Ciyaartooyda Dalka Jarmalka aya ahaa kuwa si weyn ugu fir fircoonaa dhigooda Dalka England,iyadoona qaybtii hore Ciyaarta lagu kala baxay 2-1 oo ay Jarmalka ku hogaaminayaan,waxaana Goolasha Jarmalka saxiixay Xiddigaha mataanaha ku ah dhanka weerarka ee kala ah M. Klose iyo Podolski,halka Goolka Xulka England oo u keenay Daafacoda Upson daqiiqadi 37-aad.
Garsoorahii ciyaarta oo lagu magacaabo Jorge Larrionda oo u dhashay Dalka Uruguay ayaa Gool sax ahaa ka diiday Xiddiga qadka dhaxe xulka England Frank Lampard daqiiqadii 38-aad ka dib markii kubad uu shuutay Lampard oo ku dhacday birta goosha ay dhaaftay xarijinta,balse garsooraha ayaa amray in la sii wado ciyarata,isla markaana anu gool aheyn.
Markii dib la iskugu soo laabtay qaybtii 2-aad ciyaarta ayaa Xiddigaha Xulka England waxey Garoonka la soo galeyn dar dar xoogan,balse Weeraryahanka Da'da yar Xulka Jarmalka Tomas Muller ayaa labo Goal oo daqiiqado yar u dhaxeyso ka saxiixay Goolhaye Jeames oo kubada u hayay Xulka England,taasoo niyad dishay Ciyaartooyda England oo ku dadaalayay inay iska soo gudaan goolka lagu lahaa..
Ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 4-1 oo ay guusha ku raacday Xulka k/cgata Dalka Jarmalka,iyadoona Xiddigihii Xulka England oo loo sadalinayay Koobka ay Garoonka kala baxeen ceeb iyo murugo.
Ka dib markii ay Ciyaarta dhamaatay ayaa waxaa sida caadada aheyd la baxiyay Ciyaaryahankii ugu wanagsana Ciyaarta,waxaan la siiyay Weeraryahanka da'da yar ee Xulka Jarmalka Muller oo labo ka saxiixay ciyaarta.
Dhinaca kale Weerarayahanka Xulka Jarmalka Klosa ayaa waxuu usoo dhawaaday inuu jabiyo Record-ka u yaala Weeraryahanka Xulka Brazil Ee Ronaldo,kaasoo heysta Record-ka Ciyaaryahanka ugu goolasha badan taariikhda Kooba Adduunka waxuuna dhaliyay 15-Goal,balse Goolka maanta uu saxiixay Klosa ayaa waxuu u ahaa kiisa 12-aad Ee Tartamada Koobka Adduunka ka saxiixo,waxaana Record-ka Roanaldo kaga harsan sadax oo Goal oo qura.
Xuseen Maxamed CAbdulle (Riiko)
Cayaaraha-Mogadishu