|    Register
 
Article Details
Hiil Ciyaartoy: Qoraal xiisa leh iyo Gabay daba socda.

Salaanta Islaamka iyo ku furashada magaca ALLAAH dabadeed, waxaan idin halabsiin GABEY halkudhigiisu yahay HIIL CIYAARTOY, kaasoo maskaxdiyo maanka aan ka maaley, kadib markii aan arkey ciyaartoydii magaca, maamuuska, milgaha iyo sharafka lahaa, muunadooduna meesha sarre gaartey in la biciidsadey, la ihaaneys-tay, lana ijaafeeyay, iyadoo meel ka dhaca intaa la’eg-na uu ciyaartoydii hore ka soo gaarey ruux sheeganaaya inuu yahay wariye sport, NIN ADDUUNYA JOOGOW, MAXAA ARAGTI KUU LAABAN.

Sida la og-yahay saxaafadda, fanka iyo ciyaaruhu waa isku olog, waana xirfado isku xiran, qofkii xusuusta wuxuu jeedaalin ku heli karaa sidii ay ciyaartoyda, fanaaniinta iyo warfaafintu isku ahaayeen, tanina waxay ka marag kaceysaa in Soomaalidu qaran ahaan keliya u bur-burin ee ay xitaa qowmiyad ahaan u bur-burtey, waxaana tusaalle kuu ah inaan maanta heyno wariye afkiisa la gaarey ciyaartoydii hore, haddana u hanqal taagaya in loo aqoonsado inuu yahay mid ka mid ah saxaafadda sportiga.

Intaanan gabeygaan curintiisa doonin, waxaan dib u qooraansadey intii aqoonteyda ku siman ragii la yaqaaney ee QALINKOODA ama CODKOODA nagu deeqsiin jirey ka hadlida ciyaaraha iyo ciyaartoyda, markaasaan jiriricoodey, oo aan si magoogasho leh u qirey in Soomaali la gaarey, oo ay sagxadda haabboneyso.

Xusuuso Muuse Xaaji Siciid, Najiib Ciise iyo kuwii kale ee qalinkooda ku xar-dhi jirey wanaaga ciyaartoydeena iyo kooxihii ay ka tirsanaayeen, sidoo kalena Amiin Caamir ayaa far-shaxankiisa ku muujin jirey qiimaha ciyaartoyda iyo tartamadii dalka, maantay ma la heli karaa qoraa curin kara maqaaladii murtida xambaarsanaa ee ay ragaasii muunadeyn jireen, KADIILE IYO KOOXDIISU KAFTAN MA GALAAN, KOBEY (AUN) IYO KOOXDIISA KULAMO ADAG AYAA KU SOO FOOL LEH, JEENYO HA LOO DUCEEYO, iyo in kaloo ka sii mudan, haddii aan heerkooda la gaari karin ma la garan waayey in laga gaabsado ciyaartoydii hore, oo aan xeyn-daabka ixtiraamka laga talaabsan.

Xagga Idaacada haddii aan si kooban u soo hadal qaadno wariyaashii sport ee figta ka gaarey xirfadaas aqoontooda darteed, waxaa ka mid ah Cagmo-dhige, Axmed C/nuur, Cowke, Yuusuf Cismaan, C/maan Dagaal, C/risaaq Sugule, iyo Cabdi Maxamed Cigaal, ha maleyn inaan hilmaamey wariyahaad tabeysaan, ha yeeshee DEG-DEG DOOR MA DHALO.

 

Xaadaa i istaagta markii aan soo xusuusto barnaamijyadii uu baahin jirey C/llaahi Nuur Maxamed Colombo, waxaana ka mid ah barnaamij uu ka diyaariyey ciyaar-yahanada Xabiibo Qaran, erayga aan ka xusuustona wuxuu ahaa IIGU DHIIBA QARAN, taasoo uu cod dananaya oo aan xabeeb laheyn, laguna darey jabaq noqod ( Echo ) ku sheegayay Colombo, sidoo kale ma hilmaami karo mid kale oo uu C/maan Dagaal cinwaan uga dhigey MAQALKII QAAHIRA IYO MUUQAALKII MUQDISHO kuna saabsanaa kulan Xamar ku dhex marey Horseed iyo Al muqaawiluun oo Masar aheyd.

Hadal tiradu nuxur la’aan ayay ku keentaa ujeedada hadalka, haddii aan soo koobo qoraalka, waxaan idiin dhaafayaa gabeygii HIIL CIYAARTOY, waxaan ku hal-qabsadey ciyaar-yahan Maxamuud Ismaaciil oo ka tirsanaa kooxdii inta badan xiran jirtey funaanadda cagaaran ee WAXOOL, isla markaas-na haatan waa tafaf-tiraha shabakadda ka hadasha sportiga ee CAYAARAHA.COM, fahamka erayada waxaad u kaashan kartaan jumlada uu eraygu ku jiro, taasoo aan hubo inaad si guud u fahmi doontaan.

Maxamuudow dheel-dheel laguma helo, hooyaale gabayeede.
Hibbo Eebbe weeyiyo, waxaan leys-ka haaban karine.
Hal-haleel looma yiraahdo, sidii hadalkoo kalee.
Hammiguu ka soo go’aa iyo, hanaqyada jirkaagee.
Ogoobey-na habeyn-ta maanso, waa lagu kala horeeyaaye.
Nin-ba heerkuu ka jooguu gurtaa, hoobaanta suugaantee.
Markey haboon tahaa la oogaa, murtida habeyn-teedee.
Anna howraarteyda caawa, haddaan H-da ku higaad-sho.
 
Howlaha adduun waa kala haab, oo midiba waa halkeede.
Heyjad cidlaa buu ku dhumaa, midkaan hadafkiisa aqoone.
Sida habaqluhuu ku ambadaa, meel laga hayaamee.
Hiigsigeyga gobeed haddaan, hakad la’aan sheego.
Himiladeydoo quman haddaan, idin haleel-siiyo.
Habeeno badan gama’ ma ladin, oo hiinraag bay dilaye.
Sidii Hooyo curadkeed la hayaan, hurdadiiba ka maagee.
Hiirtaanyada waxaa iigu wacanoon, raaxadii uga haayirey
.
Halyeeyadii ciyaarahee la ogaa, heybad iyo sharafkooda.
Habane calankeena kuwii, heehaabka u diidi jirey.
Inuusan hoos noqon kuwii,  garoomada uga halgamaayey.
Goobaha lagu herdamo kuwii, hawaawirka noo diidey.
Hanaan wanaag iyo farsamo kuwii, caalamku holin waayey.
Kooxday is hayaan kuwii, guusha ka hantinaayay.
Leys-ma heedadaabee kuwii, haakah loo oran jirey.

Abaalkood ma hambeyn kariyo waxay, hor ALLE mudan yihiine.
Hoori liitiyo doqon baa u gefay, horyaaladeeniiyee.
Cakuye hubaal la’aan buu inkirey, taariikh-dii horeysee.
Aashiis buu iska hadley hanfaduhu, oo wuu malo-habaabee.
Xasadnimuu hirqadey iyo wixii, laga haanyoon jiraye.
Horseed la’aan buu hayaamay, howtul-hamagnimadiisee.
Baaxad sooruu ku hanqaarmey iyo, hilin laga haajiree.

Garan waa inuu ka haro wiilashaan, heegada sarre gaaree.
Doqonimuu ku haweys-tay ragii, caalamkuba holin waayee.
Habar wacashuu intaas ku jiraa, iyo waa ley halgaadee.
Cidina ma hungeryey-nee, isagaa hootada is daraye.
Isaga uun-baa habaas isku rogoo, hoog-na is badaye.
Afartaas hiil ciyaartoy iyo, taageero hagar la’aaneed dheh.
Hambalyadii maamuuskoodiyo, gobanimo hagoogteed dheh.

Hebdanaha toosintiisiyo, hoga-tusaaleyn-tiis dheh.
Afar kalena gar aan la hureyn iyo, runta hinqinteedii dheh.
Warka lama hambeeyee, xaqa hoosaasin mow diidey.
Hagaag mow abbaarey dhabtoo, wanaag meydin halabsiiyey.
Habowsanaha mow sheegay inuu, haantaa baqleynaayo.
Harkiisa inuu ka didoo, hawaawirey-na mow raacsiiyey.
Hiilkii ciyaartoyda-na ma qirey iyo, heybad sharafkooda.

Bal aan haasaawaha murtida hoor-shoo, gabaygana heenseeyee.
Iska hadlow sidii roon-baan, talo kugu holan-siinee.
Heydaaraduna ma fiicnee, howraar-san dheh dabuubteyda.
Bixi xaal hagar la’aaneed iyo, hadiyad raali-gelineede.
Gacalnimona ugu hoyo geyfanayaashaad, hadaf la’ida maagtee.
Haddii kale halacso dhalanteedkiyo, hebeladii ku hodee.
Oo habkaa uun ku soco, wallaan adi laguu habsaameyne.

 

C/naasir Dalmar Maxamed. =SHAMSUDDIIN=
Shamsuddiin64@yahoo.co.uk

NB: Xuquuqda gabayga iyo fikirkiisaba waxay gooni u tahay qoraaga gabayga.


Written By: Mohamud
Date Posted: 3/15/2011
Number of Views: 4747

Return

Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use