|    Register
 
Friday, November 21, 2008
Article Details
Goolhayihii xulka Qaranka iyo kooxdii Wagad oo ku dhibaateysan Muqdisho.(May-08-2006)

Goolhayihii xulka Qaranka iyo kooxdii Wagad oo ku dhibaateysan Muqdisho.(May-08-2006)

"Xiligii garoonka aan ku jiray oo aan waardiyeynayey shabaqa Xulka Qaranka iyo kooxda Wagad Ex Fiat, dadku aad ayey noo jeclaayeen, waxaana u halgamayey in aan guulo gaarsiiyo xulkeyga Qaranka Soomaaliya iyo kooxdeydii Wagad, maantana aad iyo aad ayaan u dhibaateysanahay, waxaan ahay xaasle, mana jirto meel aan ka shaqeeyo, biilka carruurteyda ma heli karo, aan ayaana ugu baahanahay gar gaar bini`aadannimo oo ay ii fidiyaan walaalaheyga Soomaaliyeed gaar ahaan dadkii i yaqaanay xilligii aan garoomada ku jiray, kuwaasoo hadda dibadda ku nool" ayuu yiri Goolhayihii hore ee Xulka Qaranka Nuuraani Muuddey Cabdi, oo ay ka muuqatay dhibaato xoog leh, oo dhinaca noloshiisa la xiriirta.


Written By: Mohamud
Date Posted: 5/8/2006
Number of Views: 141

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use