Ismaaciil Maxamed Cumar wuxuu ka mid yahay dhallinyarada soomaaliyeed ee iyagoo da’ yar soo galay qaaradda Yurub ee mustaqbalka fiican ku leh ciyaaraha kubbadda cagta. Ismaaciil wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho taariikhdu markii ay ahayd 21/11/1980, wuxuu ku nool yahay magaalada Milano ee dalka talyaaniga in ka badan 16 sano, wuxuu ilaa yaraantiisii jeclaa in uu noqdo ciyaartooy weyn ee u safta naadiyada waaweyn riyadiisu waxay ahayd in uu maalin uun ku ciyaaro garoonka naadiga Juventus ee magaalada Torino ee dalkaa talyaaniga