|    Register
 
Monday, September 06, 2010
Article Details
Soomaaliya oo ka qaybgashay shirwaynihii 15 aad ee FIBA Afrika.

Shirweynahii  15aad ee Fiba Africa ayaa dhawaan lagu soo gabagabeeyey magaalada BAMAKO ee wadanka Mali.  Shirkaasi oo afartii sano mar la qabto ayaa bisha 17keeda July ka furmay caasimada wadanaka Mali - BAMAKO, shirkan oo ay ka soo qeygaleen dhamaan xiriirada kubada koleyga ee wadamada Africa oo ku kooban 53 dowladood.

Somaliya oo aan horey ugu qeyb gelin shirarkan noocaan oo kale sabatoo ah degaaladii sokeeya awgeed, ayaa sanadkan waxaa ugu qeybgaley xoghayaha guud ee xiriirka kubadda koleyga Soomaaliyeed Eng Bana Abadalla Ali.

Shirkan oo ula jeedadiisa ahey in FIBA Africa ay warbin ka siiso dhamaan wadadama ka soo qeybgaley waxqabadkii 4 sano la soo dhaafey iyo waxa ay ku talo jirto 4 sano ee soo socota.  Waxaa kaloo shirkan lagu dooranayey gudoomiyaha FIBA Africa, Xoghaya guud ee FIBA Africa , iyo dhamaan todobada gudoomiyaal ee Zoneka ee Fiba Africa.

Waa arin muhiim ah in laga qeyb galo shiriraka noocaan oo kale ah sabatoo ah dhamaan xubnaha africa ayaa imanaya oo  marka ay muhiim tahey in aan warbixin aan ka siino xaalada soomaaliya isla markaana aan ogaano horumarka wadamada kale anagoo ka eegeyna meesha aan ka joogno. Waxaa kaloo muhiim ah in aan xubin ka noqono gudiga FIBA Afriaca ama Zone 5 si aan cod ugu yeelano, ayuu yiri xoghayaha guud Eng Bana Ali.

Prof. Alain Ekra oo isagu ahaa gudoomiyaha FIBA Africa 12kii sano ugu danbeeye ayaa ka degey xilkii waxuuna ku wareejiyey gudoomiyihii hore ee Zone ka 4, Mabusa Eseka Dieudonne oo hada noqday gudoomiyiha cusub ee FIBA AFRICA, balse Dr. Alphonse Bile oo isgau ahaa xoghayahii hore ee FIBA Africa oo hadana dib loogu doorto jagadiisa afarta sano ee soo socota.

Eng Bana Ali ayaa isagana loo doortey Gudoomiyaha Marketingka ee Zone V, isla markaana noqdey gudoomiha ku xigeenka 1aad ee FIBA Africa qeybta Marketingka. waxuuna xubin buuxda ka noqdy gudiga sare ee fulinta ee Zone V.

Shirkaasi oo si habsoon loogu soo gababeeyey ayaa madaxweynaha wadanka Mali Amadou Toumani Touré u sameyey qado dharaf dhamaan xubnihii ka kala socdey 53 dowladood, waxuuna aad ugu mahad celiyey madaxda FIBA Africa oo iyagu goaansadey in ay shirka halkan ku qabsadaan.

XSK Kolayga


Written By: Mohamud
Date Posted: 7/23/2010
Number of Views: 351

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use