FIFA iyo kooxaha la baxay G14 oo uu ka dhex aloosan yahay dagaal xoogan oo ku saabsan....(Apr-01-2006)
FIFA iyo kooxaha la baxay G14 oo uu ka dhex aloosan yahay dagaal xoogan oo ku saabsan....(Apr-01-2006)
Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee adduunka Sepp Platter ayaa dhaleecayn adag u jeediyey kooxaha ugu waawayn qaaraddan Yurub oo ku bahoobay urur hoosaad ay ula baxeen G14. Dhaleecayntan iyo eedayntan xoogan ayaa ka timid ka dib markii ay kooxahani oo horey ugu jeediyey Fifa in ay wax ka badasho sharciyadeeda ku aadan cayaartoyda kooxaha iyo dhaawacyada ka soo gaara cayaaraha ay u cayaarayaan qaramadooda ay taageero dhaqaale iyo mid afeedba siiyeen kooxda Lyon oo ayadu dacwad ku oogtay Fifa ay uga dalbanayso in magdhaw laga siiyo cayaaryahan Eric Abidal oo cayaar saaxiibtinimo oo uu qaranka Faransiisku cayaarayey ku dhaawacmay.
Written By: Mohamud
Date Posted: 4/1/2006
Number of Views: 135
Return