|    Register
 
Article Details
"Shaash iyo Muqtaar iyo Shidanihii Horseediyo Shaarkeey ma dheelaan? gabay xiisa leh.

Axmed Maxamuud Cabdalla (Tigana) waxa uu ka mid yahay xubnaha ugu firfircoon bahwaynta sport ga ee dalkan UK gaar ahaan magaaladan London isla markaana waxa uu ku caan baxay ama ay bahdani aad ugu yaqaanaan gabayo iyo hadal murtiyeedyo aad u qiima badan oo uu dhawaanahan ka tiriyey goobo dhawr ah oo ay bahdani ku kulmeen kuwaasoo ka turjumaya xaqiiqda dhabta ah eek a dhex jirta bahdan.  

Hadaba waxaan dhawaan kula kulmay magaaladan London waxaanan wax ka waydiiyey gabay aniga si khaas ah ii soo jiitay kaasoo cabirayey farqiga u dhexeeya mudnaantii, sharaftii, ixtiraamkii iyo waliba qiimihii ay cayaartoydii hore ku dhex lahaayeen bulshada iyo heerka ay manta ka joogaan bulshada dhexdeeda meel kasta oo ay dunida ka jogaan anigoo ugu horeyntiiba waydiiyey Axmed Tigana bal sababatii ku dhalisay in uu tiriyo gabaygan waxa uuna yiri,

“Marka hore Maxamuud waxaan kaaga mahadcelinayaa sida aad u danaynasid gabaygan iyo waliba waraysigaba, marka xiga anigu waxaan aad u daawan jiray cayaarihii dalka gaar ahaan kubadda cagta oo runtii dalka ka ahayd cayaartii loogu jeclaa waxaanan aad u jeclaan jiray laacibiintii dalkeena oo marka aan mararka qaarkood ku arko jidadka magaalada ay ii ahaan jirtay maalin farxadeed waxaanse aad ula yaabay markii aan arkay sida loogu hor ordayo shaqsiyaadkaasi aan oran karo bulshada waxay u ahaayeen dad lagu faano”.

Gabaygan ayaa waxaa laga dareemi karaa in uu ka hadlayo inta badan farqiga u dhexeeya xirfadda cayaartoydii hore iyo bahwaynta kale ee ayaguna ka  cuslaaday  kubadda cagta, marka ulajeedadaadu ma taas baa dhinaca farsamada mise ixtiraamka iyo qiimayntuna waa ku dhexjiraa ayaan waydiiyey Tigana waxa uuna yiri,

“Waa run walaal waxaan ka hadlayaa waa farsamada inta badan laakiin waxaan ulajeedada gabayga oo idil ku soo koobay gabagabada gabayga ama gunaanadka taasoo isugu soo aruuraysa markii kubadda farsamadeeda iyo xirfadeeda lagu qabsan waayey ayey noqotay in dhinaca kale laga soo maro”.

Gabaygu waxa uu ku socdaa laba gabdhood oo saaxiibo ah isla markaana si wada jir ah u daawan jiray cayaarihii kubadda cagta, marka gabdhuhu ma kuwa jira oo aad adigu si dhab ah u taqaanid baa mise waad ku hadal qabsatay gabdhaha maadaama ay dad badani iswaydiin karaan ayaan ugu dambayntii waydiiyey Tigana waxa uuna asaga oo qoslaya yiri,

“Maxamuudow inkastoo aan aqaanay gabdho badan oo daawada kubadda cagta hadana labadan gabdhood waa halqabsi aan ugu tala galay in gabaygu ku socdo waana kuwa ayagu ka turjumaya dadkii faraha badnaa ee daawan jiray halyeeyadan hadana iswaydiinaya meesha ay ku dambeeyaan sababta aan gabdhaha u doortayna waa in ay ayagu ka calool jilicsan yihiin raga isla markaana mar walba soo xasuustaan dadkii ay jeclaayeen”.

Akhristayaal waxaan hadaba idiin soo gudbinayaa gabaygan qiimaha leh oo uu tiriyey Axmed Maxamuud Cabdall (Tigana) waxa uuna gabaygu ku bilaabanayaa laba gabdhood oo saaxiibo ah oo mid ka mid ahi ay waydiinayso saaxiibteed bal in ay war ka hayso meesha ay ku dambeeyaan xiddigihii berisamaadkii iyo in waliba loo qiimeeyo sidii hore halka midda kalena ay la socoto am aka warhayso wax aka dhacaya qurbaha iyo sida ay wax isku badaleen ayadoo ka heshay jawaab aad u yaab badan, waxa ayna labadii gabdhood iswaydaarsadeen sheekadan:



Shaash iyo Mukhtaar iyo
Shidanihii Horseed iyo
Shaarkey ma dheelaan?
 
Fowqihii sharixi jirey
shaxshax dii maleeyahay?
Balaagii shidnaan jirey
shabaqii maruxayaa?
 
Yuusuf ina Shaqaaq iyo 
Shoonbihii Horseediyo
Shiinihii Madbacadiyo
Shaacir Shiiqow geenii
shanta gees oo aduunyada
meel uun maygu sheegtaa?
 
Diini iyo shantiisii,
ina Shire madheelaan?
 
Siciidkii shubka ahaa
shaaftada ku waalaa
shanta Horseed ahaan jirey
Shamiseey majoogaa?
 
Muriidi shuudadkiisii
Shabeel weli maceliya?
 
waxan shaahid u ahaa
oon la iiga sheekayn
shaqabadane wiilkii
Cambarkeeni shaac baxay
sheekooyin kiisii dadku
maysu sheegaan?


 
Gabadhii jawaabta la waydiiyey ayaa ayadoo la yaaban saaxiibteed isla markaana u sharaxaysa raga bedelay ragaas waxay ugu jawaabtey sidatan:

Shukriyeey waxay tiri
sharka cawdu eebee
shib dhoo aamus gabadhyahay
 
shaati qiima badaniyo kaba
shaagaa la xidhanyahay
shaanbiyo saliid iyo
shukumaanadoodaa
shendadooda ugu jira
 
shanshada iyo lafaha iyo
shafkaa layska laadaa
hadii uu shilkugu dhoco
waa adiyo shuqulkaa
 
maalintay u shidantahay
Shubaayay shan geeyaan
Shooblaa sagaal u ah
Shilke iyo Shubaayaa
geesaha ka soo shida
khadka dhexe Shiddaa u ah
Shaati baa  sideed u ah
Shaahayste waa kow
Mashalaayena wow labo 

Shuuxshuxlaa u macalina
Shanlaa maamulkooda ah
Shidabadane odayaa isaguna
ku sheed jira
 
haduu shalayto soo galay
sharciyada banooniga
isaagaa ka sheekayn
nimankii geela shubi jirey
shamiseey walaaley
iyagay  u shidantahay
haduu waa shidnaan jirey

sharafbeel banoonigii 

Gabadhii baadigoobka ugu jirtay xiddigihii hore oo wali daba socota su’aasheedii hore ayaa mar kale waxa ay saaxiibteed waydiisay bal in ay kuwii kalena wax ka aragtay ama maqashay waxayna su’aashay:

Maxamedkii celcelinjirey
faraha caaradoodiyo
cidiyaha ku sarijirey
caku ina Ismaciil
cududihii maleeyahay?
 
Caliyaashi weged iyo
Cumar Calsow Raagiyo
cabaas ina Busuri iyo
Cumar”gedo” ma joogaan?

Cafiifkii Horseedoo  laga wada cabsoon jirey
cidhibta iyo madaxiyo laabtoo lagu ciyaaraa
xasankii ku caan baxay
carabaha majoogaa?

Ayadoo qoslaysa ayey gabadhii qurbajooga ahayd mudana ku dhex jirtay cayaaraha qurbaha waxa ay saaxiibteed ku tiri saaxiib waxba kama jiraan balse waxaa jira akhyaartan:
  
Caynkii aad ku ogayd gabadhyahay ciyaaraha
ciladaa kadaba yimid
Xidigihii cadaan jirey caanka wada ahaan jirey
lama ciseeyo waayadan

Cajiib ka iyo yaabkiyo ceebtoodu waxay tahay
marka ayciyaaraan caku wuxu ku leeyahay
cidhib haygu dhiibinoo haygu soo celcelinine
cirka ulaad banooniga
cagta kuma qurxoonee cidiyaha iyo faraha geli


 
Gabadhii aadka u xiisayn jirtay kubadda cagta oo wali baadigoob ugu jirta xiddigihii hore ayaa aad uga carootay saaxiibteed waxayna si carol eh mar kale weydiisey bal inay xasuusato ama meel ku sheegto ragii kale waxayna tiri:

Binishaakirkeenii sida boqor ahaan jirey
barashada banooniga wiilkii bes looyiri
baarigii qaboobaa  bilaneey manoolyahay?
 
Bile Cali walaaleey baalaha intuu dayo
baaskii qurxoona sidii maw basariyaa?
Biriqii batroolk iyo Beledweyn ahaan jirey
banooniga markuu helo sidii maw bidaayaa?
 
Baasi iyo Balooqow, Burci miyay ciyaaraan?

Gabadhii kalaa ayadoon saaxiibteed hadalkii dhamaysan ka boobtay oo tiri naa u kaadi gabadhyahay waxaas oo dhan waxaa isku liqay rag kale oo markay cayaarayaan ku sheekaysta sidan:
 
Bilaneey waxay tiri

dadka beretamaayaa
banooniga ciyaaraa
baaqoodu wuxuu yahay
baaska haygu soo celin
kuma aqaano bidixdee
midigta iigu soo beeg
hadii buuq yimaadana
bartamaha garoonkiyo
meel banaan isaga laad


 
Gabadhii ayaa ayadoo xusuusteeda wali sii baaraysa waxay waydiisay saaxiibteed:

AbayliyoIsaaq, Eenow iyo Abraariyo
Aamaankii batroolkiyo Uurey majoogaan?

Isloow iyo Iskood, Eder iyo Aweys iyo
Aaddaa majoogaan?, Ajeeloow ma aragtaa?
Ayuubkii wacanaayoo ay ahaaatay tiisii aasaas maloo dhigay? 
 
Gureygii Horseed iyo Ganjab kaan naqaaniyo
Geedi weli ma la hayaa? oo Geella weli ma joogaa?

Wiilkii goolka celin jirey
u ciyaaray gobolada
guulldarada necbaan jirey
Cabdigii gobta ahaa
garbihii maleeyahay?
 
Geesta bari aduunyada
Gariilihii ku gaardiyey
sida guluf calaadeed
wiilkii la gees maray
goysmadiyo orodkii
gantaalihii uu gami jirey 
ma la gaadhey heerkiis?
 
Wiilkii guduudnaa 
geesaha kasocon jirey
goysmadii maleeyahay?
 
goolhayayaashii qarankiyo
gobolada ku caanbaxay
wiilashaan gool ka dhalan jirin
marba gees u kici jirey
kubad kastoo la soo gano
gaadadiyo laabtiyo
gacmaha uun ku qaban jirey
Xamaama iyo Joorjiyo
Jaahuurigeeniyo Jeylaani weeyee
walaaleey ma joogaan?
 
Turunbo iyo Taagane weli taba barkoodii
sidii maw tartamayaan

Dheemankii madoobaa
dhulka aan ku dhicijirin
dhiibistiisu fiicnayd
dhalintana ku caan baxay
aduunyada ka dheelmaday
dhigiisii malahayaa?
 
Dhinacyadiyo geesaha
dhexda wiilkii ku fiicnaa
dheeshiyo ciyaaraha
wiilkaan ladhaafayn
dhame Nuur Amiinkii
dhulkan aan ku noolayn
kugu dhaarshey eebee
dhaqaaqii maleeyahay?
 
Deysane walaaleey dafdaftiisi hoosiyo
Darbadii maleeyahay?
 
Ducaalihii aan dedegi jirin
daymada badnaa jirey
difaacyada aduunyada wiilkii dulmarijirey
deganaan badnaanteed Siciidkaan degdegi jirin
deeqsigii ciyaaraha diiwaan malagu qoray?

Xarbigii Horseed iyo Xuseenoowgi Wegediyo
Xasanyare walaaleey xaragadii maleeyihiin?
 
Walaaleey Sakariyihii sahala adan ku dhaafayn
banooniguu salaxayana sahalka u ahaan jirey
suurihii maleeyahay?
 
Sinigaal sidiisii kubadihii siloonaa
sahal maw yihiin weli?
 
Siinaaygii Madbacadiyo
Sabriyihii batroolkiyo
Saalax maysla kulanteen?
 
Seygii difaacii kubadaha sareeyiyo
seexashada ku dheeraa
suuraddii maleeyahay?

Muxyadiin Jabaan iyo
Mulerkii Madbacadiyo
Maqmaq weli ma muuqdaan?
 
Gabadhii su’aalaha lagu harqiyey ayaa ayadoo madaxa lulaysa oo saxiibteed in uu wadna xanuun ku dhaco ka walwalsan waxa ay tiri saaxiibey nimankan aad sheegayso waa dad xaalkooda alla ogyahay waxayna tiri:  
 
Maamulkii ciyaaraha
nimanbaa maroorsaday
murangeliyey hawshii
wuxuu madal ka leeyahay 
macalin baan ku fiicnahay 
maamulkaan aqaanaa
 
Goolka mar kaan ku laadaba
guudka iyo dhinacyada iyo
geesahaan kamariyaa,
garan maayo waxa dhacay
guddiga maamulaayiyo
garsooraan ku fiicnahay
gebagebada sheekada 
garoomada ciyaaraha 
anigaa go'aanka leh
garna layma dhigan karo “hhhhhhhhh”
 
Gabadhii asxaabteedii iyo xiddigihii hore baadigoobaysay baa afkii kala tagay yaab dartiis waxayna maalintaasi ka dib halkudhig ka dhigatay

“Garoomada cayaaraha anigaa go’aanka leh garna layma dhigan karo”

waa yaab iyo amakaag.
 
NB: Xuquuqda gabaygan waxa ay u dhawran tahay gabyaaga, fadlan ciddii danaynaysa in ay daabacato hala xariirto gabyaaga.

Waxa uu sidoo kale ka cudurdaaranayaa xiddigaha kale ee uusan gabaygan ku carabaabin maadaama ay adag tahay in xiddigihii kubadda cagta dalka lagu soo kobo hal gabay balse uu rajaynayo in uu mustaqbalka gabayo kale ku xusi doono haddii all aka raali noqdo.

Ahmed Maxamuud Cabdalla (Tigaana)
ahmedtigaana@hotmail.co.uk  
 


Written By: Mohamud
Date Posted: 2/15/2011
Number of Views: 3369

Return

Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use