo u socoto cayaaraha xagaaga  Stockholm oo ay qabanqaabiyaan ururka SEUKI, oo ay igu jiraan isku diyaarin adag ayaa ayagana soo bandhigey cayaar her sare oo loo wada riyaaqey, cayaartan ayaa waxey ku soo dhamaatey 3: 1 oo ay ku guusha ay ku raacdo kooxdiii Fiuk Odense. Oo noqotey champion. Cayaarahaas ay ka soo qeyb galeen taageayaal fara badan, aygoo xataa ku fiirasanaayey roobabkii xooga badnaa, cayaarahaas guddigii soo qabanqaabiyey ayaa ahaa Macalimuu Nuur Suufi Mohammed (Nur gab), Ali Osman (Ali bucci), Mohamed Ali gaduudow, Abdikarim Muse, Mohamed Abdulkadir Gulled,  guddigi farsamada oo ahaa Abdiwali (Siyaasi), Abdiwahab Hassan Mohamud Rooble,Muqtaar, Abdifatah iyo Maxamed Jamac.  

 

 

Cayaarhii markis ay dhamaadeen aya waxaa lagu balamey in maalinta Isniinta in leyskugu imaanayo xafladii xirataanka tartanka oo halkaas lagu bixindoono koobabkii ido biladaha.

 


Xafladdii xiritaanka ee Somali week Copenhagen 2011

Maalinimadii isniinta 04-07-2011 magaalada Copenhagen ee xaafada Rodovre lagu sooqabtey xafladii xiritaanka ee Somali week Copenhagen, xafladaan oo eed iyo eed u qiima badneed ayaa u dhacdey si heer sare ah, waxaana soo qaban qaabiyey guddigii soo qabtey tartankii Somali week Copenhagen, waxaana loogu talageley sii loogu bixin lahaa koobakii iyo biladaha laguna sii sogootin laha kooxhii ka yimid gobalada wadanka Danmark.

 Ugu horeyntii waxaa halkaasi ka Hadley Gudoomiyaha tartanka mudane Abdikarim Muse iyo Abdiwahab hassan, Mohamed Abdulkadir, Mahad AhmedMohamed Ali ku waasoo uga mahadceliyay kooxihii iyo shaqsiyaadkii ka soo qayb galey tartankaan, islamarkaana waxayna ku soo dhaweeyeen Nuur suufi Maxamed (Nuur Gaab) asagoo eed ugu faraxsan xafladaan eedka u quruxda badan ayuu ugu mahadceliyey kooxihii ka soo qeyb galey tartankaanoo wanaag ku bilaawey, wanaagna ku dhameeyey, wuxuuna carabka uu ku dhuftey kooxha ka qeyb galeya tartamada ka dhacaayo Europe sida Sweden iyo Finland in ay nooga soo hoyan guula waa weyn ayna no soo qaadan koobabka, waana tihiin kuwa soo qaadaya maxaayeele sida aad u diyaarsantihiin aan arkaa qaabkii aad usoo bandhigteen cayaar wanaaga, tartamaadana ka soo muujiya cayaar wanaag.

 

Waxaa abaalmarino kale duwan la siiyay kooxihii ka soo qayb galey, sideey ay u kala heleen biladaha, waxaana loo siiyey sidaan, waxaa lagu bilaawey Nuur Abdulle Ditte yare oo u safta Olympic A KIF oo la siiiyey cayaaryahankii ugu shaqada badana tartanka oo, waxaana siiyeyabdiwali siyaasi, waxaana ku xigey cayaaryahankii igu talentisanaa tartannka , waxaana la siyey cayaaryaha Abdiasiis oo u safta Wadani BK Valby, kooxdii ugu fiicneed waxaa la siiyey Kolding oo gashey kaalinta 3aad. tartanka gool dhalinta waxaa ku guleystey cayaaryahan u dheela kooxda Fiuk Odense Khalid, gool hayihii ugu fiicna waxaa la siyey Abdulkadir oo asna ah Fiuk Odense,  cayaaryahankii ugu fiicnaa best player oo noqdey Mahak oo u saftaa Fiuk Odense, waxaana la soo gaarey bixintii koobabka, waxaana lagu bilaawey kooxdii gashey 3aad ee Kolding, waxaana u qaadey Maxamed Cali kaalinta labaad 2aad waxaa hgaley Olympic A KIF waxaana u qaadey Muse, iyo kaalintii 1aad oo ay gashey Fiuk Odense oo sidaas ku noqotey Somali week Copenhagen Champion 2011.

 

Barnaamijkiina wuxuu ku soo dhamaadey guul iyo farxad, waxaana lagu balamey in wax laga qabto sidii isboortiga Soomaaliyeed iyo dhalinyarada ku nool dalalkaan wax loogu qaban lahaa iyo mustaqbalkana la sii weyneyndoona haduu alle idmo. waxaana mahad qaas loo soo jeedinaaya dadkii ka soo shaqeey tartanaak iyo xawaalada Dahabshiil Copenhagen Danmark.

 

 

Diyaariye Abdikarim Muse

Diyaariye

Abdikarim Muse


Written By: Mohamud
Date Posted: 7/10/2011
Number of Views: 1440

Return

Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use