|    Register
 
Monday, September 06, 2010
Article Details
Suleymaan M. Cali oo Garsooraya AFRO Basket U18.

Garsooraha Kubadda Koleyga ee Caalamiga ah Suleymaan Maxamed Cali ayaa waxaa ay xiriirka kubadda koleyga Africa ay u dooratay inuu ka mid noqdo garsoorayaasha dhexdhexaadinaya ciyaaraha gabdhaha da`dooda ka hoseysa 18-jirada kaas oo magaalada Cairo ee dalka Masar ka dhacaya 29-July 06 August 2010.

“Waxaan ku rajoweynahan in aad howshaas aad kaga soo baxdo si Hufan oo Xilkasnimo ku jirto, Islamarkaasna Sharafta  iyo Sumcadda Garsoorayaasha Soomaaliyeed aad kor u soo qaadid” sidaasi waxaa ku xusnaa qoraal ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha XSKK Ibraahim Xuseen Cali [Roombo].

 

“Waa guul u soo hoyatay XSKK iyo garsoorayaasha Soomaaliyeed muddo 20 sano ka dib in lagu arko garoomada Caalamiga garsoore Soomaaliyeed oo Kubadda Koleyga oo dhexdhexaadinaya ciyaaro heer Caalami ah, waxaana ku dadaali doonaa inaan si weyn ugu howlgalno horumarinta garsoorayaasha Soomaaliyeeday si ay u noqdaan kuwo mar walba tayadoodu aad u sareyso ” ayuu ku soo afjaray Guddoomiye Ibraahim Roombo oo u waramayay ISBOORTI.

 

Ma` aha markii ugu horeysay oo ay XSKK ku talaabsadaan xaqiijinta talaabooyin lagu farxo oo kor loogu qaadayo horumarinta xiriirka caalamiga iyo soo celinta doorkii Sooomaaliya ee Kubadda Koleyga Caalamka waxaa talaabadan ka qeybqaadashada dhexdhexaadinta ciyaaraha Caalamiga ay raacaysaa guushii Taariikhiga ee soo celintii xubinimada Xiriirka K/Koleyga Jaamacadda Carabta oo muddo 20 sano ah ka maqnayd Soomaaliya saaxaddaasi.

 

Isboorti Chief Editor
Said Ibrahim Hussein (BUUNA)
Cell Phone:+2526-99-982912
Email:buuna@isboorti.com
Website:www.isboorti.com
 

 

 

 


 

 


Written By: Mohamud
Date Posted: 7/18/2010
Number of Views: 278

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use