|    Register
 
Monday, September 06, 2010
Article Details
Xiddigga Kubadda Koleyga qaranka Qatar iyo naadiga Alrayyan oo lagu soo dhaweeyay Minnesota.

Casho sharaf lagu soo dhaweynayay xiddigga  kubadda koleyga xulka qaranka dalka Qatar iyo naadiga Alrayyaan Yasiin Muuse Ismaaciil ayaa habeenimadii xalayto oo ay ku  beegnayd taariikhda 07/15/2010 lagu qabtay  makhaayadda Marina Grill oo ku taallaa North East Minnesota.

Casho sharaftaasi oo ay soo abaabuleen bahda Isboortiga ee gobolka Minnesota ayaa waxa goob joog ka ahaa  guddoomiyaha Isboortiga ee gobolka Minnesota Cabdi Cali Macallin,Macallimiin, qaar ka tirsanaa ciyaaryahannadii kubadda Koleyga(Gabdho iyo Wiilal) iyo Cagta heer qaran iyo naadiyadii heerka 1aad ee Soomaaliya barisamaadkii , iyo wariye xaayoow oo ka socday Somali Media iyo universal TV Minnesota.

Cashadii ka dib ayaa halkaasi la isku dhaafsaday erayo kooban oo soo dhaweyn ah,ugu horreyntii waxaa halkaasi ka hadlay  Tababare C/qaadir Xaaji Daahir ”Shiikha” oo isagu ku soo dhaweeyay Yaasiin gobolka Minnesota,warbixin koobana ka siiyay waxqabadka bulshada isboortiga ee gobolka Minnesota iyo hawlaha baaxadda weyn ee ururka horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan ”SYDOM” Somali Youth Development Organization In Minnesota  ay u hayaan ummadda soomaaliyeed ee ku nool gobolkan.

yasiin.jpg

Tababare Axmed Daahir Axmed , Tababare  Idiris Ibraahim iyo Tababre C/raxmaan Guuleed “Aamaan”  ayaa iyaguna halkaasi erayo soo dhaweyn ah ka soo jeediyay, iyaga oo ku baraarujiyay Yaasiin inuu dadaalkiisa halkasi ka sii wado, wakiilna uu uga yahay Ummadda Soomaliyeed dalkasi uu joogo, waxaana ay ku  ammaaneen gacanta weyn ee uu siiyo dhallinta Soomaaliyeed oo iyagu meherad ahaan K/koleyga uga cayaara dalkaasi Qatar.

Guddoomiyaha Isboortiga ee gobolka Minnesota Cabdi Cali Macallin oo  ugu dambayntii halkasi ka hadlay ayaa Yaasiin ugu hambalyeeyay heerka  sare ee (Professional) ee uu ka gaaray kubadda koleyga ,isaga oo waliba ah shakhsi Soomaaliyeed oo aad u furfuran, jecelna inuu mar kastaaba gacan qabto dhallinta Soomaaliyeed ee ku hawlan k/koleyga.

Waxaana guddoomiyuhu uu ku guubaabiyay inuu halgankiisa halkaasi ka sii wado, isaga oo waliba  kula dardaarmay inuu intii karaankiisa ah uu ku dadaalo dhiirigalinta iyo kaalmaynta dhalaanka Soomaaliyeed.

Yaasiin Muuse Ismaaciil ayaa isagu si weyn uga mahadceliyay soo dhaweyntaasi  ay u fidiyeen bahda Isboortiga ee gobolka Minnesota, waxaana uu ka dhawaajiyay in uu sanadaha dambe haddii uu Alle yiraahdo  uu kala soo qayb gali doono tartamada cayaaraha Somaliweek oo lagu qabto gobolkan Minnesota.

Galabnimadii ayuu Yaasiin kala qaybgalay tababar ay halkaasi ku qaadanayeen dhallinta gobolka Minnesota, isaga oo aad u ammaanay farsamadii ay cayaartooydaasi muujiyeen, waxaana uu saadaaliyay in mustaqbalka dhallintaasi laga heli doono kuwa maqaam wanaagsan gaarsiiya magaca Soomaaliyeed.

Diyaariye:Shiikha

 


Written By: Mohamud
Date Posted: 7/18/2010
Number of Views: 504

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use