Ilaahay ha u naxariistee Iikar Amiin Iikar oo caawa ku geeriyooday magaalada Orebro ee dalka Sweden.
Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi raajicuun:
Ilaahay naxariistii jano ha siiyee waxaa caawa magaalada Orebro ee dalka Sweden ku geeriyooday ku xigeenkii hore ee duqa magaalada Mogadisho ee dhinaca dhaqaalaha marxuum Iikar Amiin Iikar ka dib markii uu muddo yar ku xanuunsanaa magaaladaasi.
Ilaahay naxariistii ha siiyee marxuumka ayaa kaalin aad u wayn ka soo qaatay horumarkii iyo guulihii kooxihii kala gedisanaa ee naadigii Mogadishu mudadii uu hayey xilkaasi asagoo aad u jeclaa cayaaraha iyo cayaartoyda wax kastana ka hormarin jiray daryeelkooda sida uu ii sheegay xiddigii hore ee naadigii Mogadishu iyo xulkii qaranka Soomaliyeed Sakariya Maxamed Baliile oo aad uga naxay markii loo sheegay geeridiisa.
Marxuumka ayaa sidoo kale xubin aad u firfircoon ka ahaa jaaliyadda soomaaliyeed ee magaalada Orebro halkaasoo uu ku noolaa tan iyo markii uu dagaalka sokeeyey ka bilowday dalkeena wuxuuna ifka kaga tagay xaas iyo todoba caruur ah (Saddex wiil iyo afar gabdhood).
Sakariya Maxamed Baliile asagoo ku hadlaaya magaca dhamaan cayaartoydii, macalimiintii iyo maamulkii kooxdii Mogadishu waxa uu tacsi tiraanyo leh u dirayaa caruurtii iyo eheladii uu ka geeriyooday marxuum Iikar Amiin Iikar wuxuuna ilaahay uga baryayaa in uu asagana janadii fardawsa ahayd ka waraabiyo ayagana samir iyo iimaan ka siiyo.
Dhinaca kale madaxda iyo xubnaha ururwaynaha SSAUK ee ay ku bahoobeen cayaartoydii hore ee dalka qaarkood ayagoo sidoo kale ka tiiraanyeysan geeridan waxa ay tacsi taasi la mid ah u dirayaan dhamaan qoyskii iyo eheladii uu ka tagay marxuum iikar waxayna sidoo kale ilaahay uga baryayaan in uu janatul fardawsa ka waraabiyo.
Marxuumka ayaa geeridiisa la ogaysiinayaa dhamaan qaraabada iyo asxaabtii reer Iikar oo kala jooga gudaha dalka Soomaaliya iyo dibadiisaba.
Tacsida ayaa waxaa diraya:
Maxamed Shidane Buraale
Maxamed Ismaaciil Cali
Siciid Xuseen Cayrow
Xasan Xuseen
Axmed Sheegow Bishaara
Xuseen Xuska
C/Qaadir Caddaay
Axmed Maxamuud Baliile “Abaliisha”
Muriidi Abanuur Abati
Baaba Jeylaani
C/Xakiin Maxamuud “C/Xakiin Dheere”
Maxamed Axmed Daysane
Sakariya Maxamed Baliile
Cumar Muuse Ismaaciil
Saciid Galgaduud
Bile Cali
Xuseen Abanuur abati
Jamaal Wayne
Maxamuud Ismaaciil Xasan
Axmed Cabdulle Xirsi “Axmed Bile”
Maxamed faaqid
C/Laahi Cilmi Ereg
C/Laahi Muxiyaddiin
Siciid Geeseey
Cabdinuur Cali Rooble
Siciid Axmed Kaytoon
Maxamed Cali Weerow
Maxamed Cumar Calasow “Muftin”
C/Raxiin Cali Diiriye
Maxamed-Nur Xasan “Caddowle”
C/qaadir Salaad Xasan (Beenahawaas)
Maxamed Salaad
Warsame Cumar Cabdulle
Ismaaciil Maxamuud Makaraan “Ciilow”
Cabdiwali Maxamuud Afrax
Cabdifataax Qardoole
Tacsidaada ku soo hagaaji: cayaaraha@yahoo.co.uk
------------------------------------------------------------------------------------------------
WAXAA TACSIYO DIRAYAAN DHAMMAAN CAYAARTOOYDAA NAADIGA MUQDISHO, KUBADDA CAGTA,WIILASHA KUBADDA KOLEYGA, GABDHAHA K.KOLEYGA IYO BINGAHA
TAGEERAYAASHA N. MUQDISHO, GEERIDDII KU TIMID AABIHII NAADIGA, AHAANA
KU XIGEENKII DUQA MAGAALADDA MUQDISHO MARXUUM IIKAR AMIIN IIKAR OO
KU GEERIYOODAY MAGALADDA OREBRO, SWEDAN, DHAMMAAN EHELADDIISA SAMIR IYO IIMAAN KA SIIYO MARXUUMKANA JANNADUL FARDOWSA INUU ILLAHEY KA WARAABIYO AMIIN AMIIN
WAXAANA DIRAYAAN CAYAARTOOYDA KALA AH
ABUKAR AXMED MAXAMED (ABUKAR SHIINO )
CABDI CALI WARSAME
C/QAADIR KHALIF XIRSI BIIN
CALI BAASHI
Dr,CALI CUSMAANI
C/RISAAQ MAXAMED UGAAS
C/QAADIR JAMAC MUSSE DHAMME
XASAN ABANUR ABATI
YUSUF MACALIN CILMI
CABDICASIIS BIYOOLEY
YUSUF MUSSE XUSEN
CAYDARUS CABDULAAHI
CABDIJABAAR MAXAMED IMAAN
ISAAQ NUR JILEY
AXMED MAXAMED ABUKAR AXMEDEY B
CALI SHIIKH
C/LAAHI XAAJI
C/RISAAQ ABAJUU
MAHAD C/LAAHI QORANE
MURIIDI SHARIIF MAXAMED MURIIDI DHEERE
MUSTAF BUUXANE MUSTAF G
SUCAADO DIIRIYE
MAXAMED MUSLIMIIN
CALI ABANUR MAXAMED CALI TABEELO
SULEYMAAN C/QAADIR SALEY
XASAN AFGOOYE
AXMED CABAAS BUSURI
LOOLOW
JEEGA XIIR
C/CASIIS AXMED MAHDI
XANDULE
SACIID CEYDIID
MAXAMUD CULUSOW JAANI DHEERE
AXMED YUSUF YASHKA
FARTUUN CALI DHEERE
ABUKAR MAXAMED CASHIR ABUKAR BAJIYO
--------------------------------------------------------------------------------------------
Written By: Mohamud
Date Posted: 2/23/2011
Number of Views: 2378
Return