Mo Farah ayaa noqday ninkii ugu horeyay taariikhda dalkaan Britain bilad dahab ah ka keena cayaraaha oradada 10.000m ee European Championships-ka.
Jaraaidka dalka ka soo baxa oo dhan ayaa maanta si weyn uga faaloodeen guusha wiilka Soomaaliyeed ee bilada u soo hoyay boqortooyada Britian, waxyaabihii ay ka qoreen waxaa ka mid ahaa cinwaanadooda sidatan ‘’ Mo get gold in Barcelona’’ by Metro,’’ FLY MO’’ by The Sun.
Farxada guusha Barcelona iyo bilada dahabka ahba ee Mohamed Farah ma ahan mid farxad galisay kaliya dalkan Britian balse waxaa guushan taariikhiga ah soo dhaweeyay Soomaali oo dhan meel kasto ay ka joogto dunida, tusaale ahaan ilaa xalay iyo maanta boqolaal Soomaali ah oo aan ku arkay magaalada London ayaa iga codsadey inaan hambalyo ka gaarsiiyo Mo Farah.
Waxaa hubaa hadii xooga la saaro in dhalinyaro badan oo Soomaali ah oo dalkeena iyo dalalka aynu ku nool nahay u soo qaado bilado dahab ah la heli karo, Mo Farah iyo Abdi Bile waxay tusaale u yihiin dhalinyarada Soomaaliyeed madaama taariikhda ciyaraaha fudud ka galeen baal dahab ah.
Anigoo u hadlaya dhamaan bahda isboortiga Soomaaliyeed waxaan leeyahay Hambalyo guusha Mo Farah ee bilada dahabka ah.
W/Q: Yusuf Yusuf
Sports writer of SSPAMEDIA.
mrsomalia@hotmail.com.
London