Dhawaan ayaan booqasho ku tagay Magaaladda Hargeysa ee Xarunta dalka la magac baxay Somaliland, waxaa halkaas kula kulmay Gudoomiya Ururka Horumarinta Cayaaraha ee Somaliland Xasan Xaaji Maxamed (Atroos) oo ka mid ahaan jiray cayaartoydii kubadda cagta ee kooxdii Madbacadda Qaranka runtiina si aad ah iigu soo dhaweeyay Magaaldda Hargeysa labadii todobaad ee aan joogay, waxaana Xasan kahor intii aanan wareysiga la yeelan uu i soo marsiiyay garoomo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Garoonka K/cagta ee Dhalinta oo uu ka socday Tartanka Hyde Cup oo ay ka qeyb galayeen 16-kooxood oo kala yimid Xaafada Hargeysa, garoonka K/koloyga ee Tima-cade oo uu ka socda Tababar ay qaadanyeen Xulka K/koloyga ee Hargeysa, waaana Xasan Xaaji uu galab kasta Kormeer ku sameeyaa Tartamada iyo Tababarada ka socda Garoomadaas.