|    Register
 
Article Details
Cayaaraha v Cabdiyare (One2One)

Cabdi Maxamed Maxamuud ‘CABDI YARE’ wuxu ku dhashey xafadda Boondhere sanadkii 1958, wuxuuna waxbarashadiisa ilaa dugsiga sare ku soo dhamaystay magaalada Mogadishu ee caasimadda dalka. Cabdi Yare wuxu ka mid ahaa dhalinyaradii  ku soo barbaartay xaafadda MANAPOLIO oo ah xuduudka aay ku kulmaan degmooyinka boondheere iyo shibis ee gobolka banaadir, asagoo halkaasina ka bilaabay cayaarta kubadda cagta asagoo aad u da’yar, wuxuuna ku biiray oo uu muddo ka tirsanaa kooxdii kubadda cagta ee Wagad (FIAT) asagoo dhinaca kalena muddo gaaban la joogay kooxdii hawlaha guud ama Jeenyo.

Cabdiyare waxaan kula kulmay xaafadda Streatham oo uu ka degan yahay magaaladan London ee dalka UK halkaasoo aan kula yeeshay wada sheekaysi ku saabsan taariikhdiisii kubadda cagta, waxyaabihii yaabka lahaa ee uu la kulmay xiligii uu ku dhexjiray kubadda cagta iyo fikirkiisa ku aadan horumarinta ubadka yaryar ee soomaaliyeed waxaana uu waraysigeenii u dhacay sidan:

Cayaaraha: Cabdi Yare marka hore waan ku salaamayaa aniga iyo bahda shabakaddan cayaaraha.com meel kasta oo ay joogaan waxaana ku leeyahay ku soo dhawaw cayaaraha.com

Cabdiyare: adinkana sidaasi oo kale ayaan idiin salaamayaa waxaanan idinkaga mahadcelinayaa fursaddan qaaliga ah ee aad manta I siinaysaan taasoo aan hubo in ay muhiim u tahay taariikhdayda cayaartoy ahaaneed.

Cayaaraha: Cabdi Yare, hadaan ku bilaabo su’aasha ugu horeysa ee ay dad badani is waydiinayaan goorma ayaad cayaaraha ku soo biirtay, xageese ka bilowday cayaaraha?

Cabdiyare: Warsame waxaan cayaaraha ku soo biiray 1974 tii anigoo 16 jir ah waxaanan ka bilaabay cayaaraha xaafaddii aan ku soo barbaaray ee Boondheere.

Cayaaraha: Ka hor inta aadan kooxaha tagin ma ka qaybgashay tartamadii cayaaraha gobolada dalka?

Cabdiyare: Maya, markaasi ama xiligaasi ku aadanaa 1974 kii gobolka BANAADIR oo aan ku dhashay waxaa laga soo xuli jiray cayaartoyda uga qaybgalaysa tartankan cayaaraha degmooyinka gobolka Banaadir, anigana nasiibdarro tartamadii degmooyinka ma cayaarin.

waga.jpg

(Sawirka istaag bidix: Saciid Darman, Yaruus, A Xaaji, Cabdiyare, Nuuraani, Xasan Shiino, F Goobe iyo Macalin Gaabshe. Fadhiga B: Ayuub, Elvis, C Qoorjar, Shariif Karaama, Katimba iyo Xasan Xuseen).

Cayaaraha: Waa gartay, marka ma naadiga WAGAD ayaad toos u timid, mise waxaa jira kooxo kale oo aad soo martay?

Cabdiyare: Maya, runtii ma jirin kooxo kale oo aan tagay waxaan si toos ah u imid naadiga WAGAD.

Cayaaraha: Markaa xagee WAGAD kaa soo heleen kuuna arkeen in aad u qalanto ka mid noqoshada cayaartoyda kooxda maxaase ku dhiirigeliyey in aad naadiga u safato?

Cabdiyare: Run ahaantii markii hore waxaan u tagay in aan tababar (allenamento) la qaato kooxda anigoo aan cidina ii yeeran, maadaama aan aad u jeclaa kubadda cagta  markaan muddo 2 sano sidaas ku sii joogay isla markaana aan aad ula qabsaday ayay naadiga ii garteen in aan ka mid noqdo cayaartoyda rasmiga ee naadiga.

Cayaaraha: Macalinkii kolkaasi joogay ee kuu arkay in aad safka hore ee kooxda ka mid noqon karto kumuu ahaa?

Cabdiyare: Waxaa markii ugu horeysay aad ula dhacay qaab cayareedkayga macalin  GARAARE, ilaahay ha u naxariistee oo asagu markaasi cayaartoyda FIAT  ka mid ahaa asagaana runtii ka dambeeyey in aan kooxda ka mid noqdo.

Cayaaraha: Yaa  ka mid cayaartooydii xiligaasi kooxda Fiat ka tirsanaa, side kuu arkeen adiga cayaartoy ahaan, yaase tababare idiin ahaa kolkaasi?

Cabdiyare: Woow waa la buuxay Warsamow mana la soo tiring karo waxaanse ka xusi karaa Ayuub (AUN), Garaare (AUN), Shariif Karaama, Elvis (AUN), Yaruus, Katiimba, Ganjab, Nuuraani, Cusmaan (Qoorjar), Saciid Darmaan, Cantar, Faarax Goobe, Xasan Shiino, Axmed Kuunte, Shiiqeey, Xasan Xuseen, Jimcaale (AUN) iyo kuwa kale oo badan, waxaana markaasi kooxda macalin u ahaa macalin Giftin.

 

Cayaaraha: Run ahaantii dadka aad halkan ka xustay waxay ka mid ahaayeen dadkii ugu adkaa dhinaca daafaca iyo boosaska kaleba adiga marka sidee kooxda meel uga heshay maadaama aad ahayd laacib aad u da’ yar?

 

Cabdiyare: Ma sahlaneyn, waxaase mar walba lagu bilaabaa cayaaraha in aad marba heer soo marto marka aniga waxaan ka faaiidaystay cayaartooygii kooxda caanka ka ahaa ee YARUUS oo kooxda ka tagayey xiligaasi aniguna aan aad ugu dhawaa qaab ciyaareedkiisa.

 

 

Cayaaraha: Marka aan u soo gdubno dhinacii cayaarahaaga bal iiga waran cayaartii kuugu horeysey sidee ayaad u qaabishay?

 

Cabdiyare: Saaxiiboow cayaartaasi mid aan ilaabi karo  ma ahan, waayo waxaan la ciyaarnay kooxda MUNICIPIO (MUQDISHO), waxaana la i raaciyay cayaaryahankii aadka u orodka badnaa dalkana sida aadka ah looga yaqaanay ee KULUU oo aad iyo aad aan ugu jahwareeray raacistiisa, si fiicana jid la maro iiga dhigtay galabtaasi aadna ay iigu adkaatay in aan si sax ah u celiyo.

 

Cayaaraha: Yaa kale oo aad ka xasuusataa cayaartoydii kooxda Mogadisho oo aad galabtaasi aad ku cusbayd garoomada ka hortimid?

 

Cabdiyare: Oow, waxaa ka mid ahaa laacibiin lama iloobaan ah oo aan hadda si fiican uga xasuusto Nuur gab, Binshaakir, Shiiqaalow (AUN), Silsila, Kuluu, Xuseen Gabileey,Cabeey iyo kuwa kale.

 

Cayaaraha: kooxda WAGAD weligeed koob ma qaadin xiliyadiinii, maxaa dhacay, ma waxay ahayd kooxda 4 aad ama 5 aad kuwa lagu tiriyo?

 

Cabdiyare: Maya, anaga qof qof ahaan (individuals) cid aan 4aad ka ahayn ma jirin, laakin kooxaha JEENYO, HORSEED, MUQDISHO waxay nooga fiicnaayeen koox ahaan. wayna naga qaab kooxeed wanaagsanaayeen taasoo aan oran karo waxay jawaab u tahay su’aashaada.

 

Cayaaraha: Waxaan is leeyahay mudadii aad kooxda joogtay way dheerayd waxaana aad la kulantay macalimiin badan yaad is leedahay wuxuu ahaa macalinkii ugu fiicnaa ama labadii?

 

Cabdiyare: Waa runtaa oo waxaan la kulmay macalimiin badan waxaanse is leeyahay wallow ay kuligood macalimiin ahaayeen waxaa iigu fiicnaa macalin Prof Muuse Naasir iyo macalin Giftin oo aan oran karo wax badan kama dambayn, ayagoo labadaasi macalinba ay na siin jireen tababar qoraal, akhris iyo fal isku jira ( TEORIA + PRATICA )

 

Cayaaraha: Aniga maadaama aan cayaaraha kubadda cagta aad u daawan jiray inta aan xasuusto kooxda WAGAD aad ayay u cayaar fiicnayd laakin meel ayaa laga heystay, wax gaar ah maiyaa jiray maxayse kaga duwanayd Wagad kooxaha kale?

 

Cabdiyare: Haa ka dib markaan wax badan isku gee geeyey kana fikiray waxaan u maleynayaa in X.S.K.C iyo maamulka WAGAD aysan isku fiicnaan jirin taasoo keentay in cadaadis badan lagu hayey naadiga ayaguna ay go’aansadeen in aysan wax badan ka qaban kooxda. Kooxaha kale waxa aan kaga duwanayn anagoo ku cayaari jirnay funaanadda caanka ka ahayd dalka Talyaaniga ama kooxda Juventus oo kale.

abdi1.jpg

 

Cayaaraha: Intii aad cayaaraha ku dhexjirtay ama aad ciyaaraysay ciyaartee kuugu xumayd?

 

Cabdiyare: Oow, su’aashaan wadnaha ayay qac iga siisay maxaa dhacay sidii shalay ayaan u xusuusta waxayna aheyd cayaar aan uga hortagnay kooxdii Horseed (WAGAD VS HORSEED) cayaartaas ayaa anaga oo ku badinayna 1-0 daqiiqadii 86 aad oo dadka badankiis guryahooda aadeen una qaateen in aan HORSEED ka badinay, ayey laacibiintii  Maxamed Ismaaciil, Cafiifi iyo Cali Guray nagu faagteen 3 gool oo dhaqso badana naga dhaliyeen 4 daqiiqo gudahood cayartiina ku dhamaatay 1-3 aay dabeesha na raaciyeen taasoo xataa dhalisay in cayaartooydeena qaarkood aay ilmeeyeen.

 

Cayaaraha: Koox kasta oo adduunkan jirta ama dalkeeniiba waxay leedahay hogaamiye inta cayaarta lagu jiro idinka koox ahaan ma jiray cayaartooy idiin ahaa (leader) oo garoonka hadal laga maqlo?

 

Cabdiyare: Haa wuxuu ahaa Shariif Karaama oo aad uga deganaa cayaartooyda kale ee waa weyn sida Jimcaale Faarax Goobe, Ganjab iwm.

 

Cayaaraha: Maadaama aysan kooxdu ku guulaysan koobab xiligaagii dibadana cayar u tegin, kooxihii dibedda ka imaan jiray nasiib ma u heshay in aad la ciyaarto?

 

Cabdiyare: Haa waxaan la ciyaaray koox la dhihi jiray ABC NATAL oo wadanka BRAZIL ka timid oo naga badisay iyo koox wadanka GERMANY oo aan ka badinay 1-0 Xasan Shiino uu gool ka dhaliyay inkastoo goolkiisa la diiday.

wagad1.jpg

 

 

Cayaaraha: Wagad ahaan ama adiga cayaartoy ahaanba ma jirtaa cayaar aad aad uga shaleysay iniinan cayaarin ama aad rabteen in aad cayaartaan?

 

Cabdiyare: Haa run ahaantii waxaa jirtay cayaar aad loogu balansanaa ahaydna koobkii SHEIKH ZAID BIN SULDAAN oo lagu balansanaa in  aay cayaaraan WAGAD-MUNICIPO, waxaase cayaartaasi si lama filaan loogu wareejiyay kooxaha JEENYO-HORSEED taasina waxay aad wax ugu dhintay niyaddii cayaartoyda labada kooxood gaar ahaan anaga Wagad ahaan.

 

Cayaaraha: Cayaartee kuugu fiicneyd oo aad cayaartay mudadii aad cayaaraha ku jirtay?

 

Cabdiyare: Waxay ahayd cayaar dhexmartay kooxdeena Wagad iyo Waxool, cayaartaasoo uu noo yaalay koob loogu magic daray koobkii maalinta Dhirta waxaanan kooxda Waxool ku dirnay 3-0.

 

Cayaaraha: Intii aad joogtay Wagad waxaa sidoo kale kuugu yimid ama aad kula kulantay cayaartoy aad magic ugu yeeshay dalka yaad nooga xusi kartaa cayaartoydaasi?

 

Cabdiyare: Waxaa ka mid ahaa cayaartoydii magaca lahaa ee aan kula kulmay kooxda Wagad Cali Muuse, Cali Mire, Xasan Neero (AUN), Xasan Yare, Baajuuni, Baajaabir, Marshaale, Yaxye Islow iyo kuwa kale.

wagaadi.jpg

(Sawirka Bidix istaag: Axmed X, F Goobe, Xasan Xuseen, A Cusmaan, Cabdiyare, Shariif Karaama, Cali Layloon, Ayuub, Ganjab iyo M Gaabshe. Fadhiga bidix: Nuuraani, Qoorjar, Axmed Kuunto, Yaruus, Cali Saciid, Katimba, Elvis iyo Jimcaale.) 

 

Cayaaraha: Intii aad cayaaraha ku jirtey ma jiraan dhacdooyin aad la yaabtay ahaana kuwa ku xun sport ga isla markaana aadan jeclayn in aad mar dambe ku aragtid cayaaraha dalaka?

 

Cabdiyare: Waxaa jirtay cayaar 1978 dhamaadkeedii ku dhexmartay kooxaha Betroolka iyo horsed taas oo dagaal gacmaha la iskula tagay uu ku dhexmaray labada kooxood dhacdo aad u fool xuna ku noqotay kubadda cagta soomaaliyeed, waxaa waliba intaasi dheer in jaraaidyada carabta iyo afrika  aay muddo ka hadlayeen dhacdadaasi.

 

Cayaaraha: Cabdiyoow, aniga waxaan ogahay in dhinaca aad ka cayaarto aad aheyd cayaartooyda ugu fiicfiican oo SOOMAALIYA soo marta laakin xulka qaranka ma gelin waayo?

 

Cabdiyare: Aniga koleyba tayda ma ogi kamana hadli karo sababta la iigu dari waayey laakin waxaan dareemayaa in cadaalad darro darted looga tegi jiray laacibiin fara badan oo leh xirfard aan caadi aheyn fiiri sida : AYUB, AKOOKOOW, I.W.M

 

Cayaaraha: Cayaartoygee kuugu adkaa in aad raacdo maadaama aad bidix iyo midigba aad ka difaaci jirtay kooxdaada aheydna cayaartooy aad iyo aad u orod badan?

 

Cabdiyare: Haa waa runta laakin 4 caayartooy ayaa aad  ii soo dhibay jahwareerna igu ridi jiray, waxayna ahaayeen Shiikhaalow ilaahay ha u naxariistee iyo Maxamed Ismaaciil oo goysmo iyo xariiftan badnaa iyo Kuluu iyo Salaad shiino oo orod looga yaabi jiray.

abdi5.jpg

 

Cayaaraha: Intii aad cayaaraha ku jirtay ama ka hor oo aad daawan jirtay yaad is leedahay dalkeena cayaartoydaas oo kale ma soo marayaan?

 

Cabdiyare: Runtii waxaa jira cayaartoy badan oo aan si fudud lagu kala saari Karin waxaanse aniga ahaan isleeyahay dhinaca daafaca waxaa soo maray Saciid Ismaaciil, Coonka, Cumar Afwayne, Barafaange, aloocow iyo Abraar. Khadka dhexe waxaan ka xusi karaa Kiler, Cabdinaasir, Cabdishakuur Jeenyo, Binshaakir xaga weerarkana waxaan isleeyahay waxay ahaayeen kuwa aan na soo mari doonin cayartoyda Siciid Ducaale, Shiikhaalow iyo Maxamed Ismaaciil.

 

Cayaaraha: Adiga ma WAGAD ayaad cayaaraha ku dhameysatay?

 

Cabdiyare: maya, runtii aniga oo caga jiidaya ayaan JEENYO ku wareegay waxaana aad iigu dhiirigeliyey alaha u naxariistee cayaryahankii waynaa AYUUB, waayo FIAT ma ka tegi karin oo waan ku soo koray waxaana taas aad uga xumaaday alaha u naxariistee  guddomiye MAX’ED ALI XASAN oo ahaa guddoomiyihii taariikhiga ahaa ee WAGAD soo maray.

 

Cayaaraha: marka JEENYO ka waran side ula qabsatay?

 

Cabdiyare: waa la qabsan waayay inkastoo si fiican aay ii soo  dhaweeyeen maamulka naadiga Jeenyo oo uu ugu horeeyay ALLAH ha u naxariistee gudoomiye NUUR XUSEEN  waxaana aan la kulmay cayaartooy badan sida; SACAD, QALOOCOW, SH.XAMSA, SHAQAAQ, AKOOKOW, TAAGANE, UUREEY, CANTAR, iyo cayaartooy kale. Waxaana JEENYO la joogay hal koob oo GENERAL DAUD oo keliya.

 

Cayaaraha: JEENYO iyo WAGAD waxaa la dhihi jiray waa XASAN IYO XUSEEN (MATAANO)oo cayaaraha waa isu deen jireen maxaa ka jiray arrintaas.?

 

Cabdiyare: war waxaasi wax kama jiraan sidaan kuu sheegay dad ayaa buubuuniyey warxumo tashiilnimo darteed iyaga oo u adeegayay siyaasadda dawlada markaasi jirtay oo aheyd in naadiyo aan Jeenyo, Horseed iyo Mogadisho aheyn la dhiso isla markaana horyaalka la siiyo ,ayay ugu weyneyd in warkaasi la abuuro, iyo sidoo kale in macalin AXMED NEGRO oo kooxahaasi isku bedbedelay darteed loo maleeyay in ay ku dhacayso arintaasi laakin anaga WGAD ahaan in aan JEENYO ka badino waxay noo aheyd maalin ciid oo kale.

 

Cayaaraha:  Waran Cabdiyare haddii waqtiga gadaal loo celin lahaa ma jirtaa cayaar aad u jeclaan lahayd in aad ka mid noqoto cayaartoydii cayaaraysay ha ahaato kooxdaada ama koox kale?

 

Cabdiyare: Haa Warsame waa jirtaa cayaar aad u jeclaan lahaa dalkana aad looga xiisaynayey xiligaasi inkastoo aanan wali boos ka helin kooxdayda cayaartaas oo ahayd cayaar sanadkii 1975 kii ku dhexmartay magaalada Mogadisho kooxaha Horseed iyo Al Ahli oo ka timid dalka Masar.

 

Cayaaraha: sidoo kale markaad dib u milicsato waayahii hore iyo magaaladii Mogadisho maxaa wali aad is leedahay way ka go'i la'dahay xusuustaada dhinacii cayaaraha?

 

Cabdiyare: Waxaan la iloobi karin sidii guud ahaan aay aheyd xamaasada taagerayaasha soomaaliyeed oo aad iyo aad isu xifaaleyn jirey marka aay jirto cayaar kulul sida HORSEED-JEENYO oo magaalada muqdisho aad looga dareemi jiray weliba maalmo ka horna laga hadli jiray, iyadoo maalinta cayaarta jirto subaxdii hore la isugu imaan jiray baararka waaweyn ee xamar sida BAR CAFFE NAZIONALE iyo BAR FIAT oo anaga aad noogu dhawaa laakinse uu ahaa bartii kulanka ee cayaartoyda iyo taageerayaasha, waxaana aaminsanahay in waqtigaas oo kale aan la heli doonin. 

 

Cayaaraha: Ka waran ururada isboortiga ee LONDON ama UK ka furan, aniga iyo adiga waxaan is garaneynaa muddo ka badan 35 sano mana kuugu arag xafladaha isboorti oo aay ururadaan abaabulaan ma ku qanacsanid miyaa hawlahooda mise London ma aadan joogin.

 

Cabdiyare: Runtii aniga waxaan joogaa UK muddo 5 sano waxaana deganaa gobolada marka meelaha ururadaasi aay ka howlgalaan ma soo gaari karin sidaasi ayaana ugu maqanaa, ka dibna WARSAMOOW ururadaasi is qabqabsigooda iyo gadaal ka toogashooda ayaa batay marka ilaa iyo hadda banaanka ayaan ka jooga.

abdi3.jpg

 

Cayaaraha: marka maxaad u soo jeedin laheyd dadka ku howlan arrimaha isboortiga dalka iyo dibedda?

 

Cabdiyare: Ugu horeen kuwa dalka guddihiisa jooga ee maamulka kubbadda cagta  in aay cayaartooydii hore ee  waddanka guddihiisa jooga aay ka daayaan bahdilida aay ku hayaan kana qeybgeliyaan isla markaana aay safka hore ka geliyaan maamulka kubadda cagta waayo waxaa jooga cayaartooy rugcadaa ah sida, Jeylaani Kahliif, Coonka, senigaal, Cabdalla Quuq iyo kuwa kale. Nimanka ayagu horboodaya sportga oo aan weligood cayaar meel lagu qabto aan tegin ha joojiyaan xaqiraad boobka aay ku haayaan hantida ma guurtada ah ee isboortiga soomaliyeed leeyahay.

 

Kuwa UK joogana waa in aay iska dhaafaan is qabqabsiga iyo anigas ahaan jiray iyo darajo sheegashada beenta  ah aay u adeegaan ciyaalka baadida ah ee qurbaha aan ku dhalnay oo u baahan in la badbaadiyo isla markaan laga caawino sidii  loo soo saari cayaartoy cusub waxaana amminsanahay London inaay joogaan macalimiin waaweeyn odayaal sport oo waaweyn  marka saaxiibayaaloow is qabqabsiga dhaafa iyo anigaa ahaa cayaartooy qaran, garsoore qaran, anigaa ah guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen, taas oo aan waxna dhiseyn, anigoo qofna waxba u dhimin sharafta qof walibana dhowraya koleyba waa iga talo is qab qabsiga dhaafa, Gadaal iska toogashada idin dhextaala joojoya iyo is casuumaadka dhexdiina joojiya xil baa idin saaraan  saaxiibayaaloow guud ahaan waa in aan soo saarnaa cayaartooy waddaniyiin ah oo qaranka dhumay soo celisa.

 

Cayaaraha: YaaAdigoo ka faaiidaysanaya fursaddan qaaliga ah yaad jeceshahay in aad halkan ka salaanto?

 

Cabdiyare: waxaan salaamayaa bahwaynta sportiga oo dhan kuwa dibedda iyo kuwa gudaha gaar ahaan Maxamed Cumar Sheikh (Deg deg), Abraar, Suufi Guudle, Calas, Geelle, Dhiiga, Shiishow, Katinba, Shaash, Scott, Yaxye Islow, Ganjab, Cusmaan Qoorjar, Nuuraani, Axmed Kuunto, Shariif Karaama, Cali Muuse iyo Faarax Goobe.

 

Cayaaraha: CABDI YARE waa mahadsantahay.

 

Cabdiyare: WARSAME idinkaa mudan, waxaa salaan gaar ah u dirayaa tifaftiraha  cayaaraha.com Maxamuud oo suura geliyay website kan ina siiyay fursadan qaaliga ah oo aan  ku salaamayo axsaabteyda oo dhan iyo sida aad had iyo goor u soo xasuusataan cayaartoydii hore.

 

CABDI  MAX’ED MAX’UD (Cabdiyare) wuxuu hadda ku nool yahay isaga, xaaskiisa iyo caruurtiisa magaalada London dhinaceeda Koonfur-galbeed qofkii rabana waxa ay kala soo xariiri karaan emailkan hoose:

 

abdiyarre@hotmail.com

Tel: 00447960726362

 

Waxaa waraysigan taariikhiga ah qaaday:

 

Warsame Cumar Cabdulle

Khabiir Kubadda Cagta Soomaaliyeed 

London - UK.

 

 

 

 


Written By: Mohamud
Date Posted: 11/28/2010
Number of Views: 3946

Return

Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use