|    Register
 
Article Details
Cayaaraha v Bashiir Maxamed Yuusuf "Baabuuji" {One2One}

Ka hor dagaaladii sokeeyey ee ka dhacay dalkeena waxaa si aad u saraysa looga daawan jiray garoomada Banaadir, Mogadishu Stadium iyo waliba garoomada faraha badnaa ee xaafadaha dalka oo idil cayaarta kubadda cagta taasoo aan ku tilmaami karno cayaartii ugu qiimaha badnayd uguna daawadayaasha badnayd dalkeena.

Dhinaca cayaartoyda kubadda cagta ayaa ayaguna sidoo kale ahaa kuwa ugu caansan uguna taageerayaasha badnaa dalka waxaase ay dad badan oo ka soo hayaamay dalkeenii hooyo markii ay burburtay dawladdii dhexe ku fikiraan amaba aaminsanyihiin in cayaartii kubadda cagta iyo qiimihii cayaartoyduba la burbureen dawladdii fikirkaasoo runtii ah mid xaqiiqada u dhaw maadaama nabadiiba la waayey kubadda cagtuna u baahan tahay magaalooyin nabadi ka jirto oo lagu tartamo.

Hadaba inkastoo ay taasi jirto hadana waxaa dalka soomaaliyeed gaara ahaan magaalada Mogadishu si joogta ah uga socon jiray tartamo kubadda cagta ah inkastoo sanidihii ugu dambeeyey oo gaaraya ilaa afar sano ay hakadeen tartamadaasi, waxaana ka soo baxay tartamadaas cayaartoy magac ku yeeshay dalkaas dawlad iyo nabad la,aanta ah kuwaasoo qaarkoodna u gudbay in ay u saftaan xulka qaranka Soomaaliyeed oo ay goobo badan ku difaaceen.

Xubintayadan One2One ayaa waxaan hadaba waraysi kula yeelanay cayaaryahan ka mid ah cayaartoydii xulka qaranka kubadda cagta ee sanidihii 1994 -2000 oo lagu magacaabo Bashiir Yuusuf Maxamed oo bahda sport gu u yaqaanaan Baabuujii anigoo kula kulmay magaalada London oo uu booqasho ku yimid asagoo ka yimid dalka Holand oo uu xiligan degen yahay waxaana uu waraysigeenii oo ay ka mid yihiin su'aalo ay akhristayaasheenu soo waydiiyeen Bashiir u dhacay sidatan:

Cayaaraha: Degmadee ayaad ka bilowday cayaaraha kooxdee ayeyse ahayd kooxdaadii ugu horeysay ee aad ku biirto?

Baabuuji: Degmadii ugu horeysay ee aan u safto waxa ay ahayd degmada Kaaraan, ka dibna waxaan markii ugu horeysay u saftay kooxdii la oran joray Feynuus sanadkii 1993.

babujii.jpg

 

Cayaaraha: Kooxdaadii ugu horeysay markii aad ku biirtay da’daadu aad ayey u yarayd ayaan filayaa marka sidee looga dareemay garoomada maxaadse dareentay cayaartaadii kuugu horeysay?

Baabuuji: Waa runtaa anigoo aad u da’ yar ayaan ku biiray kooxda Feynuus, waxaana la ii dareemay nin yar oo kubadda mustaqbal ku leh si aad ahna waa la ii soo dhaweeyey runtiina cayaartii ugu horeysay waxaan dareemay cabsi badan iyo walwal.

 

Cayaaraha: Mudadii aad cayaaraha ku soo jirtay intiisa badan waxaa dalka ka socday dagaal dad badan ayaana iswaydiinayaa sidee la isugu wadi karaa cayaar iyo dagaal adigoo ka mid ahaa cayaartoydaasi maxaa idinku dhiirigelinayey geesinimadaasi?

Baabuuji: walaahi Maxamuud  Ismaaciilow hadii aan runta kuu sheego arinkaas waxaa nagu dhiirgaliyayey marxaladda wadanka ka jirtay  oo dhalinyarada ku qasbaysay arimo badan oo ay ka mid ahaayeen inaad dagaalka gasho iyo inaad jaadka cunto waxaanan aniga iyo asxaabtaydii kale ka dooranay in aan kubadda cayaarno.

 

Cayaaraha: Ka hor dagaaladii sokeeye ee dalka kooxihii dalka ka jiray ee kubadda cagta kooxdee ayaad taageeri jirtay ama aad uga heli jirtay cayaartooda yuuse ahaa cayaartoygii aad ku hamin jirtay in aad ku dayato ama gaarto heerkiisa?

Baabuuji: Run ahaantii waxaan aad u jeclaa ama u taageeri jiray naadigii Mogadishu oo u badnaa dhalinyaro qaab cayaareedkoodu aad u sareeyo inkastoo uu cayaaryahankii aan aad u jeclaan jiray ee Nuur Amiin uusan u safan kooxdaasi kaasoo aan had iyo goor ku hamin jiray in aan heerkiisa oo kale gaaro.

017.JPG

 

Cayaaraha: Magaaladan London ayaad booqasho ku joogtaa hadda waxaanan la socdaa in si wanaagsan ay asxaabtaadii iyo qaar ka mid ah taageerayaashaadiiba kugu soo dhaweeyeen adiga maxaa kula kulantay London gaar ahaan bahda sport ga?

Baabuuji: Walaahi Maxamuudow London si aanan filaynin ayaa la iigu soo dhaweeyey gaar ahaan bahda sport ga ee waqooyiga London oo aan marti u ahaa iyo asxaabtayda kale waana uga mahadcelinayaa dhamaantood, waxaan sidoo kale kula kulmay qaar ka mid ah cayaartoydii hore ee dalka oo aan anigoo yar xaafadaha iyo garoomada waawaynba ku daawan jiray taasoo aanan marnaba ilaawi karin markii aan la kulmay ragaas.

babuu.JPG

 

 

Cayaaraha: Guulihii aad soo hoysay mudadii aad cayaaraha ku jirtay maxaad ka xasuusataa?

Baabuuji: Mudadii aan u safanayey xulka qaranka ayaa waxaan aad u xasuustaa tartankii qaramada ee ka dhacay magaalada Mombasa ee dalka Kenya sanadkii 1995, kuwaasoo uu xulkeenu ku haray dhico tirsi wallow aan isku dhibco ahayn xulkii dalka Uganda oo aan min 4 dhibcood lahayn.

 

Cayaaraha: Maxaad isleedahay way ugu wacnaayeen guuldarooyinkii faraha badnaa ee kooxihii dalka dibadda u matali jiray xiligaagii iyo waliba xulkii qaranka?

Baabuuji: Waxaa filayaa in ay ugu wacnaayeen marxaladda aadka u xun ee uu dalku ku jiray oo ay ka mid ahaayeen dhaqaalo xumo, tababar la’aan iyo waliba niyadda cayaartoyda oo aad u liidata.

023.JPG

 

Cayaaraha: ka waran dhinaca aqoonta macalimiintii ma la oran karaa guuldarooyinka qayb ayey ku lahaayeen?

Baabuuji: Waa su’aal mudan runtii in halkan laga sheego taasina waxaan is leeyahay qayb wayn ayey ka ahayd waayo macalimiintu ma lahayn aqoon badan tababarna lama siin jirin si sare loogu qaado.

 

Cayaaraha: Ma axsuusan kartaa cayaartii kuugu farxadda badnayd intii aad ku jirtay cayaaraha iyo waliba tii kuugu xumaydba?

Baabuuji: Waxaa iigu farxad badnayd cayaar aan xulka dalka Uganda ka badinay anigoo ka mid ahaa xulka qaranka, waxaana iigu xumeyd intii aan cayaaraha ku jiray cayaar ay kooxdii Midnimo ay naga adkaadeen taasoo haddii aan ka badin lahayn ama barbardhac la geli lahayn aan anagu horyaalka ku bixi lahayn waxayna cayaartaasi igu reebtay xanuun.

babu.jpg

 

 

 

 

 

Cayaaraha: Cayaartoydii aad sida aadka jaanta iskula heli jirteen yaad nooga sheegi kartaa koox iyo qarankaba?

Baabuuji: Walaahi aniga waxaan soo maray naadiyo badan lakiinse hadii aan soo koobo waxaan ka sheegi karaa Xasan shuute, Cabdi Joon, Cismaciil Muqtar, Feysal Faagte, Jilb, Biyaano,Wakiil iyo C/wali Dhinacade. Dhinaca xulka qaranka sidoo kale waxaan aad u jeclaa in ay garbahayga buuxiyaan kabtankii xulka Gaduudow, Shariifow, Cumar Dhooqeye, Macalin Sakariye Baliile, Ciise Dheere, Saciid Raseey, C/rashiid Rashka, Yariisow, Cabdi Baskid iyo C/laahi Tafare.

 

Cayaaraha: Sida aan maqalnay waxaad ahayd cayaartoy daafaca aad ugu wanaagsan runtiina weeraryahanada kooxuhu si aad ah uga argagaxaan adigu Bashiir ahaan weeraryahankee ku cabsi galin jiray ama aad kuu Qatar gelin jiray?

Baabuuji: Waa badan yihiin ragii argagaxa na galin jiray waxaanan ka xusi karaa Cabdi Baskid, Yariisow, Max,ed Gabow, Xasan Shuute, Ciise Abshir, Shiiqunaa iyo Tafare.

 

babuji1.jpg

 

 

Cayaaraha: Dhinaca xulka qaranka sanadkee laguu magacaabay cayaartii kuugu horeysay ee dalka dibadiisana dalkee ayaad u tagtay?

Baabuuji: Xulka qaranka waxaa la ii magacaabay sanadku markii uu ahaa 1994, wadankii igu horeyey waxan u tagay cayaarna waxa uu ahaa dalka aan deriska nahay ee Kenya magaaladiisa Nairobi.

 

Maxamed Axmed (London): dad badan oo aan anigu ka mid ahay dalka oo nabad ah ayaan ka soo baxnay waxaanan la soconaa in muddo ay tartamo kubadda cagta ahi ka kala socdeen waqooyiga iyo koofurta magaalada Muqdishu side ayey idinka cayaartoy ahaan idiin saamaysay maxaase dhibaato ah oo aad kala kulmi jirteen?

Baabuuji: Sida dadka cayaaraha jeceli garan karaa cayaartoy wax sameyn ah kuma yeeshaan dagaalada oo shacabka dagaalamaya laftigoodu waxa ay u baahan yihiin xiliga uusan dagaal jirin madadaalo taasoo midda kaliya oo dalka ka jirtay ay ahayd kubadda, dhinaca kale xiligaasu waxa uu ahaa xiligii ay cayaartoydu ugu fiicnaayeen dhaqaalo ahaan oo kooxaha Elman iyo Daallo Sitt ayaa waxaa ka dhexjiray loolan cayaartoyduna dalabaad kala gedisan ayey helayeen, waxaase dhici jirtay in cayaartoyga loo diido in uu kooxda ka tago marmarka qaarna ay la kulmi jireen hanjabaado.

 

C/Fataax Qardoole (London): Cayaartoydii idinka horeeyey ee kubadda cagta marka ay maqlaan cayaartoydii qaranka ee xiliyadiinii “90- xiligan” waxaad moodaa in aysan ku qanacsanayn in qaran sax ah dalka ka jiro maxaad hadaba is leedahay way ku kala duwan yihiin qaramadii dagaalada ka horeeyey iyo kuwii ka dambeeyey yaase mudan in lagu magacaabo cayaartoy qaran?  

Baabuuji: Waa su’aal wanagsan runtii marka la fiiriyo waxa ay ku kala duwan yihiin  ciyartoydii hore ee xiligii dalka nabaddu ka jirtay waxaa laga soo xuli jiray gobalada dalka ka dibna kooxaha heerka koowaad ayey cayaari jireen oo ay waayoaragnimka kororsan jireen markaasay xulka qaranka geli jireen, wadanka waxuu ahaa mid wanagsan oo leh wax waliba oo fududeynayey waxii loo baahdo, anaga xiligeenii  ma o jirin fursadahaas oo dhan oo bacaadka ka dib horyaal ka dibna qaaran ayey ahayd, dhinaca mudnaanta aniga Bashiir ahaan waxaan qabaa cayaartoydii hore way naga mudan yihiin in loogu yeero cayaartoy xulka qaranka balse anaga laftigeenu waxaan la wadanaa magacaas inkastoo xaaladda jirtay iyo xiliga lagu jirayba ay noo saamaxday in aan helno fursad aan ku daafacno qarankeena sidii walaalihii naga horeeyey.

029.JPG

 

Cayaaraha: Xiriirka SKC waxaa had iyo goor lagu eedeeyaa maamul xumo iyo daryeel la’aan cayaartoyda waxaana taas aad ugu badan cayaartoydii idinka horeeyey adiga Bashiir ahaan waa maxay fikirkaaga ku aadan maamulka iyo daryeelka cayaartoyda ee xiriirka?

Baabuuji: Waa jirtaa maamul xumada lagu eedeeyo xiriirka waana mid aan la dabooli Karin sidoo kale daryeel la aanta ciyartooydii hore ama kuwii xiligeeniiba waa mid ayaduna aan meesha ka marnayn waxaanse anigu Bashiir ahaan kula talinayaa XSKC in ay isbadal ku smeeyaan qaabka ay wax u maamulaan maadaama ay wax badan iska badaleen dunida wax kasta oo ay qabtaan khalad iyo saxna lagala socdo goobaha warbaahinta cayaartoydii hore ee dalka ku dhibaataysana loo raadiyo fursado waxbarashoo oo macalinimo iyo maamulba leh.  

 

Cayaaraha: Hadda dalka Holland ayaad ku nooshahay, waxaad la socotaa ama daawataa horyaalada dalalka Yurub ee kubadda cagta marka aad qiimayso cayaartoydii dalkeena oo ayagu haysta tababarka iyo garoomada dalalkan heerkee ayaad ku qiimayn lahayd mise is leedahay waxaa suuragal ahaan lahayd in cayaartoy ka cayaara horyaaladan ka soo bixi lahaayeen?

Baabuuji: Waa xaqiiqo jirta hadii aan hali lahayn tababarka iyo garoomada ay haystaan dalalkaqn aan u soo qaxnay in ciyartooy badan oo Soomaali ah ka ciyaari lahaayeen qaaradaha kala duwan gaar ahaan horyaalada Yurub.

Cayaaraha: Bahda cayaaraha ee dibadda iyo gudahaba waxaa ka dhex jira muran ku saabsan ciddii maamuli lahayd cayaaraha dalka iyo sidii loo maarayn lahaa xulalka qaranka adiga waa sidee fikradaada ku aadan arimahaasi?

Baabuuji: waa su,aal wanagsan aniga waxaan qabaa qofkasta oo muwaadin Soomaali ah xaq ayuu u lee yahay inuu maamulo ama maareyo ciyaraha lakiinse waa goorma waa markii uu yahay qof wax u soo qabtay bulshada soomaaliyeed ee uu la noolyahay meelkasta ha joogee dibadda ama gudahaba.

032.JPG

 

 

 

 

 

Cayaaraha: Ugu dambayntii yaad jeceshahay in aad halkan ka salaanto?

Baabuuji: ugu horentii waxaan halkan ka salamayaa dhamaan umad soomaaliyeed meelkasta ay joogaan waxaan kale oo aan salaamayaa asxaabtayda kala ah, Macalin Sakriye, C/wali, C/fitaax Qardoole, Mooge, Yaasiin Jiis iyo dhamaan reer London. Waxaa kale oo aan gaar ahaan u salaamayaa Biyaano, Wakiil, Cabdi Baskid, Yariisow, Cabdi Joon, Xasan Shuute, Max,ed Gabow, Gaduudow, Caydiid, Abshir Calooley, Injer Goobe, C/raxiin Barqadle, Bataati, C/llahi Tafare, Shiikh Max,ud, Xuurshe, C/xakiin Gacaney, Salaad  Xarardheeye, C/nasir, Liisho, Nuurdeeq, Deeq, Xoor, Guuleed dii, Xasan karinle, Saciid Xuure, Bashiir M Cumar, Gudoomiye Salad Gaab, Xoghayaha XSKC C/Gani Saciid, Cali Saciid, Gudoomiye Saciid Mugaanbe Koonfur Yare iyo Max,ed Cali Baafe.

 

Waxaan sidoo kale si khaas ah u salaamayaa macalimiintaydii kala ahaa Macalin Baaskuwaale, Macalin Xuseen Coonka, Macalin Mansuur iyo Macalin Skot.

 

Cayaaraha: Bashiir aad ayaan kaaga mahadcelinaynaa sida aad nooga aqbashay waraysigan taariikhiga ah.

Baabuuji: Aad iyo aad ayaad Maxamuud idinkuna ugu mahadsantihiin fursadan qaaliga aad i siiseen.

 

 

 

 

 


Written By: Mohamud
Date Posted: 3/19/2010
Number of Views: 5360

Return

Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use