|    Register
 
Saturday, November 22, 2008
Article Details
Rajadii laga qabay in uu Rooney bogsado isla markaana raaco Ingiiska oo sii baaba`aysa.(May-29-2006)

Waxaa aad u sii yaraanaysa rajada laga qabo in xiddiga dalka Ingiriiska iyo kooxda Manchester Wayne Rooney uu ka bogsado dhaawaca uu hadda qabo isla markaana kala qaybgalo xulkiisa tartanka cayaaraha adduunka ee bishan Jun 9 keeda ka furmi doona dalka Jarmalka.

Kulan ay maanta isugu yimaadeen dhakaatiirta xulka qaranka iyo kooxda Manchester ayna goobjoog ka ahaayeen labada macalin Fergusson iyo Eriksson ayaa lagu caddeeyey in raajo kale la saaro lugta Rooney bisha Jun 7 deeda si uu macalinka xulka qaranku u helo fursad uu go`aan uga gaaro in uu ku badasho cayaartoy kale haddii la caddeeyo in aysan lugtiisu bogsan doonin ugu horeyn semi-final ka koobka adduunka.


Cayaaryahankan oo dhaawaciisu uu hareeyey wararka bahda cayaaraha dalkan Ingiriiska ayaa shaki wayn laga qabaa in uu u safan doono xulka Ingiriiska asagoo sidoo kale ka hari doona safarka ay xulkani ugu ambabixi doonaan dalka Jarmalka maalinimada Isniinta ah ee soo socota si loo hubiyo ka qaybgalkiisa cayaaraha adduunka ayadoo uu ka daba tagi doono haddii la sheego in uu raysan doono haddii kalena uu dalxiiskiisa kulaylaha iska aadi doono.


Maxamuud Ismaaciil


Cayaaraha-London


Written By: Mohamud
Date Posted: 5/31/2006
Number of Views: 136

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use