|    Register
 
Thursday, September 09, 2010
Article Details
The Village oo u Awood Sheegatay Jubba Airways

MUQDISHO: Garoonka Dugsiga sare ee Booliska [Scuola Polizia] ee magaalada Muqdisho Waxaa si xiiso badan uga soconaya tartanka xiddigaha wiilasha Kubadda Koleyga Soomaaliyeed The Village vs. Jubba Air ayaa isku haleelay ciyaar si weyn loo wada sugaayay 58-55 ayay guusha ku raacday xiddigaha The Village Restourant.

Ciyaartan oo ku bilaabatay dardar aad u xoogan kuna dheehan farsamo ayaa waxay xiddigahan ku soo bandhigeen ciyaar aad loo jeclaystay oo la mid ah kuwo ay ciyaaraan xiddigaha NBA iyadoo qeybihii danbe ciyaarta  oo ay labada kooxood dhibcahooda ay isla socdeen waxaa si dirqi ah fursadahooda uga faa`ideystay xiddigaha The Village oo ka sare maray 3 dhibcood guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 58-55.

 

Ciyaaryahanada sida weyn labada kooxood ugu cadcadaa waxaa ka mid ah dhanka Xiddigaha The Village Restourant Calas Maxamed (N.13), Axmed Daahir (N.9), Cali Baraawiini (N.7). Dhanka Jubba Airways Nuur Jeylaani [Gaduudoow] (N.6), Axmed Bille (N. 9), Cabdullahi Muxyadiin (N.4).

ACVC_03.jpg 

Ciyaartan waxaa garsoorayay Zakariye Maxamed Nuur garsooraha labaad  Ibraahim Mahad [Ibraahim Radio] Score Sheet Maxamed Abuukar Axmed xagga saacadana waxaa hayay Cabdi Cabdulle [Baasaale].

 

Tartankan xiddigaha oo ay ka qeybqadanayaan 4 kooxood oo kala ah Jubba Air, Somali Diaspora UK , Action Vale Somali Community iyo The Village Restourant. waxaa agaasinkeeda leh Xiriirka Kubadda Koleyga Soomaaliyeed .

 

Daawashada Ciyaarta ayaa waxaa ka soo xaadiray madaxa xiriirka Kubadda Koleyga Guddoomiye Ibraahim Xuseen Cali [Roombo] iyo ku xigeenkiisa Cali Xasan ,Guddoomiye ku xigeenka GOS Xasan Axmed Cabdi [Xasan Elman] Guddoomiyaha Naadiga Heegan Col. Cali Shiino iyo taageerayaasha  xiiseeya ciyaarta Kubadda Koleyga.

 

Isboorti Chief Editor
Said Ibrahim Hussein (BUUNA)
Cell Phone:+2526-99-982912
Email:buuna@isboorti.com
Website:www.isboorti.com
 


Written By: Mohamud
Date Posted: 6/26/2010
Number of Views: 162

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use